Maanta Geesi Baa Baxay: MAANSO Ay Nimcogabaydo IHUN Ugu Baroordiiqday Suxufigii Weynaa Ee Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax!

Maansadan waxa ay Nimco Aadan Hurre ugu baroor-diiqday Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Saxaafadda Soomaalilaan ee SOLJA oo 26kii Disember 2014ka ku geeriyooday magaalada Nayroobi. Waxa 30kii Disember 2014ka lagu aasay xabaalaha Xeedho ee Hargeysa.

Marxuun Maxamed-Rashiid waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaadday Soomaalilaan, iyada oo uu goor walba iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashada iyo in dadku fekerkooda si xor ah u tebiyaan.

Eebbe ha u naxariistee marxuunkan oo kartida Eebbaha Sarreeya ee hufani u dhaliyay awgeed, waxa uu u muuqday deyrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha.

Maansadani waxa ay ka mid tahay tixihii ugu dambeeyay ee ay curisay Abwaan Nimco-gabaydo, labadooda Eebbe godka ha u nuuro. Waxa ay ka warramaysaa kartidii marxuunka iyo hibooyinkii Alle siiyay.

Waxa ay tidhi.

Ifku geeddi weeyaan

Gabbal-dhiciyo waaberi

Laga guurayaayoo

Addoomaha ku guud nool

Qofba galab ka hoydee

Allaylehe nin goba iyo

Halyay garasho dheer iyo

Muumin ruuxa goolmoon

U gargaari jirayoo

Ka weynaa gankiisiyo

Maanta geesibaa baxay

Garabkayga taagnaa

Gacmo-madhan Allahayow

Adaan kuu goglanayaa

Naxariis gu’ weyn iyo

Raxmaddaada aan gudhin

Godolkeeda siiyoo

Qabrigiyo ku guulee

Godka aakhiruu tegay.

Nin garaad wacnaayoo

Gudi jiray abaalkoo

Geli jiray markiisiyo

Hanad lagu goblamay iyo

Maanta geesi baa baxay

Garabkayga taagnaa

Gacmo madhan Allahayow

Adaan kuu goglanayaa

Naxariis gu’ weyn iyo

Raxmaddaada aan gudhin

Godolkeeda siiyoo

Qabrigiyo ku guulee

Godka aakhiruu tegay

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com