Maxaa Kaa Dhab Ah Muusoow!!

Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) oo qudbaddihii uu caanka ku ahaa ee gole ka fuulka ahaa ka jeedinayay madal lagaga hadlayay biyaha Somaliland aniguse aan  odhan karo waxaa madashaas lagaga hadlayay biyo la’aanta Somaliland, kaasi oo aan hore ugu yeedhay  wasiirka biyaha Somaliland wasiirka biyo la’aanta ee Somaliland, kuwaasi oo aan mid ka mida kuwan loogu yeedho wasiiradda biyaha Somaliland aan kala sheekaystay siddii loo sahamin lahaa loona soo saari lahaa biyo ku filan dalka, laakiin aanay aqoontiisu gaadhsiinayan iska daa biyo uu u soo saaro  Somalilande aanu garan karayn waxa aan kala hadlayo waar miyaanay dhab noqonayn hadalkii Pietier  Botha madaxwaynihii hore ee South Africa, kaasi oo xilli hore sheegay in aanu afrikaanku lahayn ku filaanshiiyo ay ku hoggaamin karaan dawlad ama maamul ku dhisi karaan kuna hoggaamin karaa oo waxa uu yidhi “waxa ay ka adag yihiin sida nacayb qabiil loo afeeyo iyo sida ay u lunsadaan xoolihii dadka ka dhexeeyay oo aanay u aabbo yeelin waxa dadwaynaha ka dhexeeya iyo waxa uu gaar u leeyahay”, midhkaasna aad ayaan u rumaysaty una arkay in badan ha noqoto Somaliland ama meel kale oo Afrika ka tirsan oo sidaasi ka soo muuqatay, Allow ma asiibay hadalkaas una yidhi sidii uu ahaa.

Muuse aan u soo noqdo iyo qudabaddii gole ka fuul ahayd ee uu madashaas ka jeediyay oo aad is odhanayso nin madaxwayne ah oo miyir qabaa ma jeeddin karo waxan oo kale uma qalmaan in waxaas iyo wax la mida lagula hadlo dadka reer Somaliland ee dulqaadka badan, kaasi oo kolba meel ku booda “kuye maxay dadka reer somaliland uga qaylinayaan biyo la’aanta sowtii awrta lagu dhaansi tagi jiray iyadoo aanay jirin barkaddo”, ilaa maalintaa uu ka sheekaynayo ee uu lahaa barkaddo ma jirin oo awr ayaa lagu dhaansi tagi jiray ilaa maanta waxa qaranka Somaliland iyo kolkii ay Soomaaliyaba ka tirsanaayeen hortaagan mid ku fashilmay inuu biyo ku filan dadka iyo duunyadooddab u soo saaro, waana xilkii uu lahaa oo uu garan la’yahay raadinayana cid uu kagaga galgasho waar (falaadhi gilgilasho kaagama go’do),waana mid ka mida kuwa aanad meel ku ogayn siddii dadwaynaha looga saari lahaa biyo la’aantaa,aqoonsi la’aanta,caafimaad la’aanta iyo inta u daran ee ku habsatay dadwaynaha reer Somaliland ee afgobaadsigga iyo raad gadashadda muuqata kaamaan siisan kaamana siisan doono.

Haddana ku bood Puntland oo qas in ku filan haysata oo haddalo gole ka fuul ah ka yidhi dhaawacooddii ayaa ina soo gaadhay iyo way ina soo weerareen kiiska iska waalku badanaa,

haddii aad dhakhtaro hayso ku dawee dadka reer Somaliland ee ka arradan adeeg caafimaad.

Haddana iska lul farmaajo oo ay isku jirto xabbaddu isaga iyo Rooblaha u ah Raysal Wasaaraha Allow muxuu kolba xeryaha milatarigga iska galayaa siddii Cabdi Haybe waa halkii googooskii uu la jilayay Jigjigaawi iyo Meecaad oo ahaa laba halbuur iyo jillaa oo soo maray fanka Jabuuti iyo ka Somalia ba tolow miyaanu is maqlayn? bal adba wallee anagaa quduro aragnay waar belo waa tan. Dadka reer Somaliland uma yaalaan waxaa Boosaaso iyo Muqdisho ka dhacayaa ee inta aad ku meeraysanyso wax aan sakaaro ka biiqsan haddii aad tamar iyo talo hayso wax ka qabo inta dhibaato adduun dul hoganaysa Somaliland oo ay  dadka reer Somaliland la tiicayaan waxba ugama cabaan Farmaajo iyo Deni ee “ninkii tiisaba daryeela ayaa tu kale ku dara”

