Maxaa Keenay Colaada Wakhtigan Ee Gobolka SOOL?

Cumar Cabdi Kayd Hayaannews

Dagaalku Ma Dibada Laga Soo Waariday? mise Gudaha Ayuu ka Bilaabmay?

Somaliland maxaa u meel yaala ?

Reer Sool waxay tirsanayeen muddo dheer Saami-qeybsi inaanu jirin Somaliland Waxa ku lamaana isir naceyb dabada laga riixayay muddo ku siman 40-sanno, oo la kobacday gobolka Sool, laakiin mararka qaar hoos-u-dhac bay sameynaysay dawladii kala danbeeyay ee Somaliland.Hadaba maxay reer Sool u kici waayeen markii uu madaxweyne ahaa madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi ‘Farmaajo’ oo ay ka heli lahaayeen gacan baddan.

Maxay u xoojin waayeen mucaaradada xisbiyada qaranka Somaliland markay cirka isku shareertay.waa haddii kacdoonku gudaha ka bilaabmay ?

Waa hubaal inuu jiro kor-u-socod siyaasadda dibada Somaliland iyadoo waddamo baddan danaynayaan Somaliland meesha ay ku taalo, Iyadoo shidaal muddo dheer huursanaa inuu soo baxo oo la bilaabo soo muuqatay, kadib Siyaasado dibadda  ka ah oo aan jeclayn horu marka Somaliland ay u arkeen meesha laga carqaladayn karaa Somaliland waa gobolka Sool in dadkiisa iyo Somaliland oo laysku dhufto Iyo gobolka AWDAL. runtii waxa suurtowday isku dhufashadii gobolka Sool iyo Somaliland.

Dadka wada daga ..waxa jirta in lagu wado dagaal ka dhana Al-shabaab oo ka dagaalama Geeska Africa saldhigooduna yahay soomaaliya ..oo dawlada Soomaaliya weerar ku qaaday iyo Caalamka oo la dagaalamaya argagixisada ..caalamka..Iyaguna waxa u muuqatay inay gabood ka dhigtaan gobolka SOOL.

Cumar Cabdi Kayd Hayaannews

Hadaba Maxaa uga meel yaala Somaliland waa inay dawlada Somaliland arrinka ku soo dabaasho nabadgelyo ..gacana qoriga gacana nabadda, waxaan soo jeedinayaa in loo gurmado dadka reer SOOL ee barakacay ………

Cumar Cabdi Kayd

Hargeysa,Somaliland