HAYAANNEWS.NET
Maskaxdii Ka Dembeysay Aasaaskii UFFO!!!! Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor?
November 21, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u Naxariistee Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa uu Hormood  ka ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee xoreyntii dib u dhiskii, ee waqtigoodii, waxbarashadii iyo wax-tarkoodiiba u horay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii mutadawiciinta ahaa ee xabsiga dheer u galay wax-u-qabashada dadkooda, ka dib markii ay isu baysteen xal-u-helista iyo maaraynta xaalado nololeed oo aad u qallafsanaa oo waqtiyadaa ku habsaday dadkii reer Somaliland ee xilligaa joogay. Isaga oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO ee sannadkii 1982-kii tacaddiga iyo xadhiga la isugu daray, markii uu damiirkoodu siin waayay inay ka joogsadaan xaaladdii ay dadkoodu ku sugnaayeen, ka dib markii taliskii waagaa jiray ee Siyaad Barre uu gabay xilkii ka saarnaa goboladdii waqooyiga ee maanta Somaliland ah.

 waa kuma Dr. Aadan Yuusuf Abokor? Dr. Aadan sannadkii 1946-kii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, isaga oo 3 jir ah ayaa loo qaaday magaalada Cadan ee dalka Yamen oo waalidkii degenaa. Halkaas ayuu ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe illaa sare. Isaga oo wax ka baran jiray Iskuulo ay dowladdu leedahay oo uu maamuli jiray gumaystihii ingiriiska, maadaama oo Yamen uu waqtigaa guumaysan jiray Ingiriisku.

Waqtigaa uu dugsiga sare dhammeeyey oo ahayd 1967-kii waxay ku soo beegantay xilli ay Yamen ka socdeen dagaallo xornimo-doon ah oo ay wadeen Jabhad Yamaniyiin ah, iyada oo dadkii Soomaalida ahaa ee waqtigaa Yamen ka soo yaacay loo yaqaannay “Xabbadi keentay.” Dr. Aadan isagu Soomaaliya muu soo qaban ee waxa uu u kacay dhinaca Qaaradda Yurub. Waxaana uu markab dalxiis ka raacay Yamen isaga oo uu wehelinayey nin ay saaxiib ahaayeen, iyaga oo tegay dalka Talyaaniga una sii dhaafay Jarmalka. Waxaana ay halkaa u tegeen inay jaamacad ka galaan. Dowladii Jarmalku waxay u sheegtay inay deeqaha warabasho siiyaan dawladda Soomaalida oo aanay jirin wax deeq warabsho jaamacadeed ah oo ay cid siin karaan. Isaga oo halkaa ku sugan ayuu la xidhiidhay walaalkii Muuse Yuusuf Abokor [Muuse Tuur] oo joogay dalka Poland iyo labada nin oo kale oo kala ahaa Dr. Maxamed Cali Sanqoole iyo Dr. Maxamuud oo halkaa caafimaadka ka baran jiray, kuwaas oo uu u sheegay inuu u baahan yahay scholarship-jaamacadeed. Waxaana uu nasiib u helay inuu helo scholarship uu ku baranayo caafimaadka. Muddo sideed sannood ah ayuu Poland joogay oo uu waxbarashadiisa Jaamacadeed ku diyaarinayey.

1976-kii ayuu digtoorku soo dhammaystay waxbrashadaa-jaamacadeed ee uu ku qaadanayey dalka Poland, isaga oo hal sano ka soo shaqaynayay cusbitaallada dalkaa uu wax ka baranayay, waxaana uu soo bartay daawaynta cudurada guud.

1977-kii ayuu go’aansaday inuu waddankiisa hooyo dib ugu soo noqdo, waxaana uu ka soo degay magaalada Xamar. Shaqadiisii ugu horaysay ee dhakhtarnimo-na waxa uu ka bilaabay Digfeer oo ahaa cusbitaalka guud ee Xamar. Intii u dhexaysay 1977 ilaa 1979-kii ayuu ka shaqaynayay cusbitaalka Digfeer.

1980-kii ayaa Digtoorka loo soo beddelay cusbitaalka guud ee Hargeysa, ka dib markii uu codsaday in xaggan loo soo beddelo. Markii uu dhawr bilood joogay ayaa loo magacaabay agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa. Waxa uu la kulmay xaalad aad u liidata oo ka jirta cusbitaalka, taas oo salka ku haysay cadaadiskii baahsanaa ee taliskii Af-weyne ku hayay dadka reer Somaliland ee waagaa Hargeysa ku noolaa. Si wax looga beddelo xaaladdaa uu ku sugnaa cusbitaalku waxa uu Dr. Aadan isugu yeedhay dhallinyaradii aqoonyahanka ahaa ee dalka ku soo noqday iyo dadkii ganacsatada ahaa, iyaga oo shir ka yeeshay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda cusbitaalka, waxbarashada iyo arrimaha kale ee bulshada.

