Magac-bixintii Hore Ee Soomaalida

Soomaalidii Hore Sidee ayay ula bixi jireen Magacyada?

Soomaalidii hore magaca ay u bixinayaan ubadka way u meel dayi jireen waxaana loogu doori jiray sabab cad. Magacbixintu may ahayn wax sahlan ama magac inta meel laga arko ama laga maqlo loo bixiyo ilmaha. Waxa ay ahayd wax macno ugu fadhiya reerka ama ujeeddo cad leh. Magacyadii hore waxa ay ahaayeen qaar aan meel kale laga soo rarin ama cid kale laga soo xigan. Waxa ay ahaayeen magacyo asal ahaan Soomaali ah ama qaar lagala soo baxay diinta Islaamka.

Magacbixintu laba hab ayay mari jiray, labadaas hab oo kala ah: habka kitaab-furka iyo habka magac Soomaali bixinta.

  1. Habka Kitaab-furka

Habkan koowaad ee magacbixintu waxa u uahaa mid ku salaysan diinta islaamka maadaama Soomaalidu yihiin dad muslimiin ah. Habkan marka la raacayo magaca waxa laga soo qaadan jiray magacyada ku xusan Qur’aanka kariimka ah, magacyada Anbiyada iyo Rususha, magacyada ubadkii Anbiyada, magacyada Saxaabadii Rasuulka (NNKH), magacyada malaa’igta, magacyada dumarkii rususha iyo magacyo kale oo quraanka lagu xusay.

Magacyada ku yimaadda habkan kitaab furka waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:

  1. Cabdillaahi, Cabdiraxmaan, Cabdishakuur…iwm. Magacyadan macnahoodu: waa addoonkii alle. Waa magacyo aad loola baxo illaa maanta, asalkooda iyo habka la raacayna ay yihiin qiritaanka addoonimada Alle iyada oo la raacinayo sagaal iyo sagaashanka magac ee Ilaahay mid ka mid ah.
  2. b.Maxamed, Ibraahim, Muuse, Ciise, Nuux, Ayuub…iwm:magacyadan oo ah kuwo illaa maanta lala baxo waxa asal ahaan laga keenay Qur’aanka waana magacyadii Anbiyadii iyo Rusushii Ilaahay.
  3. Jibriil, Makaahiil ….iwm: magacyadan waxa asal ahaan laga keenay magacyada malaa’igta lagu xusay Qur’aanka kariimka ah.
  4. Cismaan, Abuubakar, Cumar, Bilaal….Iwm: magacyadan waxa laga keenay asxaabtii Nebi Maxamed (NNKH).
  5. Qaasim, Ibraahim, Faadumo….Iwm: Magacyadan waxa laga keenay ubadkii Nebi Maxamed (NNKH).
  6. Caa’isha, Khadiija, Saynab, Safiya…iwm: magacyadan waxa laga keenay dumarkii ama xaasaskii Nebi Maxamed (NNKH).
  7. Xaawa, Maryan.…. iwm: magacyo kale oo quraanka lagu xusay.
  8. Habka Magac Soomaali bixinta

Marka laga yimaaddo habka kitaab-furka oo magacyada ilmaha dhashay loo bixinayaa ay ku salaysnaayeen kuwo xidhiidh la leh diinta Islaamka, waxa kale oo jiray hab labaad oo Soomaalidii hore magaca ula bixi jirtay. Habkan labaad waxaa la eegi jiray dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin, xilliga uu dhashay ilmuhu, astaamaha uu leeyahay, iinaha uu leeyahay, quruxdiisa, midabkiisa, maalinta uu dhashay, saadaal/duco iwm.

  1. Xilliga: xilliga ama goorta uu dhasho ilmuhu ayaa loogu halqabsan jiray, tusaale ahaan u fiirso magacyadan:

– Colaad, Guluf, Looyaan iyo Dirir waxa loo bixin jiray ilmaha dhasha goor lagu jiro colaad ama xaalad dagaal.

– Geeddi waxa loo bixin jiray ilmaha dhasha iyada oo lagu jiro geeddi ama reerku guurayo.

– Geeddi dheer iyada oo lagu jiro ilmaha dhasha ee wiilka ah waxa loo bixin jiray: HayaanKaynaanQayaad iyo Kunni.

– Goor habeenimo ah oo la guurayo ilmaha dhashana waxa loo bixin jiray: Guurre.

– Ilmaha dhasha waagu marka uu baryo waxaa loo bixin jiray: SalaadWaaberiWaasuge iyo Waa-dhawr.

– Dharaar cad ilmaha dhashana: GadiidDharaar ama Cadceed.

