Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? W/Q Cabdiraxmaan Cadami
October 22, 2020 - Written by admin
Markii iigu horaysay waxaan
bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay’adood oo ka mid
ah hay’adaha dawladda. Runtii aad ayaan ugu farxay muuqaalka guud oo ka kooban
dhawr dabaq, bilicsan iyo farshaxanka naqshaddaba. Waxaan u malaynaya dhismahan
in ay ku baxday lacag dhan hal malyuun ilaa hal malyuun iyo badh oo dollar.
Kharashka waxa bixiyay dawladda Ingiriiska oo ku caawisay Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee
dareenkaygii iyo xiisihii aan u qaybay in aan dhismaha hore ugu sii socdo waxa
bedelay markii aan cagta saaray jaran-jarada, waxaan arkay xabado marmar ah oo
meeshoodii ka fuqay iyo kuwo dhinacyada ka jabay. Waxaan gaadhay dabaqa sare
iyo xafiisyo si casri ah u qalabaysan iyo dhallinyaro rag iyo haween ba leh oo
ay ka muuqato haybad, aqoon iyo in si fiican loogu tababaray hawsha ay bulshada
u hayaan; waxaanse ka naxay markii ishaydu qabatay khaladaad farsamo oo la
sameeyay wakhtigii la dhisayay oo haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban ku
soo dumi kara wakhti aan fogayn, waana khalad aan laga aqbali Karin nin
injineer sheeganaya. farsamo xumadani waxay shaki gelinaysa kalsoonida lagu
qabi karo aqoonta injineerada dalkeena.
Dhismaha labaad oo isna kharash
badani ku baxay ayaa waxaan galay qol weyn oo ka mid ah dhismaha; markii aan
foodda geliyay ba waxa iga horyimid dillaac weyn oo si dadab ah gidaarka ugu
dhereran kor ilaa xagga hoose, waxaan la sii yaabay dhismaha waxa loogu talo
galay in dabaq la saaro mustaqbalka, hindisahaa oo aan farsamo ahaan suurto gal
ahayn.
Haddaba sida kharashka
dhismeyaashaa loo maamulay xukumadda waxay ku tahay sumcad darro waxaanay
saamayn ku yeelan kartaa deeqaha Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Beesha
Caalamka; dhibaataduna waa isla xisaabtan la’aan iyo hay’adaha iyo
masuuliyiinta ku shaqada leh oo aan lagu dabagelin laguna qiimayn sida ay u
gudanayaan xilalkii loo igmaday.
Talo Bixin:
In Wasaaradda hawlaha guud hubiso
shahaadada injineerada dhismaha sida dhakhtarrada oo kale
In Qandaraaslaha lagu kormeero
dhismeyaasha hay’adaha dawladda iyo in lagu ilaaliyo fulinta tilmaamaha heshiiska ku qoran
(specifications)
In Guddiga Qandaraasyada Qaranka
la siiyo awoodo dheeraad ah iyo ‘mandate’ ka
badan qabashada codsiyada iyo kala xulista shirkadaha danaynaya
qandaraasyada
In la xoojiyo sharciyadda
hay’adda iyo aqoonta xubnaha Guddiga Qandaraasyada
In la ganaaxo shirkadaha jabiya
qodobada heshiisyada
In madaxweynaha JSL wasiirkiisa Hawlaha Guud ku amro in uu ka soo warbixiyo tayada iyo raandhiiska dhismeyaasha dawladda ee saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay la dhisay.