Maxaad Ka Taqaana Iskuulka Abaarso School of Science and Technology:

Waxa maalmihii u dambeeyay qabsaday baraha bulshada weerar lagu hayo Dugsiga Abaarso. Hadaba anigoo xogogaal u ah schoolkaas, ayay ila noqotey inaanan ka aamusin khatarta ka iman karta in schoolkaas laynaga xidho.

Schoolka Abaarso aniga waxa ii dhigta laba wiil oo walaalkey dhalay, tiraba 20 jeer ka badan intaan booqdey, waxaan la kulmey macalimiintooda (dhalinyaro inta badan ka timi North America oo cadaan ah), waxaan la kulmey arday scholarship ku jooga jaamacadaha Maraykanka oo fasaxooda dib ugu soo laabta Dugsiga Abaarso oo caawiya school-ka.

Hadaan inyar oo kooban idiinka sheego, dugsigan ardada dhigataa waxay u dhaxeeyaan fasalada 7aad-12aad. Sanad kasta maamulka schoolku wuxuu tagaa dhamaan lixda Gobol ee Somaliland, imtixaan ayuu school-ku ka qaadaa ardada fasalka 7aad, boqolaal arday ayaa u fadhiista, 45 arday oo qudha ayuu sanadkii ka xushaan dhamaan gobolada. 45-ka arday ee ku guulaysata ayaa mar labaad lagu celiyaa fasalka 7aad. 6 bilood ayay waxbarashadoodu si weyn isu hadashaa. English ta ay ku hadlayaan iney Maraykan ku dhasheen baad moodaa.

Sanad kasta ardada ugu sareysa fasalka 11aad (Form 3) ayaa Maraykan loo diraa, Form4 ka waxay ku qaataan Maraykan, jaamacadaha ugu wanaagsan aduunka ayay ka helaan Full Scholarship. Sidoo kale sanad kasta ardada ka qalin jabisa fasalka 12aad (Form4) badankoodu waxay ka helaan Full Scholarship jaamacadaha ugu qaalisan aduunka.

Dugsigani wuxuu leeyahay xeer aad u adag, oo aanan arag intii aan wax baranayay. Hadaan tusaale yar soo qaato, goor fiida anoo Hargeisa jooga ayaa waxa isoo wacay macalin ka mida maamulka schoolka, wuxuu igu yidhi barito kaalay schoolka oo kaxee inan kaaga, waxaanu ka eriney schoolka saddex maalmood. Subaxii baan u tagay wuxuu maamulii ii sheegay in xeerka school-ka ardaygu haduu dambi yar galo, loo qoro hal dhibic, markay dhibcuhu gaadhaan 3 dhibcoodna ardayga la eryo 3 cisho. Dambiyada uu galay inankaagu waa kuwan.

  1. Maalin hebla 5 daqiiqo ayuu daahay.
  2. Maalin hebla surwaal u eg, laakiin aan ahayn uniform kii schoolka ayuu soo xidhay.
  3. Shalayna markuu ka toosay gogoshiisa muu goglan.

Waxaan ka codsaday inuu saamaxo maadaama uu inanku ugu da’yaraa ardada schoolka dhigata. Laakiin wuu iga diidey. Inankii baan soo kaxeeyay, aadna u canaantey, waxaanan ugu hanjabay hadii school-kan mar dambe lagaa soo eryo inaanad Burco ku noqoneyn ee toos hawdkii iyo miyi laguu gaynayo (geela ayaad raacaysaa).

Ta kale ardaygu haduu tacliinta ku xumaado waaba laga eryaa, oo dib looguma ogolaado.

Xeerarka school ka waxa ka mida in wiilasha iyo habluhu ku kulmi karaan oo qudha fasalada ay wada dhigtaan, oo aanay banaanka ku sheekaysan karin ama ku wada ciyaari karin. Ta kale waxaan ogey in ardaydu subaxii toosaan ka hor shanta subaxnimo, ardaydu ma bartaan oo qudha tacliin ee waxa la baraa tarbiyad, adaab, sida ay ula dhaqmaan dadka kale, iyo waliba time management.

