Maxaad Uga Tagtaa Caruurtaada? Qalinkii: Mohamed Daud

Maxaadse Ilaahay La Hor Tegi Doontaa?

================================

Boqorkii ka midka ahaa Cabbaasiyiinta, ee Abuu Jacfar Al-Mansuur, ayaa Sheekh C/Raxmaan Bin Qaasim ka codsaday inuu waaniyo. Sheekho nin weyn oo qiima leh oo la qaddariyo ayuu ahaa. Weliba nin raas wacan ka soo jeeda, oo ku ab-tirsada Abii Bakar Al-Siddiiq ayuu ahaa.

Sheekhii kuyee:

“Boqorkiiyaw, ma i waani baad tidhi? Ma waxaan kugu waaniyaa, waxaan maqlay, mise waxaan u soo taagnaa?”

Boqorkiina kuyee:

“Mayee, waxaad igu waanisaa, waxaad u soo taagnayd”.

Sheekhii baa yidhi:

“Waxaan u soo taagnaa, inan uu dhalay Boqorkii Hishaam Binu C/Malik oo loo dawarayo. Hadda inankaas iyo walaaladii oo kaw iyo Toban wiil ahaa, waxay aabahood oo Boqor ahaa, midkiiba ka dhaxlay Hal Milyan oo Diinaar.

“Waxaan kale oo aan u soo taagnaa inan uu dhalay Boqorkii caadilka ahaa ee Cumar Binu C/Casiis. Inankaas oo sadaqo ‘Fii Sabiili Laah’ ah ku bixinaya, maalin keliya, adduun lagu soo gadi karo Boqol Faras. Hadda inankaas iyo walaaladii oo iyana Kaw iyo Toban wiil ahaa, waxay aabahood oo Boqor ahaa, midkiiba ka dhaxlay waxa ka yar Hal Diinaar”.

Sidaas markuu yahay Adduun Caaryaale, nin walbaw, ma is weydiisay:

Maxaad uga tagtaa caruurtaada?

Maxaadse Ilaahay la hor tegi doontaa?

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email : Hayaannewssoma@gmail.com