”Madaxweyne. Qudbiyadayada Ha Eeganine, Inta Talada Aad Sugayso, Dawladaada iyo Xisbigaaga Labadaba Dhiig Cusub Ku Shub

Qudbiyada lagu khasaaray ee qoyskayaga waxa ugu horeeya, uguna tun-wayn Wasiirka waraabe-u-taaga ah ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Sheelkh Khaliil Cbdilaahi Ahmed.

Wasiir ‘Khasaare’ oo magaca kale ee dhawaan uga hirgalay beeshayada uu yahay ‘Dhanna kuma roone’, waa xaga Xisbiga iyo waxqabadka dawlada iyo xaga reerka gudihiisa labadaba . ‘Sumaloow Ido Seeg, Riyo Seeg’ – Murti hore.

Xaga wax-qabadka dawlada , weli lama hayo ceesaan uu ceel keenay iyo ri uu gees ka riday toona, xataa Wasaarada uu masuulka ka yahay kol ay ku tahay lama arag 11 kaas sanno ee uu Wasiirka ahaa abaal uu tol gashaday.

Allaahuma haddii laga tagi waayo midhadh beeshiisa “Baydareys-ka” ah oo uu boosas dawladeed ku leexiyay iyo Bisha Ramadaan baafinteeda uun haa. Abwaan weyn oo Soomaaliyeed Faarax Nuur Wacays ayaa hore u yidhi’Rag cadaalad waayaa, Sida Cawsha Kala Yaac’-

Xaga Xisbiga, sharaf dhac wayn iyo dhaawac sumcadeed ayaa ka soo gaadhay, ka dib markii uu Xisbiga KULMIYE ee uu 11-ka sanno Wasiirka ugu metelayay beesha dibada uu u soo dhigay labadii Musharax Xildhibaan ee Beesha Baho Cumar iyo Aadan Cabdalle oo uu ka soo jeedo Wasiirku.

Xaga Gudaha Beeshiisa Aadan Cabdalle, qaybsan-wayn oon xal iyo maare loo helayn, oo kala aaminka bax ah ayaa ka jira, ka dib markii uu ku kacay eex, qaraabo kiil iyo cadaalad darooyin baahsan oo ay ka mid yihiin dhacdooyinkani hoose:

1. Arintii Nuura Xuseen Dhalaax ee Xisbiga Kulmiye oo uu uga eexday gabadh Raaskiisa (Baydarays) ah.

2. Arintii Maxamuud. Qoofal, Gud.Xigeenka X.Kulmiye ee Axmed Dhagax, oo uu magacaabistii digreetada kala dagaalamay, dibna looga noqday.

3. Arintii Ex, Xoghaye/Suge Maayir Xildhibaan Cabdikariin Cabdiraxmaan Madar ee uu booskii Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Baligubadle uga qaaday inaadeerkii Shiine Muxumed Idiris. Xildhibaanka ayaa sidoo kale dagaal ay la galeen isaga iyo madaxyoweynta sharka ee Beeshiisa Bayrarays, sidii uusan usoo bixi lahayn bilawgii ololaha, hadana ay uga hirayaan hankiisa Maayarnimo iyagoo u danaynaya inuu joogo booskiisa Xoghayaha hada ee ay Wasiirka isku Beesha Baydarays yihiin. ‘Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodana ha dheerayn, ku dhici doontaana mooyee’

4. Arintii Meheradii Reer Jaamac Diiriye (Arintii Guroyar) oo siday ku dhamaatay Arab ogaa,

5. Arintii Meheradii Iid Cagoole ee dhakhtarka dabadiisa, taasi oo fulintii lagu sameeyay Og la siiyay wasiirka, warkeediina uu tuurta saartay balse aan raad iyo xoolo toona laga hayn ee uu xaalku yahay ‘I meer meeri’. lkn waxa ay noqon doontaa in ay taarikhda u gasho sumacad xumo iyo ceeb daba socota waligii”

iyo qaar kaloo baddan, iyo qaar kaloo badan. Iskaba daa ARAB-WEYNE  wax uu taroo, gudihii beeshiisa Adan Cabdale ayaa maanta caymada.

XASUUSO: Meeqaamka ay ka joogaan maanta kuwani hoos ku qoran,

– Cabdi Haybe, Qabyo-tire, Axmed Darajo I.W.M

Waa duni Aboorkii, Maskii ka mici waynaaday, Orgi talinaaya, Dibina eegaayo, waa la arki doonaa !!!

Qalinkii: Cabdilaahi Iid, warbixintu waa taxane ee lasocda kuwa dambana?

Mubaarig Cabdi Bacalul.

1Cabdilaahi Iid Suldaanka

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.comTop of Form