Madaxweyne Erdogan Oo Ku Celiyey jawaabtii Ka Cadheysiisay Faransiiska
October 26, 2020 - Written by admin
Ankara(Hayaannews) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan
ayaa mar kale Axaddii ku celiyey in “maskaxda laga baadho” madaxweynaha
Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso cadhada ka dhalatay hadal
uu ugu gefay Islaamka.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii
cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiisa la baaro,”
sababtoo ah waxa uu “malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan
ula dhaqmaya sidan.”
Hadallada Erdogan ayaa dhaliyey in Paris ay carooto una yeertao
safiirkeedii Ankara.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku celiyey hadalladaas Axaddii, isaga
oo ku eedeeyey Macron “inuu ku waashay Erdogan maalin iyo habeen”.
“Macron waa kiis, sidaas darteedna wuxuu xaqiidii u baahan yahay in maskaxdiisa la hubiyo,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad uu ka jeediyey magaalada Malatya ee gobolka Anatolia.