Madaxwaynaha Somaliland, Khudbaddii Uu Ka Jeediyay Heritage Foundation Ee Maraykanka, Waxa Uu Awoodda saaray.

Garyaqaan Guulleed Dafac

Hargeysa(Hayaannews):Garyaqaan Guuleed Dafac oo ayaa waxa uu soo bandhigay shan qoddob oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu awooda ku saaray khudbadii uu ka jeediyay Heritage Foundation maalintii isniinta ee aynu soo dhaafnay.

Sidaa waxa uu Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed-Daafac) ku sheegay qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanay u dhignaayeen sidan:

  1. In Somaliland iyo Maraykanku ay wadaagaan qiyamka. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay tahay dal dimoqraadi ah oo ilaaliya xorriyaadka iyo xuquuqda dadka iyo in labada dal ay wadaagaan dhaqan ay ka dhaxleen gumaystihii labada dal soo wada maray ee Ingiriiska. Waxa uu sheegay in guulaha ay Somaliland ka gaadhay dimoqraadiyadda ay bari karaan adduunka iyo Geeska Afrika oo uu sheegay dadkiisu u baahan yahay inuu wax ka barto Somaliland.
  2. In Somaliland ku taal goob muhiim u ah adduunka xagga marin biyoodka, la dagaalanka dembiyada iyo dekedda Berbera oo hada dib u cusboonaysiin iyo balaadhin lagu sameeyay. Waxa intaas dheer marinka isku xidha Berbera iyo dalalka aan lahayn badda sida Itoobiya oo dhismihiisu socdo.
  3. In Somaliland ay la dagaalanto argagixisada oo ay tahay cid iskaashi lala yeelan karo oo la isku hallayn karo.
  4. Inay ay fashilmeen wada hadalkii ka dhexeeyey Somaliland iyo Somalia oo uu sheegay madaxwaynuhu in Somalia ay fashilisay oo aanay doonayn in guul laga gaadho. Waxa uu sheegay madaxwaynuhu inay dadaal ugu jiraan sidii ay aqoonsiga ugu helli lahaayeen marino kale.
  5. In aan Somaliland waxba loo yeedhin karin ee ay u madax banaan tahay go’aamadeeda. Waxa uu sheegay in ay tahay dal faqiir ah, xoog ciidan aan lahayn islamarkaana dhaqaaleheedu liito, balse dadkeedu uu yahay dad qab leh.

Madaxwaynaha waxa la waydiiyay waxa uu ugu han wayn yahay dalkiisa waxa ay tahay. Jawaabta ugu wanaagsanayd taas ayuu ka bixiyay. Wax uu sheegay inuu aad ugu han wayn yahay soo kabashada dadkiisa (resilience) isaga oo ka sheekeyey sida uu dalku ahaa markii dawladnimada burburtay iyada sida ay hada ka dhigeen.

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu sheegay in nidaamka dimoqraadiga ahi uu yahay mid ay dadku doorteen. Waannu soo aragnay shuuciyadda iyo waxa ay tahay. Hada waxa aannu dooranayn dimoqraadiyadda.

Madaxwayunuhu waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii haweenku door muhiim ah ugu yeelan lahaa xukunka dalka iyo doorashooyinka soo socda.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com