Mar la arag ! Taliye Maxamed Saqadhi Dubbad

(Hoggaaminta Booliska maanta iyo shalay, Mahadhooyinkii Maxamed Saqadhi Dubbad)

Alle godka ha ku janneeyee wuxuu ahaa Maxamed Saqadhi Dubbad sarkaal ciidan oo aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh shaqada ciidanka Booliska, hawlkar karti iyo daacadnimo leh, nin aan adduun jeclayn oo lacagtu agtiisa macno ka lahayn, qof xor ah oo aan saamayn ku lahayn cid aan ahayn sharciga, masuul xaqa iyo baaddilku u kala soocan yahay, laguma adeegan jirin oo muu ahayn qabo xidh, akhlaaq wanaag iyo odaynnimo gaar ayuu lahaa, xilkas hadh iyo habbeen ku fooggan danta ciidanka iyo daryeelkooda.

Nin ganacsade oo caan ah ayaa wasdo ula tegay isagoo doonaya in uu ka furdaamiyo nin xidhnaa oo ay ehel ahaayeen, wuxuu ergo ula tegay Saqadhi Dubbad, waxaanu uga warramay ninkaasi in uu xidhnaa muddo oo uu doonaayo in la sii daayo. Saqadhi wuxuu uga dhaartay illaa maxamakadi sii dayso mooyee in aanu sharciga baal marayn. Ganacsadihii wuxuu socday illaa madaxtooyada oo uu ku lahaa galaan gal xooggan, waxa si cad loogu sheegay inaan Saqadhi la faragelin oo ay adagtahay in laga wasteeyo ninkaa. Ganacsadihii wuxuu ogaaday qiyamka iyo qofnimada Saqadhi, maalmo kaddib ayuu kusoo noqday isagoo hadyad lacag oo abaalgud ah u sida, wuxuu ugu soo galay qol aan qurux badnayn isagoo fadhiya, waxaanu ku ammaanay shaqada uu hayo, wuxuu u sheegay inuu lacag hadyad u sido. Saqadhi wuxuu ku yidhi “ku shub akoonka ciidanka lacagta aad siddo anniga hay siinne ciidanka sii.” Iimaankiisa ayaa hodan ahaa laaluushkana ma qaadan jirin.

Ciidanka Bilayska intaan mushaharku usoo dhicin marka hawlo ku yimaaddaan ee lacag degdega qoyskiisu uga baahdo waxay ka amaan jireen dumar la yidhaa Caasha qushi, lacagtaas oo laga qaadi jiray libin laab hadhaw madaama la sii amaahiyay, waxay ku ahayd culays askariga aan marka horeba qaadan mushar naf leh. Saqadhi Dubbad wuxuu sameeyay sanduuq amaahiya askariga doonaya lacag degdeg ah kuna dabooliya baahi, waxaanu ku celin jiray marka uu qaato musharka intuu amaahday oo qudha, waxaana halkaa ku joogsaday culays saarnaa ciidanka.

Waxa uu 2008dii la-taliyeyaal sharci u qaatay labadii arday ee ugu sarreeyay kulliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, illaa imaka ayay qaarkood shaqeeyaan. Aqoon ayuu ku xushay, waxaanu sameeyay shaqo-abuur. Saqadhi dhallinyarada aadbu u jecla waanu dhiirrigelin jiray dhan kasta. Bahda aqoonta iyo bahda isboortiga wax badan ayuu taray, waxa uu ahaa nin ummaddu u siman tahay oo aan kala soocin.

Xilliyada qaarkood waxa uu kormeer ku samayn jiray habdhaqanka suuqa sida bacadleyaasha, gudaha ayaanu dhigi jiray kuwa hablaha sida aan fiicnayn ula dhaqma wuu la xisaabtami jiray, waxa inbadan lagu arki jiray habbeenkii isaga oo guuraynayaa oo xidhan dhar shacab hagooganna go’ shaal ah, wuxuu ku kormeeri jiray shaqada gaadhi Maarka tuu ah. Wuxuu si joogto ah u kormeeri jiray saldhigyada isagoo hubin jiray in ay ku jiraan dad dulman oo lagu tacadiyay, aadbay u adkayd in Taliye saldhig iska kaa haysto sida hadda adoon maxakamad lagu geyn.

Waxa uu in badan diiddanaa in cidi qaadato dhulka dhinaca bari ka xiga saldhigga Axmed-dhagax. “Saldhigga ayuu kayd u yahay” ayuu odhan jiray. Markii xilka laga qaaday 2010kii ayaa la bixiyay. Imaka waxa dul carara maxaabiista fakata, waxaana laga sameeyay dhismeyaal halis ku ah nabadgelyada saldhigga. Dhulkaa wuxuu aaminsanaa in Saldhigu u baahan yahay.

Saqadhi Dubbad markii uu xilka wareejinaayay wuxuu ka mid ahaa haayadaha aan wareejin deynta ee lagala wareegay lacagta kaashka ah, inta badan hawl galada marka uu baxo lacagta soo hadha wuxuu ku celin jiray qasnadda ciidanka, muu ahayn nin adduun jecel, isaga kaddib talisku wuxuu noqday haayadaha laga hodmo ee laga sameeyo lacagaha. Ciidankeennu wuxuu marayaa daryeel ahaan meel liidata, mushar aan ku filayn, caafimaad la’aan, hoy la’aan, waxbarasho la’aan. Xaq waxay u leeyihiin iyaga iyo ubadkooda in la daryeelo.

Marxuum Maxamed Saqadhi Dubbad oo 22kii Maarij 2012kii ku geeriyooday laguna aasay Imaaraadka Carabta, waxa uu Madaxweyne Daahir Rayaale u magacaabay Taliyaha Booliska 2006dii, waxaanu xilkaas hayay illaa 2010kii. Mar kale ayuu Madaxweyne Siilaanyo xilkaas u dhiibay 2011kii, waxaanu geeriyooday isaga oo ah Taliyaha Booliska Somaliland. Alle naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Godka lagu jannee Maxamed Saqadhi Dubbad wuxuu ahaa mar la arag shakhsiyadiisa iyo shaqadiisu jaad gooniya ahayd, wuxuu lahaa hoggaamin iyo haybad dhif iyo naadira oo aan dib innoo soo marin. Ciidanka Boolisku wuxuu u baahan yahay cid ehel u ah hoggaamintiisa oo leh waayo aragnimo Bilays

Qalinkii Maxamed Siddiiq Dhamme

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com