Aniga soo gaadhay gabagabada maqaalka kaasi oo aan ku soo oodi doono dhawr su’aalood oo aan waydiin doono Muusahan dayaysan ee xidhay kabo ka waawaayn ee ku buquufinaya, taasi oo uu isku raray shaqo iyo xil aanu u lahayn wax waayo aragnimo ahna aan u lahayn sida xukuumad  loo maamulo, haddii ay noqon lahayd dhanka maamul iyo dhanka xirfad siyaasadeedka, kaasi oo waxa qudha ee uu qaranka Somaliland ugu tar sheegan karaa marka laga soo bilaabo 1985kii ee uu SNM ka mid noqday waa aargoosi shakhsi ah mid qabiil iyo isku rarka hadba dadkii halkan soo gaadhsiiyay,Somaliland Rabbi ha u naxariisto e sida Madaxwayne Cigaal iyo guurtiddii xulka ahayd ee min barri ilaa galbeed isku toshay Somaliland soona gaadhsiisay halka ay maanta taagan tahay, kuwaasi oo aan u ducaynayo iyadoo intooddii badnayd hoydeen kana nool yihiin gaag yar oo uu ka mid yahay cisi iyo sharaf Alle ha siiyee Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ay cisi iyo sharaf u hayso ummadda Somaliland.

Haddaba aan u soo noqdo madashaa uu biyaha kaga hadlayay Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan), waxa uu ka sheegay in uu bilaabayo qaabkii loo soo dooran lahaa gollaha guurtidda ee noqday golaha dhaxalka Somaliland isla markaana la qabanayo doorashooyinkii Madaxwaynaha isla markaana la furayo ururaddii, hadaba su’aal aan  jecelahay in la waydiiyo ana aan waydiiyo oo ah yaad u qabanaysaa tartanka madaxwaynenimo ee ay tahay inuu dhaco bisha november 2022?, ma xisbigga kulmiye ee laguu cidleeyay UCID iyo WADANI mise Kulmiyaha laguu cidleeyay oo isagu kor iyo hoosba aad soo saari doonto iyo laba xisbi oo gacan ku rimis ah oo aad ka soo saari doonto xisbiyadda aad tidhi waa la furayaa? taasi waa su’aal ay tahay inaad ka jawaabto.

Su’aasha labaad baa ah wali may dhicin sharci ahaantii labadda xisbi ee UCID iyo Waddani ee maxaad ka yeelaysaa wakhtigga laga bilaabo hadda oo ay tahay 7dii January ilaa 13 Novomber 2022 oo ku dhowdhow sanad miyaad ka leefaysaa taariikhdda aaadamaha ee socota?, haddii aad hoos iskula faqday wakhtigga ayaad la ciyaaraysaa oo aad luminysaa suurto gal kuuma noqon doonto inaad wakhti intaa leeg lumin karo adiga oo adduunka iyo reer Somaliland ku daawanayaan kaana sugayaan inaad qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo aad u qabato ururadda hadda jira ee sharcigga u haysta inta aad doonayso inaad noo laqinto kuwo aan jirinba ayaan tartansiinayaa iyo kayga oo aan soo saari doono, taasi waxa ay ila tahay inay tahay jar iska xoornimo iyo wax aan suurta gal ahayn inkastoo aan hore kuu arkay inaanad ahayn qof caqli u saaxiiba ama aan toos u idhaahdee aad tahay haydalas haddiise aad talo qaadanyso ma qaadanayside oo Eebbe kuuma abuurin qof talo qaadanayee waxaad iminka bilowdda qorshihii meesha lagaga kicin lahaa gollaha guuridda ama golaha dhaxalka ee Somaliland ee 30 jirsaday, barbar wad siddii loo qaban lahaa tartankii madaxwaynenimo ee dhex mari lahaa Adiga, Faysal iyo Cirro haddii aanad ka baqanayn in cidlo lagaaga tago, taasi oo aan u tirinayo baqashadda kugu dhacday adiga oo hore kun jeer u sheegay  in tartanka madaxwaynenimo uu dhici doono xilliggiisii aadse is furaysay markii boodhka lagugu qasay doorashooyinkii wakiiladda iyo deegaanka iyana barbar wad furridda ururadda oo sanadkan kuu hadhay  una shaqee si xawli ah adag oo aanad luminayn hal daqiiqadda oo ka mida. Waxaan qabaa haddii aad sidaa yeesho inay guul aanad hadda kuu muuqanan ku raaci doonto haddii aad ku guulysato tartanka madaxwayenimo iyo haddii lagaa guulysataba haddii aad guulaysatana fur ururadda bisha December haddii kale cidda ku guulaysta tartanka madaxwayne ayaa furri  doonta ururadda somalilandna waa ay wada guulaysanaysaa, haddii aad yeesho sidaa ta gollaha guurtiddana waxaa dhamaysyiri madaxwaynaha la doorto haddii uu noqdo adiga ama kuwa cusub midkood taas baa ah guul guul iyo guul  dhan kasta xisbiyaddii mucaaridkii,adiga iyo Somaliland oo isku dhan haddii kale waxaad uga dhaadhacdaa waa qudhun eegnaa sida aad doorato taas oo noqon doonto taariikh kubbaddiina dhinacaaga ayay taalaa (fulow guuli kuu dhawaydaa).

Cabdi Muhumed

Email: cabdimuhumed60@gmail.com