Maxaynu ka Baran Karnaa Guusha Ay Gaadheen Labadan Mudane Ee Dhalinyarada Ahi?

“Waxaynu ka baran karnaa in shacbiga reer Somaliland uu ka xoroobay, dhalinyaradiisuna ay ka ilbaxday in magac qabiil ama magac Xisbi ay si indho la’aan ah isaga daba-galaan…”

  1. Waxaynu ka baran karnaa Kalsoonida Boqolkiiba Boqolka ah ee ay naftooda ku qabeen inay guulaysan karaan hadii ay dedaalaan, iyaga oo aan dheg u dhigin cid kasta oo u dardaar werisay ama jillaafo u dhigtay, kuna niyad jabin caqabad kasta oo ka hor timi.
  2. Iyaga oo aan u rukuucin oo aan is hoos dhigin Kaabe-qabiilada reeraha ee ku xoogsada reer hebelnimada ee sheegan jiray inay codka shacbiga gacanta ku hayaan oo qof aan iyaga taageero ka helin aanay reeraha iyo ummadu cod siin doonin.
  3. Waxay ka leexdeen dariiqa madow ee ay raacaan inta badan siyaasiyiinta dalkeena oo si khiyaali ah isugu hor sawira inuu reerkiisa gacanta ku hayo, kuwaasoo ku xoogsada inay markasta is hor wadaan Odayaal Qabiil, Salaadiin iyo Cuqaal.
  4. Xiligii ay halganka ololahooda ku jireen waxay la hadlayeen Qalbiyada iyo Maskaxaha muwaadiniinta iyaga oo aragtidooda oo xooggan oo ay xujo ku ladhan tahay waraabinayay codbixiyayaasha. farriintaas oo aan ahayn mid iska yeel-yeel ah, balse qalbiyadooda ka soo go’aysay.#Hayaannews
  5. Waxaynu ka baran karnaa in shacbiga reer Somaliland uu ka xoroobay, dhalinyaradiisuna ay ka ilbaxday in magac qabiil ama magac Xisbi ay si indho la’aan ah isaga daba-galaan, laakiin ay fahmeen inay codkooda ku bixiyaan Mabda’a iyo aragtidooda iyaga oo aan u eegin qabiil iyo xisbi midna.

Labadan Masuul waxay Xambaarsan yihiin farriin shacab oo aad u xooggan maadaama ay noqdeen labada Xildhibaan ee ugu codka badan labada gole ee Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanan usoo jeedinayaa Xukuumada iyo Xisbiyada Qaranku inay la fududeeyaan fulinta farriinta Shacbiga ee ku salaysan gaadhista Horumar dhab ah, kuna badhi-taaraan sidii ay u hogaamin lahaayeen golayaasha loo doortay.

Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com