Maxaad Ka Taqaannaa Saldanada Ugu Faca-Weyn Beesha ISAAQ Oo Tirsata 400 Sanno Ku Dhawaad.

Hargeysa(Hayaannews): Saldanadda ugu fac weyn dhulka Soomaalidu degto ee geeska Afrika, ee ilaa hadda jirta waa Saldanadda Warsangali, oo loo yaqaano Warsangale Sultanate oo la aas-aasay sannadkii 1298 kii.

1298-kii, ayaa Garaad Cabdilaahi Dhidhin, loo caleemo saaray inuu noqdo, Garaadka guud ee beesha Warsangali, waxaana lagu caleemo saaray magaalada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.

Waxaa ku xigay Garaad Xamar Galle, oo isaguna xilka Garaadka Warsangali hayay ilaa sannadkii 1340 kii.

Sannadkii 1897 kii, ayaa Maamulkii Garaadnimada loo bedelay Suldaan, waxaana loo caleemo saaray Suldaan Maxamuud Garaad Cali Garaad Shire.

Beesha Isaaq iyo Saldanadii Suldaan Guuleed.

Beesha isaaq, saldanadda ugu faca weyni waa Saldanadda Ciidagale weyne oo soo taxnayd ilaa sannadkii 1750 kii, Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, Allah ha u naxariisto eh, ayaa loo caleemo saaray   suldaanka guud ee beesha Ciidagale, bil ka dibna wuxuu noqday Suldaanka guud ee beelaha Isaaq, waxaa la caleemo saaray bishii July sannadkii 1750 kii.

In loo doorto Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, Saldanadda guud ee beelaha Isaaq, ayaa waxay  ka danbaysay, ka dib markii Aabahii Cabdi Ciise oo ahaa abaandulahii ciidamaddii difaca beesha Isaaq uu guulo waaweyn ka soo hooyay dagaalkii loo yaqaanay “Dagaalkii Lafa-ruug” 1749 kii, ee dhex maray beelaha Isaaqa iyo Absame Daarood, ka dib markii uu dagaalka guul ka soo hooyay Cabdi Ciise, ayaa odayaashii Isaaq waxay shir iskugu yimaadeen ka dib, ka codsadeen Cabdi Ciise, inuu noqdo Suldaanka guud ee beelaha Isaaq, balse Cabdi Ciise wuu ka diiday odayaasha Isaaq in loo caleemo saaro Suldaan, bedelkeediina waxaa Suldaan laga dhigay, Guuleed Cabdi Ciise, oo ahaa Cabdi Ciise wiilkiisii curdeed, oo noqday Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Allah ha u naxariisto eh, Suldaan Guuleed Cabdi Ciise wuxuu geeriyooday sannadkii 1808 dii, waxaana, xilka saldanada la wareegay, wiilkiisii curdeed, Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise, Suldaan Faarax oo ahaa, Suldaankii labaad, wuxuu xilka saldanadda hayay 37 sannadood.

Mugii taariikhda ee Xukunkii Saldanada Suldaan Faarax Suldaan Guuleed.

Waxyaabahii xusuusta taariikhda gallay wakhtigii uu Suldaan Faarax xilka saldanadda hayay waxaa ka mid ahaa xidhiidhaddii uu la yeeshay salaadiintii dalalka gacanka cadmeed ilaa gacanka Beershiya.

Sannadkii 1820 kii, ayaa maleeshiyo hubaysan oo beelaha Habar Awal ka soo jeeda, waxay afduubeen doon ganacsi oo u rarnayd Saladanaddii magaalooyinka Sharjah iyo Raysal Khaymah, oo marka loo yaqaanay Jasiiratul Xamra.

Ka dib afduubka iyo weerarkaasi, ayaa Suldaankii Sharjah iyo Raysal Khaymah oo la odhan jiran jiray Suldaan Bin Saqar Al Qasimi wuxuu waraaq usoo diray Suldaan Faarax Suldaan Guuleed, si loo xaliyo dhibaatada, Suldaan Faarax wuxuu yimid magalada Berbera wuxuuna xaliyay arrintii afduubka doonta, dhawaan ayaa maktabada ugu weyn dalka ingiriiska ee la yidhaahdo British National Library ay soo bandhigtay waraqdii ay labada Suldaan is dhaafsadeen (Hoos ka eeg waraqda oo af carabi ku qoran).

Suldaan Faarax Suldaan Guuleed wuxuu Allah ha u naxariisto eh geeriyooday sannadkii 1845 kii.

Sannadkii 1845 kii, ka dib markii uu geeriyooday Suldaan Faarax Allah ha u naxariisto eh, waxaa xilka lagu wareejiyay wiilkii ugu weyna inamada oo noqday  Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Caleemo saarka Suldaan Xasan, waxay ku soo beegantay wakhti adag, oo beelaha Isaaqa dhexdoodana dagaalo ka dhex socdeen, beelaha Isaaqa laftigoodana ay kala guureen oo beel weliba gaar Suldaan u yeelatay.

Dagaalka ugu darani wuxuu ka socday dhulka xeebta, oo ay ku dagaalamayeen labada beelood ee walaalaha ah ee Axmed Nuux Ismaciil iyo Yoonis Nuux Ismaciil, oo ka tirsan beesha Habar awal oo isku haystay ciddii maamuli lahayd ganacsiga wakhtiga dhulka xeebta ee Berbera ilaa Bulaxaar ka socday.

Suldaan Xasan Suldaan Faarax, arrinta ugu weyn ee lagu xasuusto ayaa ahayd inuu hogaminaayay odayaashii beelaha Isaaqa ee labada beelood ku heshiisiiyay magaalada Aw Barkhadle oo lagu dhaariyay odayaashii Axmed Nuux iyo Yoonis Nuux.

