LA HADAL CAQLIGA & AQOONTA: Falan-qeyn

++++++!+++++++++++++++++++++++++++
Weeleynta dhuuxa qaranimada waxa saameyn togan ama taban ku yeelan kara xaalado kala geddisan. Waxaynna ku xidhan tahay kolba jidka ay hoggaaminta sare ee dalku u marto hirgalinta iyo/ama ka gaabinta qodobadan soo socda:
▪︎Haylkal dawladeed iyo is xukun maamul.
▪︎Dastuur, sharci iyo maamul wanaag.
▪︎Garsoor hufan, caddaalad iyo sinnaan.
▪︎Korin iyo kaalin-galin karti bulsho.
▪︎Waddaniyad, qaranimo iyo ummadnimo.
▪︎Is beddel bulsho iyo lahaansho aragti guud.
▪︎Kobcin dhaqaale, iyo hal-abuur ganacsi.
▪︎ Hanaan waxbarasho & daah-qaad aqooneed.
▪︎Horumarin tignoolajiyadeed “Technology”.
▪︎Doorka ururada bulshada maxalliga ah.
▪︎Nooca xidhiidhada dunida, iyo dariska.
▪︎Kaalinta ganacsatada, “Business lobbying”.
▪︎Tixgelinta dhaqanka iyo hiddaha ummadda.
▪︎Walaaleynta, midnimada iyo dal jaceylka.
▪︎Dareenka wada lahaanshaha dawladnimada, taariikhda, muwaaddinimada, danta guud,iyo wadaagga khayraadka dabiiciga ee dalka.
▪︎Iyo Maareynta dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka “PoliticalActivity”. Tani waa jiheeyaha ugu weyn ee saameynta “taban ama togan” ku yeesha dhammaan qodobada sare ku xusan. Waayo, siyaasaddu waa dhaliyaha guusha iyo guul-darrada qaranka, waxaana kaalin iyo door kala duwan ku leh dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin bulshada, xisbiyada siyaasadda, iyo nidaamka dawladnimda. Balse, mishiinka ugu weyn ee dhammaantood dhaqaajin karaa waa
hannaanka dawladnimo ee dalka ka dhisan.
Sidaa awgeed, si loo hirgaliyo hufnaan maamul, ku dhaqan sharci & dawladnimo habboon oo ku jaan-go’an qodobada sare ku sheegan, waxa muhiim ah in marka hore la helo awoodo dawladeed oo isku dheellitiran, “checks & balances”, iyo qaybsanaan waajibaad dawladnimo “Separation of power”. Taasi oo haddii si sharciga waafaqsan loo fuliyo laga dheefi karo ka hortagga, & xakameynta ku tagrifalka awooddaha waaxda fulnta.
Haddaba, haddii la rabo in la dhidbo hannaan dawladnimo oo duxda iyo dheecaankeeda laga dheefsan karo guulo qaranimo oo kor u qaadi kara mudnaanta qarannimada,iyo sarreynta ummadnimada, waxa loo baahan yahay in la helo hoggaamiye mudnaantiisa hoggaamineed tahay hirgalinta hoggaamin suubban, oo ku qotonta ku dhaqan dastuur, iyo sarreyn sharci.
Sidaa darteed, hoggaamiyaha fogaan aragga ah ee xanbaarsan aragti salkeedu yahay qaranimo iyo siyaasad xeel durugsan, ayaa dhab ka dhigi kara qorshaha iyo higsiga qaranka. Iyada oo dalku gaadhi karo horumar waara, is beddel bulsho, karti aqooneed, is ogol siyaasadeed, walaalnimo bulsho, dheellitir awoodeed, haykal dawladnimo, isku qanacsanaan ummadeed, dareen wada lahaansho qaran, hoggaamin suubban iyo sarreyn sharci. Wuxuuna dalka iyo dadkaba u noqon kara haldoor, hoggaamiye suubban, horseed bulsho, halyey mudan, dhaxal qaran, qaabeeye ummadeed, iyo soo saare hoggaamiyeyaal muddakar ah.
Ugu danbeyntii, haddii bulshadu duubka u xidho hoggaamiye aragti gaaban, islamarkaana aaminsan aragti qabiil, hal-beeg qabyaaladeed, gar eexo, gacmo laaban, guddoon jilicsan iyo qaraabo-kiil. Waxa dalka iyo dadkiisa ka luma dhammaan samaha, badhaadhaha, barwaaqada, iyo wanaagga sare ku xusan. Isaga oo hormood u noqda hagaasin qaran, kobcin qabyaaladeed, caddaalad darro, kala guur ummadeed, kaduudsi dhaqaale, dib u dhac bulsho, burbur nidaam dawladnimo, sharci-jebin, iyo raandhiis la’aan hoggaamineed.
=DHAMMAAD=
~Jamal A. Muse
Email: dankaaliye@gmail.com