Marka Doorasho Lagaadhaba Ma Inoo Muran-baa

Markasta Oo la gaadho Mudo-Doorasho Waxa Caado Inaga noqotay in Lagu qaabilo Muran Sharci Iyo mid Siyaasadeed Oo Ka dhasha Hawlaha Doorasho ee shinkeedu buuxsamay, sababtuna Waxa weeye in Aan Marka xilka lala kala wareego Aan cida awooda haysa ee leh masuuliyada qabyo tirka Iyo unkida Wixii dhib iyo qabyo ahaa ee taagnaa markuu/markay xilka la wareegayeen ama ay doonayeenba taalay ,mid Sharci Iyo mid farsamoba lahayd. siday Tan Hada ee Xeer No 14  Iyo Doorashooyinka isku soo beegmay Iyo tan culus Oo ah TIRAKOOBKA Guud, Oo markasta Oo la gaadho Doorashooyinka Golayaasha Xeerdajinta Ah Caqabad sababta dib u dhacyo Doorasho Oo ay Uga muhiimsanayd Doorashooyinkii Golaha wakiilada Oo in badan u dabranaa Qodobka 12 ee xeerka Doorashada Golaha wakiilada Oo ah in la helo tirakoob Guud Oo Lagu qaybsado 82 kursi ee golahaasi Oo Laga soo doorto 6 Gobol, Dhankale xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golayaasha Deegaanada markasta Oo xiligooda la gaadho Waxa Lagu waajahaa wax Ka badal Iyo kaabis horle .

Walaw Hada Lagu soo uruuriyay Dhigane Buug ah Oo Dhamaan xeerarka Doorashooyinka Meel la Isugu geeyay Hadana wali way Jirtaa qabyadii xeer Doorasheedyadu Oo waxaaba hada aan Ansax Iyo Unkan la isku raacsan yahay Aan loo hayn Doorashada Ama Xulista Golaha Guurtida. Dhankale Waxa iyana Aan wali xal loo hayn goobo doorasheedyo Xayirnaa Dhamaan Doorashooyinkii aynu kasoo gudubnay Oo u baahan in ay helaan xaqooda Cod bixineed ee uu siiyay dastuurka Qaranka Iyo xeerarka Ka farcama ee la xishiidha arimaha Doorashooyinka .

Wasaarada Arimaha Gudaha Waxa waajib ku ah in ay samayso kala xadaynta Gobolada, Degmooyinka, Iyo Tuulooyinka Kuna samayso Qiimayn Rasmi ah Ka hor Doorashooyinka si loo helo Hanaan Leh habraac Lagu jaangooyo Goobaha codaynta Oo Marar kala duwan cabasho Ka timaado Marka la gaadho xili doorasheed, sidoo kale Waa in wasaarada Arimaha Guduhu go’aan Ka soo saarta Goobaha codaynta ee Lagu muransanyahay ee waqooyiga Hargeisa.

Waa in ay soo qiimaysaa Gobolada Iyo Degmooyinka lamagacaabay Iyo Kuwii horeba Sida uu dhigaayo dastuurka Qodobka 109AAD IYO XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA JSL. ( XEER LR. 23)

Oo u Dhigane Aidan

QODOBKA 109AAD

QAAB-DHISMEEDKA DALKA

  1. DaIka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay gobollo; gobol kastaana waxa uu u sii qaybsamaa degmooyin.
  2. Dhismaha gobollada iyo degmooyinka, xuduudohooda iyo darajooyinkooda xeer baa tilmaamaya.
  3. Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada oo sababaysan waxa  soo jeedinaya Golaha Xukuumadda,  waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.

QODOBKA 110AAD

MAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA.

 

  1. Maamulka gobollada iyo degmooyinku waa qayb ka mid ah Maamulka Xakuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. Xidhiidka Xukuumadda-dhexe ee gobollada iyo degmooyinka waxa caddaynaya xeer gaar ah.

QODOBKA 111AAD

GOLAYAASHA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA.

 

  1. Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci­-dejineed oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws}aan ka hor imanayn xeerarka dalka udejisan iyo kuwa fulineed.
  2. Tirada gole kasta oo gobol ama degmo shuruudaha laga doonayo xubinta gole gobol/degmo iyo nidaamka doorashada xeer ayaa tilmaamaya.
  3. Guddoomlyaha degmadu, isagoo la tashaday wax garadka tuuladawaxa uu soo jeedinayaa guddida maamul ee tuullo, waxana ansixinaya Golaha Sharci dejinta ee degmada.
  4. Golayaasha gobollada & degmooyinka waa inay noqdaan kuwa awood uleh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulshada.
  5. Guddoomlyaha gobolka waxa soo magacaabaya Xukuumadda, waxaana uu uga wakill yahay Xukuumadda-dhexe gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada.
  6. Guddoomiyaha gobolku waa xidhiidhiyaha Xukuumadda-dhexe iyo degmooyinka gobolka, isagoo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
  7. Muddada xilka golayaasha gobollada iyo degmooyinka waa shan sano (5).
  8. b) Gole gobol ama degmo waa la kala diri karaa isagoon muddadiisa dhammaysan.
  9. t)  Xaaladda ay ku iman karto iyo qaabka loo kala dirayo xeer ayaa tilmaamaya.
  10. Xoghayaha gobolka ama degmada iyo madaxda waaxyaha ama laamaha Wasaaradaha ayaa xilka sii fulinaya iyagoo raacaya shuruucdoodii hore inta laga soo dooranayo gole cusub.
  11. Golayaasha gobollada iyo degmooyinku waxay yeelanayaan xeer­hoosaadyadooda oo midaysan waxana gacan ka siinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

QODOBKA 112AAD

BAAHINTA AWOODDA MAAMULKA

 

  1. Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.
  2. KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya.
  3. Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1aad ee qodobkan, waa inay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho.

XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA JSL. ( XEER LR. 23)

kaasi oo ah xeerka ay lagu dhaqaayo gobolada iyo degmooyinka , sidoo kalena waxa uu xeerkani degmooyinka ku ilaalinayaa tayada degmooyinka isagoo dalacsiin iyo hoos u dhigisba ku samaynaya qiimaynta degmanimo kuwa jira iyo kuwa cusuba sida ku cad qodobadan .

Garyaqaan Muuse Yuusuf

garyaqaan2007@gmail.com