Labadan Lammaane Iyo Laba Da’ood Oo Kala Fog

Brigitte Macron waa marwada madaxweynaha Faransiiska, da’deedu waa 68 sano jir, 25 sano ayaana ay ka weyntahay odaygeeda madaxweyne Emmanuel Macron. Waxa ay is guursadeen iyada oo ah Carmal dhashay saddex carruur ah oo inanta ugu weyn ay isku da’ yihiin Isaga.

Brigitte waxa ay ahayd 40 jir Macallin ka ah dugsi sare, markii ay caashaqday Macron oo ahaa 15 jir ka mid ah ardaydeeda, isku fasalna ay yihiin inanteeda curad.

Melania Trump, afada madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, da’deedu waa 51 sano, 24 sano ayaa ay ka yartahay Odaygeeda Donald Trump oo isagu 75 sano jiray. Wiilkiisa curad ayaa 7 sano oo keliya ka yar Melania.

Melania guurka ka hor waxa ay shaqaale u ahayd Donald Trump oo heshiis xayeysiinta dharka ah ay kula jirtay shirkaddiisa Trump Model Management.

Labadan qoyska waxaa lagu tiriyaa kuwo nolosha guulo ka gaadhay, waxaana aad loo aaminsan yahay in labada dumar ahiba ay ka talo iyo garaad fiican yihiin odayaashooda.

In badan ayaa ay warbaahintu siyaabo dacaayad iyo kaftan ah wax uga qortay farqiga da’da ee lammaanayaashan, waxa se ugu afdheeraa kuwa soojeediyey in ay ku fiicnayd, in labada hoggaamiye ay labada haween ah is weydaarsadaan

Haddaba, haddii ay ka fursan weydo in labada qof ee is guursanayaa ay da’ ahaan kala weynaadaan. Midkeed ayaa aad adigu is leedahay  waa ay fiican tahay in uu weynaado, sababtu se waa maxay???

Kamaal Marjaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com