– Ilmaha goor fiid ah dhasha waxa loo bixin jiray: FiidowCaways ama Galab.

– Iyada oo uu roob da’ayana: Rooble iyo Xareed.

– Waxa sidoo kale loogu magac dari jiray ilmaha maalinta uu dhasho. Tusaale ahaan: JimcaaleIsniino iyo Axado.

  1. Iin ama Astaan: waxa kale oo tixraac laga dhigan jiray astaan ama iin uu ku sifoobay ilmaha magaca loo bixinayaa. Xagga iinta marka aynu eegayno, magacyadan baa ka mid ah:

– BarreBarow ama Beylewaxa loo bixin jiray ilmaha ku dhasha bar jidhkiisa meel ka mid ah ku taalla.

– Buraaleilmaha dhasha isaga oo leh buro ku taalla wejigiisa ama jidhkiisa.

– FoodIlmaha soo dhasha isaga oo leh food yuuban oo hore u soo taagan.

– XaydIlmaha timihiisu dib u xaydan yihiin ama u faydan yihiin.

– XaadDhogorilmaha wada xaadda ah.

– ShaqlanShaqalleilmaha dhasha isaga oo mandheertu ku maran tahay.

– Dhaashane/Subkane, Subkan/Dhaashan: ilmaha dhasha isaga oo jidhkiisu dhalaalayo oo aanu engegnayn.

– Sugulle, Meygaag, Quulle, Haybe, Geydhe, Maahir, Yusur, Jinow, Hira, Adar: Ilmaha leh midab madow.

– Biixi, Cadduur, Xoosh, Caddaani, Caddaawe, Xaashi, Dhuuxo, CudbiDhool, Tiriig iyo Siraad: ilmaha leh midab cas.

  1. Saadaal: marka laga yimaaddo xilliga ilmuhu dhasho iyo astaanta oogadiisa ka muuqata, waxa kale oo magacbixinta loo cuskan jiray iyada oo ilmahaas wax wanaagsan loo saadaalinayo. Tusaale ahaan magacyadan hoos ku xusan oo dhami waxa ay ahaayeen magacyo looga danleeyahay in ilmahaas loo saadaaliyo khayr, hanti/xoolo, aqoon/cilmi iyo wanaag/dad-la-socod: Samatar, Samakaab, Buuni, Sharmaarke, Barkhad, Geelle, Khayre, Liibaan, Ayaanle, Samawada, Hodan, Hibaaq, Sareedo, Qumman, Mullaaxo iwm.
  2. Ammaan: magacyada ammaanta ah ee ilmahaas quruxdiisa, qorqornaantiisa ama hilboonaantiisa lagu ammaani jiray waxaa ka mid ah: Maydhane, Qorane, Xalane, Miigane, Hufane, Shuuriye, Taani, Buux, Qalinle, Saluugla, Saxarla, Midhifla, Qamaansha, Xaddiyo, Idil, Cosob, Dahabo, Indhodeeq, Baar, Xaadsan, Haweeya, Cawrala, Ceebla, Maandeeq, Dhudi, Dhilan, Shuun/Ugaasoiyo Qoran.
  3. Ujeedokale: Intaas marka laga soo tago waxa jira magacyo kale oo tiro badan oo loola bixi jiray ujeeddooyin kala gedgedisan. Waxaa ka mid ah magacyadaas: Kadiye, Mire, Gaaxnuug, Gaas/Guutaale, Cabsiiye, Keenadiid, Sooraan, Ileeye, Qawdhan, Bulxan, Habbane, Abtidoon, Magan, Nageeye, Kulmiye, Dhimbiil, Mihiya, Batuulo, Xuubey, Faayo, Degmo, Mahado, Kaaha, Sureer, Milgo iyo Weris

Waxa jira magacyo dad badani ku qaldaan in ay yihiin asal Soomaali ah ama ay raacsan yihiin labadan hab mid ka mid ah balse aan shaqo ku lahayn. Magacyadan badankoodu waa soo galeeti dibedda inagaga yimid oo aynaan hiddo iyo dhaqan toona u lahayn. Magacyadaa waxaa ka mid ah: Yurub, Sitiin, Istanbuul, Istarliin, Iglan, Qamar, Shamis, Dayax, Ismahaan, Cabiir iwm

Tixraacyo:

– Barwaaqo, Cabdiraxmaan C. Faarax. Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed. Hal-aqoon Publishers, 2016.

– Cabdalla Cumar Mansuur, Annarita Puglielli. QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA. RomaTrE-PRESS, 2012.

FG: Qoraalkan waxa uu ku soo baxay markii u horraysay Biciid Magazine.

Muna Axmed Cumar (Mullaaxo)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe-Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com