Madaxweynihii Hore #CIGAAL Oo U Gabyaaya #SNM.

Seated portrait shows a smiling Muhammad Haji Ibrahim Egal (1928 - 2002), the prime minister of Somalia, 1968. New York. He later served as president of the self-proclaimed independent state of Somaliland (in northern Somalia) from 1993 to his death in 2002. (Photo by Bachrach/Getty Images)

Hargeisa(#Hayaannews): Abwaanka Axmed Ali Garras Ma-qaloocshe ayaa tiriyey gabaygan waqti hore oo ku siman 1998 kii, waxaanu iska dhigayaa AHN Madaxweyne Cigaal oo SNM u gabyaya waxaanu yidhi:

– Gidigoodba SNM miyaan aadyar kala gooyey

– Iyadoon is-garanayn, miyaan kala guruubaystay

– Hadba goosankaan helo, miyaan goodiyada caydh-shay

– Ma haday iswada gaadaysaa, waa gedaan rabaye’

– Gadh-cadihii SALEEBAAN, miyuu galabta siigeeyey (S. Gaal)

– XASAN wuxuu isgiijaba, miyaan keenay garabkayga (Xasan Ciise)

– DHAGAWEYNE goodiga, miyuu gorodda laalaadshay

– KAAHIN wuxuu ahaa geesi ba’an, food ma galin waayey

– Gooni-socodki INA MIRE, miyaa laga ged roonaaday

– TOLWAA wuxuu isgaabshaba, miyaan gebi ka tuuryeeyey

– INA XAASHI geenyadi, miyey gego kusii xoortay (M. Xaashi Cilmi)

– Guuxayga goortuu maqlo, iyo gooha iyo reenka

– Gacma-taagye INA BIIXIGII, gaadhanaan jiray

– Dan u guuro Sheekh Yuusuf iyo gabanadiisiiye (Yuusuf Cali Gurey)

– Goolaaftan iyo dhaar, markuu kaga gayoon waayey

– INA GIIRE iyo QUULLE way golle ka magaane’ eh

– JABIIQANA haduu garan la’yahay, geesta uu yahay

– TUUR wuxuu la goobyaalayaa, gar iyo caalwaa

– Odaygii gudoonshaha ahaa, gulufyadii qaaxo (Silaanyo)

– Geeshkiisi goortuu filqay, ayey kala go’doomeene

– Hadba wuxuu go’a u tuurayaa, gaanki soo hadhaye

– Xassan Ganey, gaydhii Habbane, gabanka doolaal ah

– Raggii gacanta loo haadin jiray, goobo haliseedka

– Gucumaalayaashaad ogayd, geel ma dhiciyaane

– Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan kusoo gaabshay

– Garaad DIRAWAL iyo gacan-yaraha gurigan baashayda (Dirawal & Cabdilahi M. Ducaale)

– Nimankaa guhaadiyo afxumo, galina ii keenin

– Inta aad ka daba guuxaysaan, xaajo waa godob eh

– Nin walowba garo taladu, waa lagama guuraane

Alle ha u naxariisto inta dhimatay, inta noolna caafimaad ban u rajaynaynaa insha Allah.

Seated portrait shows a smiling Muhammad Haji Ibrahim Egal (1928 – 2002), the prime minister of Somalia, 1968. New York. He later served as president of the self-proclaimed independent state of Somaliland (in northern Somalia) from 1993 to his death in 2002. (Photo by Bachrach/Getty Images)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com