Suldaan Xasan wuxuu xilka Saldanadda hayay 25 sannadood, Allah ha u naxariisto eh, wuxuu geeriyooday bishii April sannadkii 1870 kii.

Waxaa loo caleemo-saaray xilka Suldaanimo ee uu Suldaan Xasan ka geeriyooday, wiilkiisii inamada ugu weyna oo noqday Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Diiriye wuxuu noqday Suldaankii ugu saamaynta badna, isla markaana ahaa Suldaankii xilka hayay qarniyadii 19aad  ilaa qarnigii 20aad, sannadkii 1870 kii ayaa loo calemo saaray xilka Saldanadda beelaha Garxajis iyo Isaaq.

14 sanno ka dib, caleemo saarkiisii oo ku beegnayd 1884 kii, waxaa qabsaday dhulka maxmiyaddii ingiriiska, wuxuuna ku soo hagaagay wakhti collaado ku bilaabmay, oo beesha Ciidagale dhexdeeda ay dagaalo ka dhex bilaabmeen.

Wuxuu sidoo kaleku soo hagaagay sannadahii casriga ahaa ee xadaaradda iyo magaalooyinka aan xeebta ahayni ay bilaabmeen.

1870 kii ayuu magaalada Hargeysa oo wakhtiga cariishyo ahayd kula kulmay Shekh Madar Axmed, waxaana sannadkaasi la caleemo saaray uu shirweyn ka dhacay meel ku dhaw dooxa weyn ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo lagaga arrinsaday sidii Hargeysa loo magaalayn lahaa.

Wixii intaasi ka danbeeyayna waxaa bilabmay magaalayntii Hargeysa, iyadoo dhismahii ugu horeeyay ee daar ah laga dhisay meel u dhaw hadda Dooxa Hargeysa oo loo bixiyay (Block 1).

1890 naadkii, waxaa dhulka xeebta Bari ee British Somaliland Protectorate ka bilabmay, halgankii hubaysna ee mustacmarad la dirirka ahaa, ee uu hogaaminaayay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

Sannadkii 1899 kii, ayuu Sayid Maxamed Cabdalle Xasan waraaq usoo diray, Suldaan Diiriye, kana codsaday inuu gacan ku siiyo la dagaalanka mustacmaraddii ingiriiska.

Markii hore Suldaan Diiriye wuxuu aqbalay baaqa Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, laakiin kacdoon isaga ka dhan ah, oo beelahii kale ee isaaqa iyo Samaroon ay ku diidanayeen Maxamed Cabdalle Xasan halgankiisa darteed,, ayuu ku gacan saydhay.

Suldaan Diiriye Allah ha u naxariisto eh, oo ahaa Suldaankii ugu muddo dheera Saldanadda ayaa wuxuu geeriyooday sannadkii 1939 kii.

Waxaa loo caleemo saaray xilka Saldanadda wiilkiisii curdeed oo noqday Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Cabdilaahi wuxuu ahaa wadaad, wuxuu wax ku bartay magaalada Cadan, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaradii iyagoo wax bartay, dib ugu soo noqday British Somaliland Protectorate 1920 kii, wuxuu ahaa dhalinyaradii aad uga soo horjeeday mustacmaraddii ingiriiska, ee doonaayay inay Somaliland xornimo hesho.

Suldaan Cabdilaahi waxaa xilka Saldanadda loo caleemo saaray sannadkii 1939 kii, maalmo ka dib markii uu geeriyooday Aabahii Suldaan Diiriye.

Sannadkii 1948 naadkii markii ingiriisku ku wareejiyay dhulka Reserve area, Ethiopia,, Suldaan Cabdilaahi aad ayuu uga cadhooday, wuxuuna hogaminaayay wefdi magaalada London kula kulmay boqortooyada ingiriiska oo arrinta cadhadeeda hor dhigay boqortooyada ingiriiska, wefdigaasi oo laba xubnood ahaa waxaa ku wehelinaayay Suldaan Cabdiraxmaan Diiriye oo ahaa Suldaankii guud ee beesha Habar awal.

Markii danbe wuxuu ku biiray xisbigii SNL ee dadajinaayay in ingiriisku Somaliland xornimadeeda ku soo wareejiyo.

Suldaan Cabdilaahi Allah ha u naxariisto eh wuxuu geeriyooday sannadkii 1967 kii.

Waxaa xilka Saldanada loo caleemo saaray Suldaan Rashiid Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Rashiid xilka Saldanada kuma raagin, wuxuuna ahaa Suldaankii ugu muddo gaabna, sannadkii 1969 kii ayuu geeriyooday, isagoo 2 sanno oo qudha xilka Saldanada haya

Ka dib waxaa loo caleemo saaray xilka Saldanadda, walaalkii oo noqday Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Suldaan Guuleed Cabdi Ciise.

Suldaan Cabdiqaadir wuxuu ku soo beegmay wakhtigii kacaankii Maxamed Siyaad Bare talladii Jamhuuriyadda Soomaaliya la wareegay, wuxuu geeriyooday sannadkii 1975 kii.

Sannadkii 1975 kii, ayaa xilka Saldanadda Ciidagale iyo Isaaq loo calemo saaray Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Faarax Suldaan Guuleed Cabdi Ciise oo geeriyooday Allah ha u naxariisto eh 12 February 2021.

Waxaa qoray Mohammed Abdi Hassan Diridhaba.

Isha Ku Hay Shabakadda Wararka Ee www.Hayaannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

 

#Mustafe_Janaale

#Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com