Maxaa Ka Dhexeeya Maareeyaha Dekada Berbera Iyo Hijra Logistic and Procurement ?

Anigoo Ah Maxamed Cali Cabdilaahi kana tirsan shaqaalaha ka shaqeeya dekada cusb ee ay gacanta ku hayso shirkada Carbeed ee SHIFA AL NAHDA.

Waxaan ugu horayn umahad celinayaa dawlada imaaraadka, shirkada DPWorl iyo sidoo shirkada SHIFA AL NAHDA ee iyadu gacanta ku hays dhismahalagu balaadhiyo dekada Berbera, taasi oo halkaasi shaqo wanaagsan ka wada oo dalkeenu ubaahanyahay.

Sidoo kale waxa amaan mudan shacab waynaha reer Berbera oo sidiiean usoo dhaweeyay shaqooyika horumarka leh ee shirkada DPWorld ay kawada Somaliland, taasi oo uu Madaxwaynaya Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku hoogaaminayo Dalka.

Mahadcelintaa kadib Maxamed waxaan shaqada balaadhinta dekada Brbera Bilaabay 20 bishan aynu kujiro, waxaan sidaan shaqadan u heli lahaa usoo maray waddo dheer oo uu maareeyaa Dekada beriberi Siciid kaw kayahay, madaxwayuhuna uxil saaray shaqaalaha muwaadiniinta ah ee Somaliland sidii uu ugu xidhi lahaa shirkada ajaaniibta ah ee ka shaqaynaya Berbera, balse waxaan maareeyaha kala kulmay arin aanan ka filanay oo ah inuu igu xidhay dadshacab ah oo NGO Wata, NGO gaasi oo layidhaa HIJRA LOGISTIC AND PROCURMENT kuwaasi oo noo dhaxaynaya shaqaalaha shirkada dhismaha wada.

Waxaan raacnay nimankii NGO waxayna iqoreen shaqadii, waana NGO rag shacab ahi wataan oo ah dilaaliin dhexda u galay xuquuqdii aanu xaqa ulahayn ee shirkada noogu tala gashay, taasi oo aanu shaqaynaynay sideed saacadoo, oo aad qaadanayso $ 7 maalintii, waxaanan maqalnay in shirkadu kharash intaa ka badan ugu tala gashay shaqaalaha.

Shaqaalahani malaha gaadiid rawaxiya iyo mid shaqada keena toona tiiyoo cimilada magaalada Berberani ay tahay mid aad ukul oo sababtay in shaqaalaha qaar dhacaan.

Hadaba waaxaan ka codsanaynaa in guud ahaan dawlada Somaliland ay ka warhayso dayaca shaqaalahaasi muwaadininiinta ah ku haysta dalkoodii Hooyo, Wasaarad shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland ay si dhakhso ah usoo fara geliso cabashadayadana ay hoose u eegto.

Maxamed Cali Cabdilaahi,
Sanka95105gmail.com