Hadaba akhristow, dad aan waxba ka ogeyn ayaa faafinaya dacaayad beena, oo leh dhaqan xun baa lagu faafiyaa iyo diinta kiristaanka ayaa lagu faafiyaa. Waxaan leeyahay waxba kama jiraan arinkaas. Dad dana gaara leh ayaa dacaayad kuu dhiibaya adna adoon ka fiirsan baad faafineysaan.

School -kan hadii diin lagu faafinayo hal xiisad oo diini ah baa lagu dhigaa, xiisadaasuna waa diinteena Islamka, ma jirto diin kale oo lagu faafiyaa.

Bulshadeena waxa iskaga khaldan siyaasada dawlada iyo waxbarashada ubadkeena, hadaba kuwa mucaaradnimada ka raadinaya waxbarashada ubadkeena, waxaan leeyahay ka daaya, sidaasi ma haboona. Aniga nin iga mucaaradsani ma jiro, laakiin xaqiiqada school kan baan ogey.

Somalia barigii hore macalimiin gaala ah oo isugu jira Ingiriis, Maraykan, Talyaani, Ruush, Hindi iyo Gaalo kaleba ayaa school-ladii barigaa wax ka dhigi jirey, manay jirin cid ay gaaleeyeen, koley anigu ma ogi, waliba waqtigaa diintu way inagu yarayd.

Aniga waqti badan ayay macalimiin gaalo ihi wax iigu dhigeen wadanka guduhiisa iyo dabadaba, manay dhicin iney diintayda ka hadlaan, faafin diin kale daayoo.

Dhulka gaaladu miyaanay ahayn halka aynu ku badbaadney, markay Somalidu kaw iskaga siisey, miyaanay ahayn halkan dhalinteenni badaha isugu gurayaan si ay u gaadhaan dhulalka gaalada.

Fadlan joojiya dacaayada ku saabsan school-kaas, hadaad diinteena suuban iyo dhaqankeena ilaalinayso soo booqo school-ka ama warayso ardada wax ka barata hadii kale jooji wararka ku tidhi ku teenka ah, ee dadka danaha gaarka ah lihi kuu dhiibayaan adna aad u faafineyso.

Hadaba dacaayadani lagu hayo Abaarso ma aha gaalo nacayb ah, ee waa dacaayad lagu hayo waxbarashadeena.

AQOON LA’AANI WAA INDHO LA’AAN.

Ardayda dhigata schoolkan waalidkoodu wuu waraystaa, illeyn qofna ubadkiisa ma rabo in la gaaleeyo ama dhaqan xun la baree. Ilaa hada lama hayo waalid ubadkooda ka saaray schoolka, ama wax ka sheegaya schoolka. Bal dadkan aan ubadba u dhigan maxaa wada waa yaabe.

Fadlan intiina aqoontu ku jirto ha ka aamusinee, ka hadla xaqiiqada iyo waxa saxa ah. Hadii kale dad iska jibeysan oon waxba ogeyn baa ina hafin doona.

Hubsiimo hal baa la siistaa, ha la baadho oo gudi madax banaan haloo saaro. Wadanku dawlad buu leeyahay, wasaarad waxbarasho ayaa jirta, wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa jirta, culimada Somalida ugu aqoonta ayaa Hargeysa jooga. Ha baadhaan oo wixii khalada ha la saxo haduu jiraba.

NB

Anigu ma ogi, wax akhbaar ahna kama hayo jaamacada Abaarso ee ku taal Shacabka. Waxaanse aaminsanay in waxaa laga sheegayaa been yihiin. Waxaan anigu xogogaal u ahay oo qudha Abaarso School of Science and Technology ee ku yaal tuulada Abaarso.

Waa Bilaahi Tawfiiq

Sheekhaawi Ali

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com