Maxaad Ka Taqaana Cudurada Lagu Kala Qaado DHUNKASHADA AFKA ‘SHUMIS’

Shumiska waxaa lagu kala gudbin karaa dhowr xanuun, kuwaasoo ay keenaan jeermis bakteeriyo ama fayras. labadaas jeermis oo ku noolaan karo calyada ama dhiigga.

Sidee shumiska loogu kala qaadi karaa xanuun?

  • Taabasho: waa in qofka uu shumiyo meel lahayd jeermis gudbin karo xanuun ama caabuq.
  • Dhibco qoyaan ah: dhibcahaas oo xambaarsan jeermis il-ma-aragto ah, wuxuu ka imaan karaa sanka ama dhuunta, sidaas ayuuna qofka ugu kala gooshi karaa xilliga shuminta, qofka kale wuu liqaa ama wuu neefsadaa dhibcahaas xambaarsan jeermiska inta uusan cudurka qaadin.
  • Hawada: waxaa jiro xanuuno lagu kala qaado neefsiga oo labada qof isweydaarsan karaan xilliga shumiska.

Waa maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo uu keeno jeermiska feyraska?

  • Hergabka / Ifilada / Durayga
  • Qandhada qanjirrada “Glandular Fever”, loona yaqaano xanuunka shumiska, waa xanuun uu keeno caabuq feyras loona yaqaano “EBV”, waana xanuun si sahlan ugu gudbo shumiska, waana sababta loogu bixiyay cudurka shumiska “kissing disease”.
  • Caabuqyada herbeska: waa caabuq ay keenaan dhowr feyras oo kala duwan, waa xanuun ku kala gudbin karo taabasho, wuxuuna faruuryaha ku sameeyaa nabro qoyaan ku leh afka, sidoo kale waxaa la mid ah cudurka busbuska oo isagane shumiska ku gudbi karo hadduu nabar uu qofka ku leeyahay meelaha u dhaw meesha la shumiyay
  • Cagaarshawga nooca B: waa cudur uu keeno feyras, waxaana lagu kala gudbiyaa shumiska inkastoo badankiis lagu kala qaado dheecaannada jirka oo isgaaro, laakiin markuu qofka xambaarsan yahay tiro feyras aad u badan oo hadane firfircoon waa lagu kala qaadi karaa shumiska,
  • Honoqrta / Roqorta: markii ay ka soo baxdo afka, waxaa lagu kala qaadi karaa shumiska, khaasatan haddii roqortaas ay dillaac leedahay,

Waa maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo ay keento jeermiska bakteeriyada?

  • Bakteeriyada qoorgooyaha “Meningitis”: waa xanuun halis ah oo qofka u dhiman karo, wuxuuna ku faafaa taabasho ama neefsasho dhibicyo qoyaaneed “droplets” xilliga shumiska,
  • Bakteeriyada suuska keento: waa bakteeriyo ilkaha ku dul korto, waxayna keentaa ilko bololka,
  • Tiibishada sambabka oo lagu kala qaadi karo neefsashada markii la is shuminayo,

Inkastoo ay cudurrada aan kor ku soo xusay ay ugu horreeyaan cudurrada shumiska lagu kala qaado, laakiin waxaa jiri kara cudurro kale oo ka imaan karo hadduu faruuryaha mid ka mid ah labada qof ee is shuminayso ay jiran yihiin ama xambaarsan yihiin jeermis keeni kara xanuuno kala duwan.

Waxaa ilaah mahaddiis ah in qaadista xanuunadaan aysan aad u badnayn, laakiin waxaa muhiim ah in qofku uu sameeyo tilaabooyin taxaddar ah sida:

  • Ka fogow shumiska qof xanuunsan
  • Hadduu qofka afka ku leeyahay nabar ama dhaawac ka fogow in aad shumisid
  • Ku dadaal caafimaadka ilkahaaga
  • Haddii aad hergab qabtid qofna ha shumin, isticmaal maro marka aad qufacaysid ama hindhisayso.
  • Ka fogow shumiska xaaraanta ah iyo dadka aadan garanayn.
  • Waalidku waa in aysan caruurta ka yar hal sano aysan afka ka shumin.#Hayaannews.net

W/Q: Dr Abdullahi A. Mahdi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com