Waxa kale oo xilligaa waddanka ku sugnaa Urur dhakhaatiir ah oo la odhan jiray Germany Amergency Doctors, oo adeegyo caafimaad u fidin jiray dadkii ku jiray xeryaha qaxoontiga ee Hargeysa u dhawaa. Waxaana Dr. Aadan iyo qolyihii la shaqaynayay ay ururkaas dhakhaatiirta ah ka codsadeen in dadka xanuunsanaya ee xeryaha qaxoontiga la keeno cusbitaalka oo lagu daaweeyo, iyagiina way ka ogolaadeen oo markii ay xaaladda cusbitaalka qiimeeyeen waxay ogaadeen inay wax ka qaban karaan. Waxaana ay xilligaa cusbitaalka u qoondeeyeen miisaaniyad dhan 2 milyan oo lacagta Jarmalka ah, iyaga oo mar kasta keeni jiray dhakhaatiir mutadawiciin ah oo bil illaa laba bilood amma sannad-ba cusbitaalka joogi-jiray. Markii cusbitaalka qalab cusub la keenay, lacagna la keenay ee qoladii jarmarka ahayd dawooyinkii keeneen, ayuu cusbitaalkii noqday ku ugu wanaagsan Soomaaliya.

Hawshii halkaa kumay joogsan ee kooxo kale oo dhalinyaro ah, ayaa iyaguna si tabaruc ah dugsiyada wax dhigis uga bilaabay. Kooxihii NSS-ta iyo nabad-sugidda ee ku sugnaa Hargeysa ayaa illaa af-weyne gaadhsiiyey hawlaha ka socda waqooyiga iyo abaabulka wax-qabasho ee lagu hawlan yahay, taasoo ka hor imanaysay qaabkii loogu talo-galay in dadka reer Somaliland ee xiligaa joogay inay nolol xun ku noolaadaan.

Haddii aynu intaa ka soo gudubno, waxaynu hadda si toos ah u dhex muquuranaynaa qaybtii ugu muhiimsanayd ee nuxurka qoraalkeenna. Waxuu Dr. Aadan Allah ha u naxariistee oo si faahfaasan uga xog-warramayaa su’aal la xidhiidhay qaabkii loo xidh-xidhay kooxdii UFFO iyo sidii loo asaasay-ba, waxuuna ku jawaabay oo uu yidhi; “Waxa dhacday markii aanu halkaa wax marinaynay in aanaan joojin ee aanu halkaa shirarkayaga ka sii wadannay. Shirarkaasna kolkii danbe waxa aanu kaga hadli jirnay waxyaabaha cadaadiska ah ee lagu hayo waqooyiga haddii ay tahay xagga siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Illayn berigaa Rajiimka dad badan ayaa u shaqayn jiray oo isugu jiray nabad-sugidda amma kooxii loo yaqaannay dhabar-jebinta iyo hay’ado badan oo sir-doon ah, wararkii illaa Xamar iyo taliskii Af-weyne ayay gaadheen.

Niman Wufuud ah oo Af-weyne uu Xamar ka soo diri-jiray kuna soo odhan jiray ‘soo dejiya reer waqooyigii wuu kacsan yahaye.’ Nimankaasi way yimaadaan oo way nala hadlaan, annaguna wixii waddanka ka jira ee dadku ka cabanayeen ayaanu ku dhiirannaa oo aanu u sheegnaa. arrimuhu waxa ay berigaa ku wanaagsanaayeen marka ay weftigu yimaadaan waxa ay odayaashu ku odhan jireen ‘Annaga dhalinyarada-yada ayaa noo hadlaysa oo sheegaysa wixii dhibaatooyin ah ee jira.’ Iyaguna may hadli jirin, annaguna waanu ku dhiiran jirnay oo qolaadaa ka socota Rajiinka Xamar wax walba waanu u sheegi jirnay ayuu yidhi.

Xilligaa oo ahayd 1981-kii waxa jirtay waraaq yar oo Joornaal ah oo magaceeda UFFO la odhan jiray, taas oo qarsoodi ahayd laguna qori jiray wixii duruufo ah ee dadka haysta, wacyiga dadkana kor loogu qaadi jiray, ayaa u gacan-galay qoladii sir-doonka. Manuu ahayn joornaal caadi ah ee waxa lagu daabici jiray Teeb, waxaana ku qornaan jiray ‘Ninkii helawba joornaalkaas sii badi oo dad kale gaadhsii.’ Sidaas ayuu dadku isku gaadhsiin jiray.

