HAYAANNEWS.NET
Meher Kulmiyay Wufuud Ka Ka La Socota Geeska Afrika
October 6, 2020 - Written by admin
“GACAL IYO SOKEEYABA MEHERKIINA LAGU FARAX”
Kulan Meher oo noociisu naadiryahay
ayaa maalintii shalay ka qabsoomay Magaalada Djabuuti ee wadanka Djabuuti,
Meherkan ayaa laysugu guuriyay Keenadiid Almis Maxamuud Xayd iyo Amran Cabdi
Yaabe Galab
Meherkan waxaa ka soo qayb galey
wafuud ka kala socota wadamada geeska Afrika sida Somaliland, Itoobiya,
Somaliya iyo Dawlad degaanka Soomaalida
Wafuudan culus eek a kala socday
wadamada ay Dawlada Djabuuti saaxiibka yihiin ayay hogaaminayeen Wasiiro aanu
ka tilmaami karo Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide, Madax dhaqameed,
culimo-awdiin, Ganacsato, Fanaaniin, Saxafiyiin, Salaadiin, Siyaasiyiin iyo
dadweyne kale oo aad u badan oo ah kuwa bulshadu karaamayso.
Munaasibadan geedfadhiisiga ah ayaa
sida caadada wadanka Djabuuti waafaqsan u dhacda laba munaasibadood oo
kala ah Isweydiisiga Inanta oo guurtida iyo odayaashu isku weydiistaan Inanta
iyo gudoonka
Munaasibada labaad ayaa lagu kulmaa
Hadhimo saharafeed ay isugu yimaadaan labada reer ee ay ka kala tirsanyahiin
lamaanaha is calmaday ee lagu xididdayo iyo martida la muuneeyo ee lagu soo
casuumo
Hadaba markaan u soo noqono
munaasibadan bilan ayaa qaybtii hore ee Hadhimo sharafeedku ka dhacday aqalka
madaxweynaha Djabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo ku yaala Xaafada Bilicda
badan ee Haromuus munaasibadaasi waxay kulmisay masuuliyiin madaxdhaqameed iyo
asxaab badan oo kalabadaaday waxaana ka dhacday kaftan iyo shookooyin aad loo
xiisaynayay, Fanaaniinta qaar ka mida ayaa heeso duco aroos ah ka qaaday,
hadhimo sharafeedan waxaa fidisay Marwada qaranka Djabuuti Marwo Khadra Xayd
waxaanay ahay munaasibad aad loo soo agaasimay
Intaa kadib odayaashii dhaqanka iyo
marti sharaftii kale oo ay ka mid yihiin labadii qaybood oo lamaanahan
isdoortay ku xididayeen waxay u digo rogteen guri loo habeeyay lamaanahan
laysku xalaalaynayo oo laga yagleelay Aqal Soomaali weeyn, kaas oo ka
samaysan taandho ay ka muuqato farshaxan nimo dhaqan waana goobta ugu
mihiimsan ee ay ka dhacday Isweydiinta iyo Gudoonku ugu danbayntii waxay
ku soo dhamaatay abshir iyo gudoon laysku raaciyay lamaanahan kul miyay
dadwenahan sharafta u saaxiibka ah ee aadka u tirade badan Boqorka iyo Boqorada
Keenadiid Almis Maxamuud Xayd iyo Amran Cabdi Yaabe Galab
Ganacsadaha caanka ah ee Cali Ibraahim
Ciise (Cali Waraabe) ayaa ahaa Odaygii hogaaminayay wafuudii cuslayd ee ka
kicitintay dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa kale oo cali uu doorweeyn ku
lahaa qabsoomida Meherkaas.
Munaasibadan qiimaha badan oo ahayd mid
si heer qaran ah loo soo habeeyay ayaa ahayd mid ka soo qaybgalayaashii aad u
raali gelisay masuuliyiintii qaban qaabada gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa
Agaasimaha Wasaaradda Maaliyada Djabuuti Almis Maxamed Hure waxaanay ku soo
gabagabowday hanaan farxadeed oo laga mabsuuday
Kulankan geed fadhiisiga oo ay
goobjoog ka ahaayeen saxafiyiin ayaa waxaa goobtaasi noogasoo waramay Xasan
Ismaaciil Maxamed ( Xasan Shaah) oo goobta ku sugan
Ugu danbayntii kulanka Meherka ayaa
wufuudii ka soo qayb gashay ay ku yeesheen kulamo gaar gaar ah waxaanu ku soo
gabagaboobay jawi farxadeed oo lagu xididay.
Related
COMMENTS
|