Maansadii Hooyada. {Maan-gudin xaqaagii} Waxa Curiyay Abwaan Yuusuf-SHAACIR.

Hargeysa(Hayaannews): Maansadii Hooyada. {Maan-gudin xaqaagii} waxa curiyay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yuusuf-SHAACIR).

Xiddigaha darbaa jira
Xikmad lagu tilmaansado
Geelana xusuusbaa
Beryo lagu xergeeyaa

Xayawaanku geeddoow
Haddii uu xabaadh galo
Kalgacaylka xuunshadu
Inta kale ka xeeldheer

Xanaftiyo kulaylkii
Fooshiyo xanuunkii
Xarbo dhabashadaadii
Codku kula xabeebsaday
Xummadiyo wareerkii
Xididada jidhkaagiyo
Xubnahaaga hooyooy
Wixii aan xanuun baday
Ama oonta kaa xidhay
Miyaan xalayto jiifsaday
Saw ma gelin xusuustood

Xinjirtaan ka beermaay
Xabkii layga bururshaay
Xigsintaan ku ababaay
Xaruntii jidhkaygiyo
Xundhurtaydu taallaay
Inkastaan xuskaagiyo
Isku dayey xaqaagii
Xanjeerkaaga oo qudha
Xurmadiisa maan gudin

Xaqiiqdii adduunyada
Xigashada aqoontiyo
Xilkasnimo adaa baray
Mar xadaari baatahay
Mar xikmaawi baatahay
Mar xaraarta noloshiyo
xeel-dheeri baatahay
marna bare xariifoo
xiisad ii dhigaa tahay
marna xabag-barsheediyo
qurus xay ah baatahay

xabiibkii la doortiyo
Anbiyada xushmaynta leh
Axbaabtii rasuulkiyo
Xamse iyo caloo kale
Ama xaarith iyo cumar
Abubakar xogtiisiyo
Caashiyo xafsoo jiray
Adigaa xanaanshoo
Hooyooy xambaaree
Xulashada hal-doorka ah
Miyaan kaa xistiyayaa
Xurmadaada hooyooy
Dahabkiyo xariirtiyo
Xooluhu ma gooyaan
Xubbigaaga hooyooy
Aadmigu xisaabiyo
Xaraf kuma dhamayn karo
Saddex jeer xadiiskii
I xujeeyey baa tahay
Jannadiyo xariirtii
Lay xaqiijay baa tahay
Xaragada adduunkiyo
Xiisahaygii baa tahay
Sharaftuna xagaagiyo
Xeerintaada weeyaan

Xooggaagu kuma gabo
Caafimaadku kuma xidho
Intay noloshu xay tahay
Xiddigaagu dheeraa

Sidii xaawa looyidhi
Haweenkeennu xoog iyo
Xilkasbay ahaayeen
Sidii xididba loo yidhi
Haween keennu xaas iyo
Xarunbay ahaayeen
Xarbi iyo dagaal iyo
Hadii ay xornimo tahay
Ama ay xasilintahay
Dhaqan iyo xishood tahay
Haddaan dumarku xeel iyo
Xag kastaba ka dalab tirin
Xadhigeena soohayn
Xog-ogaal la waydiin
Xaajadeenna guul iyo
Xal miyaad ka filaysaa ?

Nabsaa xaabo lagu dayey
Aniguna xilmaan gudan
Xajka hooyo maan geyn
Xanshashaqa warkaagiyo
Dhabtii lagu xasili jiray
Xubbigiyo kal gacalkiyo
Hadalkii xiddaysnaa
Xiisaha jidhkaagiyo
sidaan ugu xadrayn jiray
ama aad xanaanada
hooyo iigu xeernayd
adaan taada xaalayn
sidaad ii xasuusnayd
alluunbaa xisaabshoo
maan gudin xaqaagii

xaamilo shinkeed go`ay
iyo xoolka dharabta ah
iyo naaska xooxda leh
saw cali xogtiiyo
xigashada layaab ka leh
xujadiisu ima gelin
xilligaa is gurayee
aabbena xaggiisiyo
xayiig tiisa kama tegin
kaalin tiisa maan xaman
haddaan xeerka waayaha
laba waalid loo xulin
miyay xagal ka daac iyo
xadaafiirba waydaa ?

xabag geed ku taalliyo
dadku xoolo maahee
inta aadmi xay yahay
xuska eebbe waa kow
xubeer waalid waa laba
xidhiidhkiyo islaamkana
xubintaada noolee
hanfigii xagaagiyo
sida xeeb ha kululaan
xalaal miirashada guud
xeradaada ka adkow
durdur iyo xareed iyo
xays iyo ugbaad noqo
iyo muumin xoog badan

tixda aan ku soo xidho
hooyooy xumaan iyo
xanuun eebbe kaa hay
xaqiraadna kuma bado
xafidaad ku noolow
dadku kuu xigaal noqoy
xasad eebbe kaa dhawr
qabrigiyo xabaashana
rabbi meel xun kuma dhigo
xawdkii rasuulkiyo
janno iyo xariir mudo

Aamiin Aamiin.

ABWAAN Yuusuf Cismaan Cabdille

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Isha Ku Hay Shabakadda Wararka Ee www.Hayaannews.net Goor kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ee Ha moogaa.