Maxay doonaysaa Kenya Ee Ugu yeedhay Hogaanka Somaliland Mudane Madaxweyne Muse Biihi Abdi?

Siyaasiyan iyo diblamaasiyad ahaan waxaanu si weyn ula soconaa Hawlaha aduunka ka socda oo runta Somaliland inay si weyn ula jaanqaado ay tahay.

Kenya waa inay ogaataa inay Somaliland leedahay Siyaasiyiin aqoon sare u leh gadgadoonka waayaha iyo geedi-socodka amuuraha Gobolka.

Kenya iyo Ethiopia waa col, Soomaaliya iyo Kenya waa col- Soomaaliya waxay ka falcelisey gardaradda Kenya ee lagu boobaayo Bada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Kenyatta oo culays weyn laggu saaray in qaadka Miirooga suuq loo helo- ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku shukaaminaysa in qaadka lagga iibsado Beeraleyda Kenya oo suuqyadda Somaliland loo diro.

Amuurta ugu weyn iyo danta Kenya Somaliland ka leedahay  ayaa ah in Madaxweyne Kenyatta iska dejiyo culayskaa oo Somaliland qaadka Kenya loo dhoofiyo

Xukumadda Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Farmaajo ayaa isha si weyn ugu haya socdaalka Madaxweyne Muse Biihi Abdi oo diblamaasiyiinta iyo Sirdoonka labadaa dal ayaa hawada ku boobi doona nuxurka kulanka Madaxweyne Muse Biihi Cabdi iyo Madaxweyne Kenyatta, oo culays weyni  kaga imanaayo Beeralayda Gobolka miiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaadka Kenya joojisey, taasi oo Kenya ku keentay dhaqaale burbur weyn iyo Gobol indhaha isku qabsaday.

Dhanka kale Xukumadda Ethiopia ayaa maaquula in ay weyrixi doonto- laakiin ma garan karo Wasaaradda Arimaha Dibaddu talladda ay siiso Madaxweynaha Qaranka Mudane Muse Biihi Abdi- taasi oo keeni karta in Somaliland isku rooriso qoolka Siyaasadda, haddii ayna feejignaan weyn iyo dareenka Tukaha ka qaadan Dabinnada dhulka daadsan, ee Kenya oo qudha dani ugu jirto.

Madaxweyne Muse Biihi oo aan aad u taageero- waxaan leeyahay yaryarkii Kenya joogey yeyna wax kuu soo malmaluuqin oo bohol Somaliland uga talaabsan.

Midda kale Mudane Madaxweyne Muse Biihi waa inuu u diyaar garoobaa dhirbaaxada Siyaasiggaa, ee Ethiopia iyo Soomaaliya oo midna Kenya isku fiicnayn.

Haddii Madaxweyne Muse Biihi Cabdi soo qaato Heshiis in kenya Qaadkii Soomaaliya diidey Somaliland keento.

Waxaa dhici karta in Somaliiland iyo Ethiopia kala fogaadaan- oo xidhiidhkeenu xumaado, iyadoo markii horeba Dowladda Ethiopia xidhiidh dhow la lahayd dowlada Mudane Madaxweyne Mohamed Abdullah Farmaajo.

Dowladda Kenya ayaa Somaliland ku godli karta qorshe beena oo ah Safaarad buuxda ayaan ka furanayaa Hargeisa.

Arinta Madaxweyne Mudane Muse Biihi loogu yeedhay gundhigeedu waxuu yahay in Qaadkii Soomaaliya diidey Somaliland loo soo weeciyo.

Taasi oo Wadanka deriskeena ee Ethiopia dareen weyn iyo dagaal diblamaasi ku abuuri doonta.

Anigoo aan ka  hordhacayn aan eegno waxa Madaxweyne Muse Biihi Cabdi kala soo guryo noqdo keenya.

Oo noqon kara in Kenya Xafiis buuxa ka furanayso Somaliland iyo in aan Qaadka Miirooga Hargeysa la keeno, oo Dowladda Kenya ah ujeedadeeda ugu weyn.

Booqashadda Mudane Madaxweyne Muse Biihi ayaa Somaliland u keeni doonta raran iyo ragaad Siyaasiya oo u baahan in dareen loo yeesho ama lagaga gudbo aqoon iyo waayo s-aragnimo Siyaasi ah oo aan Dowladda Kenya Somaliland doqon kaga dhigi karin.

Madaxweyne Mudane Muse Biihi ayey u taalaa sida uu kaga gudbi karo digada kulul ee yar yarka Safaarada Kenya jooggaa dhex marinayaa iyo colaadda ka dhex qarxi karta Somaliland iyo Ethiopia ee la xidhiidha ganacsiga Qaadka.

Waa mahiim in Madaxweynaha Qaranka aanu la dareen noqono oo halka duro iyo dagaal inagaga iman karo in aan iska gufeyno.

Madaxweyne Kenyatta Alle ayaa xilka u sahlee rag ka Siyaasad weyn- oo caqli si weyn u shaqaynaayo ayaanu nahay.

Somalilandna waxay u baahantahay halyeeyo hareeraha qabta oo la roora ilaa halka Ummaddu u haraadantahay.

