Maxaa Somaliland Lacag Kaga Luntay Heshiisyada Shirkadaha Mareykanka?

“XAJKII WASHINGTON” “PILGRIMAGE TO WASHINGTON” «الحج إلى واشنطن

Waxaan rejaynayaa in aan idinla wadaago warbixino iyo xogo aad u Muhiim ah, oo  ka mid ah  barnaamij loogu magac daray, “Xajkii Washington” “Pilgrimage to Washington” (الحج إلى واشنطن). Barnaamijkaas oo  Shabakadda At Sassa Post ay diyaarisay, kaas oo ay ku dabagasho hawlaha loobinadda (lobbies) lobbies (جماعات الضغط ) ee Bariga Dhexe iyo dalalka Africa ay la galaan Shirkadaha Maraykanka, intii u dhexeysay 2010-2020kii. Waxaan si gaar ah u eegayaa heshiisyada ay dawladda Somaliland la gashay Shirkadahaas Markanka ah.

Waxaan rejaynayaa in aan isla garano waxna ka fahano ujeedada sawirka weyn (The Big Picture) iyo guud ahaan, macnaha guud ee ka dhacaya marinnada caasimadda dalka ugu awoodda badan adduunka iyo xidhiidhka ay la leedahay dhacdooyinka gobolka, gaar ahaanna Geeska Afrika. Inta badan macluumaadka ku jira warbixintu waxay ku salaysan yihiin dhukumeentiyadii aan ka soo qaatay keydka xogta ee Waaxda Cadaaladda Maraykanka, kaasoo raacaya sharciga diiwaangelinta Wakiillada Ajaanibta ee loo soo gaabiyo (FARA) (قانون فارا) kaas oo u taageera dadka u ololeeya inay soo bandhigaan dhaqdhaqaaqooda iyo lacagaha ay hayaan.

Si aynu isula fahano waxa ay qabtaan Shirkadahani iyo halka uu ka yimi ereyga “Lobbying” asalkiisu, ereygani asal ahaan waxaa lagu sheegaa in uu ka yimi meelo kala duwan, laakiin uu ka soo biiray dhaqan siyaasadeedka Maraykanka (American political culture)( الثقافة السياسية الأمريكية). Mid ka mid ah sheekooyinka ku saabsan asalkiisu waxa uu sheegayaa inuu soo bilaabmay xilligii Madaxweynihii Maraykanka Ulysses Grant (1869-1877). Kaas oo inta badan tagi jiray mid ka mid ah hudheellada ku dheggan aqalka Cad oo la odhan jiray (The Willard Hotel) oo wakhtigan loo yaqaan (Willard Intercontinental) isla markaana uu ku dhex yaal hoolka (Lobby). Hotelka ayaa waxa uu kula kulmi jiray dhawr qof oo ujeeddooyin kala duwan leh, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo doonaya inay ku qanciyaan arrimo ama doonaya inay beddelaan mid ka mid ah siyaasadihiisa iyo qaar kale oo isku dayaya in ay kasbadaan fadligiisa ama inay faa’iido ka helaan. Sidaa darteed, ereygu wuxuu u yimid inuu qeexo shaqada cadaadiska siyaasadeed iyo kooxaha cadaadiska “Lobbyist” wuxuuna noqday xirfad loogu talagalay kuwa ka shaqeeya.

Aynu u soo noqon ujeeddadeena qoraalladan ee Somaliland waxay la gashay Shirkaddaas ilaa waqtigii 2010-2020kii shan heshiish oo laba ka mid ah wax-ka-beddel iyo dib u cusboonaysiin lagu sameeyay. Markaa guud ahaan waxay noqonayaan heshiisyada Somaliland ay la gashay shirkaddaasi toddoba heshiis. Waxaan ku wadaagi doonaa mid kasta cidda Somaliland u saxeexday, xaddiga lacagta lagula heshiiyay, Heshiisku wuxuu ku saabsanaa, muddada heshiiskaasi ahaa iyo waxa midho-dhal ama khasaare ah ee uu keenay heshiiskaasi; iyo waliba heshiiskii oo dhamaystiran.

Qaybta 1aad, waxaan ku eegaynaa Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxmed Cabdilaahi Cumar oo ‘MEEQAAMSARE’ loo yaqaanay iyo waxa uu heshiisyo galay.

LA  SOCO………………….

Gulaid Yusuf Idaan

@Guiled2

idaan54@gmail.com

Senior lecturer, Researcher, and Youth Activist in the Horn of Africa