Ma Daalaha Waaxda Wararka SOLNA, Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. W/Q: Jamaal Macalin.

Caydaruus Cismaan Axmed aragtidiisa waxa iigu horaysay sannadkii 2009, oo ah muddo hadda laga joogo laba iyo toban sanno, xiligaas oo aanu ku kulanay goob shaqo, oo ahayd dhismihii hore ee aqalka golaha guurtida Somaliland, oo maalintaas ay ku lahaayeen fadhi ama shaqo-maal meedkoodi caadiga ahaa.

Caydaruus Cismaan markii ugu horaysay een arko wuxuu ku jiray shaqo qaran, xiligii isugu kaayo dambaysayna waxay ahayd 04.02.2021, iyana wuxuu ku jiray isla shaqadaas uu qaranka u hayay.

Wariye Caydaruus 2009 illaa 2017, oo noqonaysa sideed sanno, waxaanu ka wada hawl-galaynay ama aanu ahayn wartabiyeyaasha gaarka ah ee wararka goleyaasha guurtida iyo wakiillada ee SOLNA iyo wargeyska Dawan.

Caydaruus xiligaa waxa uu war u soo doonay wakaaladda wararka ee SOLNA oo uu illaa hadda ka tirsan yahay, iyadoo aan anna xiligaas ka socday ama ka tirsanaa wargeyska dawlada ee Maandeeq oo 2011 xukuumaddii madaxweyne Siiyaanyo u bixisay ama u badashay Dawan.

Caydaruus ku dhawaad afartii sanno ee u dambeeyay waxaan si joogto ah wiigii laba jeer kala hawl galaayay waaxda wakaaladda wararka ee SOLNA, markaan been iska dhawro way yar tahay inta aanan arag isagoo aan xaruntaas war keenin.

Dadaalka iyo daacadnimada shaqo ee Caydaruus, waxa u dheer qalbi samaan, taasi waxay i xasuusinaysaa arrin laga yaabo in dadka qaarkii maqleen, taas oo ah AHN fannaanka caanka ah ee AHN Cumar Shooli, ayaa waxa la sheegaa inuu ahaa fannaan madaale ah oo hal habeen qaban karaayay dhawr shaqo oo fanneed, kuwaas oo xiliyo isku dhaw ka kala qabsoomaaya meelo kala duwan.

Sidaa awgeed ayaa dadka qaar fannaankaas AHN Cumar Shooli waxay ku naanaysi jireen ma daalaha hoobalada Waaberi, anna waxay ila tahay inaan dembi iga raacayn hadaan idhaa Caydaruus Cismaan waa ma daalaha wasaaradda warfaafinta, siiba waaxda SOLNA..

Waxaan filayaa cidkastoo ay Caydaruus ay shaqo ku kulmeen ama taqaana inay qirayso daacadnimadiisa shaqo.

Caydaruus wuxuu ka mid yahay ma seexdeyaasha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland, ee shaqadaas ku jiray dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay.

Dhaayuhu way arkaan

Dhegtuna way maqlaysaa

Waana dhaxal u yaal

W/Q: Jamaal Macalin.

Waa aragtidayda gaarka ah.