Madaxweynahu xaq waxuu u leeyahay in danaha Dowladda Kenya ka leedahay in uu sii ogaado ama aan loo qarin.

Taasi oo aan fursad qudha u noqon Xafiiska iyo Masuuliyiinta Kenya oo maalmo halkaa kula qaata Madaxweynaha dalka.

Isla markaasina Somaliland garbo dheer ku dumiya Siyaasiyan iyo diblamaasiyad ahaanba.

Waar Kenya waxay inoo haysaa ma jiro intay dad Soomaaliyeed ku tumanayso oo dhulkoodda ku haysato- Somaliland hadafkeedda xaq ay u leedahay iyo in Ummada Soomaaliyeed aan dhib ku eegno isma qabtaan.

Somaliland haddii Kenya iyo Ethiopia ay citiraafaan oo Somalia boob iyo dil u geystaan- miyeynu khasaaray mise weynu faaiideyn.

Nin raga iyo nacas kala aragti duwan had iyo jeer.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Walaalkaa xumaana kuma ogola fiicnaana kuuma ogol” waa xigmad run ah.

Dowladda Soomaaliya waxaynu doono aan isku qabno- laakiin yeelli mayno in ladulmiyo- oo dil iyo boob loo geysto.

Dowladda Kenya halkaa ayey ku jirtaa- waana in lagga feejignaadaa oo Ummadda Soomaaliyeed waxaynu isku nahay lumin.

Kenya waa inay ogaataa in aanu dad Soomaaliyeed nahay marka hore- Dowlad Somaliland la yiraahdana nahay.

Colaada iyo kooba ay dhulka  Soomaaliyeed ku wado kuwo ku faraxsan ama ka raaliya ma nahin runtii.

Our deliberation!!!!!!!!!

Somaliland never accepts Kenya trespassing to Somalia’s territory and oppressing Somali people.

Ethnically we are Somali people- but different government whether Somalia gives us the divorce letter or not. Still that connection never vanishes indeed.

Somaliland Republic never supports for Kenyan annexation of Somalia and offending on daily basis.

We are absolutely Somali people that reject any atrocity against Somalia.

Our fools and heroes have different opinions for that seizure of Kenya’s Somali resourceful maritime.

Kenya wants ignite deep animosity between Somaliland Republic and Somalia Federal Government- that expertise of Somaliland diplomats want to de-escalate tension between the two countries to proceed fruitful and stable dialogues in the future.

Kenyan government is very enthusiastic to find market the commodity Somalia, President Mohamed Abdullah Farmaajo banned or sanctioned recently.

Kenya in mind to export Mira Kad to Somaliland Republic in order President Kenyatta of Kenya ease extreme pressure from farmers province in Kenya.

Mr Kenyatta wants to use as anti pain medication for the invitation of Somaliland Republic President Muse Biihi Abdi to get solution for his domestic problems in Kenya.

Already Somaliland Republic received void pledges from the Kenyan government and have enough uncommon lies and un-constructive promise of opening representative office here in Somaliland.

What is the crucial difference at this time? Somaliland fellow citizens should ask themselves in advance that significant question now.

But I wish President Muse Biihi Abdi all the best indeed; warning him to be very cautious to fall into unnecessary traps that hurts Somaliland Republic position in the region.

Somaliland National Interest is not abhorring Somalia- but the fundamental key of Somaliland Republic mission of being recognised government is on that table of our neighbouring country “Somalia” to solve in mutual agreements appropriately and to unlock that jigsaw friendly and understandably in the future. Avoiding any nonsense hatred, enmity and conflict submerges the better existence or continuity of both Somalia and Somaliland Republic.

Both Nations should fix eyes a head and show how to live in full life filled with vitality and strength protecting the name of Somalis in general, like five portions of Somalia; the history defines very clearly.

Kenya is nothing to do with the peculiar honour and dignity Somalis save here in the region- it is only Somali issues.

The Kenyan Mira Kad exportation to Somaliland Republic brings nothing to Somaliland people except destruction  of mental breakdown and vice.

However, President Muse Biihi Abdi responsibility as Nation’s leader is to refuse all unsuitable and unnecessary deals- but excepts prosperity and profess that changes Somaliland Republic for good.

The President Kenyatta mira Kad exportation to Somaliland Republic is only making Kenyan livelihood better- where President Biihi ought to make Somaliland Republic life so healthy and economically stable.

Wait and watch the developments of that visit, how reception goes and the issues discussed by Our honourable President Biihi and President Kenyatta of Kenya.

All eyes are on President Muse Biihi who travels to Kenya tomorrow with his both Home and foreign Ministers.

We diffinately back up the President quite patriotically but no more detest to Somalia- as ethnically we are Somali people.

When it comes disputes of Somalia and Kenya- Somalia needs us indeed-Somaliland Republic never supports Kenyan ambition relating Somali maritime.

Somalia must consider our case with brotherhood and friendly negotiations in the future- but Somaliland unrealistic population should change that wrong direction of hatred against our flesh and blood.

Abdilahi Hassan

Goodwill Ambassador of Somaliland Republic.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com