Sannadihii 1981-82kii ayaa magaalada Hargeysa lagu xidhxidhay, oo lagu xukumay dil iyo xabsi dheer, kooxdii dhallinyarada ahayd ee loo yaqaanay UFO. Kolkii danbe waxa loogu beddeley dilkii xadhig ah 30 sannadood. Xadhigaas UFO waa dhinbiishii dabka qabadsiisay halgankii iskacaabbinta ee horraantii siddeetameeyada ee qarnigii tagay ka bilaabmay Somaliland. Dabkaasina waxa uu ka kacay doonitaanka dhabta ah in adeegyada bulshada oo ay ugu horreeyaan ka caafimaadka iyo ka waxbarashada wax laga qabto. Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa uu ahaa markaa dhakhtar, ahna Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa, isaga ayaana isugu yeedhay dhallinyaradii kale ee la faca ahaa, oo kala tashaday sidii Cusbitaalka wax loogu qaban lahaa. Waxa cad markaaba halka ay wax ka bilaabmeen inuu hoggaankeeda ka mid ahaa.

Kooxda UFO waxa lagu xidhay jeelkii Labaatan-Jirow oo ku yaallay geerigo’an cidla ah, oo Gobolka Baay ah. Jeelkaas oo uu Jarmalka Bari u dhisey dawladdii milleteriga ahayd, waxa uu ahaa meel ciqaab ifka ah loogu talo galay, jidh iyo maskax dilna u samaysan. Waxa jeelkaa soo maray dadka u xidhan siyaasadda iyo iscabbirka fikirkooda oo aanu kolkaa milleterigu midna raalli ka ahayn. Qof waliba waxa uu ku jiray qol yar oo 2x2m ah, oo aanu weligii xidhiidh aragti ah, iyo mid hadal ah toona, la lahayn kan kale ee godka ku xiga ku jira. Xilligaa adag ayuu Yuusuf Gaydh oo ka mid ahaa kooxda xidhxidhani sameeyey sanqadh gidaar garaac ah, oo sida dhiidhaada ah, oo ay sir ahaan ku xidhiidhaan, warkana isku waydaarsadaan.

Xilkasnimadii dhakhtarnimo ee Dr. Aadan kuma ay ekeyn xilligii uu Cisbitaalka Guud madaxa ka ahaa, ka hor intii aan la xidhin. Kolkaa ay godka ku jireen ee gidaarka ay wadaagayeen qolalka cidlada ah maxaabiista kale, Dr. Aadan waxa uu ku daweeyey saaxibbadii, gaar ahaan Maxamed Baaruud Cali, cilmi nafsi, waxana uu buuggii Anna Karenina ee Leo Tolstoy oo ka badan 800 oo bog, uga akhriyaya isaga oo gidaarka garaacaya, oo codkoodaa sirta dhiidhaada ahaa ugu gudbinaya. Sida Maxamed ba sheegay, taasi waxa ay ka dawaysay Dr Aadan saaxiibadii muragidii, wahabkii iyo cucubkii xabsiga lagu jirrabay waqtiga dheer.

Kolkii isaga iyo saaxiibadii ay mutaysteen waxaa ay xaqdarrada ku muteysteen, ee la soo daayay 1989kiina, Dr. Aadan wuxuu ahaa qoladii fursadda u heshay inay debedda u baxaan, degaan Yurub ama Maraykan, wuxuu se ka door bidey in uu soo noqdo oo uu halkii uu dabkii hore ku bakhtiyey, oo uu mid kale ka bilaabo. Adeeggii xilligii debedyaalka lagu ahaa Itoobiya ka dib, kolkii dalka lagu soo noqdey 1990kii, waxa Dr. Aadan markiiba ugu xigey asaaskii ururkii samafalka iyo dibudejinta ee Somali Relief and Rehabilitation Association (SORRA). SORRA, iyada iyo SOMRA, waxa ay ahaayeen hay’adihii aan dawliga ahayn ee dalka samafalka dhabta ah ka bilaabay. SORRA waxa ay cunto u qaybisey dadkii tabaalaysnaa, magaalada Hargeysa oo aad u burbursan oo miinadu ku aasantahay dhammaanteed, xashiishkuna goob kasta tuulan yahay, SORRA waxa ay mar kale nadiifisey dariiqyadii magaalada.

Kolkii xumaantu dhacday, 1993-94kii, ee dadku kala jabay, ee dagaallada sokeeye la galay, Dr. Aadan waxa uu ahaa hormuudkii ka badheedhay ee isaga tallaabayay una kala dab qaadayey labada daamood ee Hargeysa, una kacay si ummaddan caqliga Ilaahay mar uun ugu soo celiyo.

Dadkuse waxa ay inta badan aanay ogayn ururrada aan dawliga ahayn, ha noqdeen dalladaha dhallinyarada iyo ururrada kale ee bulshada, aasaaskooda badankooda, in uu Dr. Adan u ahaa, bud dhige , laf dhabar ah u ahaa.


Alle ha u Naxariistee Dr. Aadan Yuusuf Abokor

Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Allah naxariistii janno ha ka waraabiyo Marxuumka; ehelkii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu dambigiisa dhaafo oo cadaabul qabriga iyo cadaaabta aakhiraba ka badbaadiyo suaasha xaqa ahana ku ku sugo

Eng Faysal Cadami

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews