Meher Kulmiyay Wufuud Ka Ka La Socota Geeska Afrika

“GACAL IYO SOKEEYABA MEHERKIINA LAGU FARAX”

Kulan Meher oo noociisu naadiryahay ayaa maalintii shalay ka qabsoomay Magaalada Djabuuti ee wadanka Djabuuti, Meherkan ayaa laysugu guuriyay Keenadiid Almis Maxamuud Xayd iyo Amran Cabdi Yaabe Galab

Meherkan waxaa ka soo qayb galey  wafuud ka kala socota wadamada geeska Afrika sida Somaliland, Itoobiya, Somaliya iyo Dawlad degaanka Soomaalida

Wafuudan culus eek a kala socday wadamada ay Dawlada Djabuuti saaxiibka yihiin ayay hogaaminayeen Wasiiro aanu ka tilmaami karo Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide, Madax dhaqameed, culimo-awdiin, Ganacsato, Fanaaniin, Saxafiyiin, Salaadiin, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u badan oo ah kuwa bulshadu karaamayso.

Munaasibadan geedfadhiisiga ah ayaa sida caadada wadanka Djabuuti  waafaqsan u dhacda laba munaasibadood oo kala ah Isweydiisiga Inanta oo guurtida iyo odayaashu isku weydiistaan Inanta iyo gudoonka

Munaasibada labaad ayaa lagu kulmaa Hadhimo saharafeed ay isugu yimaadaan labada reer ee ay ka kala tirsanyahiin lamaanaha is calmaday ee lagu xididdayo iyo martida la muuneeyo ee lagu soo casuumo

Hadaba markaan u soo noqono munaasibadan bilan ayaa qaybtii hore ee Hadhimo sharafeedku ka dhacday aqalka madaxweynaha Djabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo ku yaala Xaafada Bilicda badan ee Haromuus munaasibadaasi waxay kulmisay masuuliyiin madaxdhaqameed iyo asxaab badan oo kalabadaaday waxaana ka dhacday kaftan iyo shookooyin aad loo xiisaynayay, Fanaaniinta qaar ka mida ayaa heeso duco aroos ah ka qaaday,  hadhimo sharafeedan waxaa fidisay Marwada qaranka Djabuuti Marwo Khadra Xayd waxaanay ahay munaasibad aad loo soo agaasimay

Intaa kadib odayaashii dhaqanka iyo marti sharaftii kale oo ay ka mid yihiin labadii qaybood oo lamaanahan isdoortay ku xididayeen  waxay u digo rogteen guri loo habeeyay lamaanahan laysku xalaalaynayo oo laga yagleelay Aqal Soomaali weeyn, kaas oo ka  samaysan taandho ay ka muuqato farshaxan nimo dhaqan  waana goobta ugu mihiimsan ee ay ka dhacday  Isweydiinta iyo Gudoonku ugu danbayntii waxay ku soo dhamaatay abshir iyo gudoon laysku raaciyay lamaanahan kul miyay dadwenahan sharafta u saaxiibka ah ee aadka u tirade badan Boqorka iyo Boqorada Keenadiid Almis Maxamuud Xayd iyo Amran Cabdi Yaabe Galab

Ganacsadaha caanka ah ee Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraabe) ayaa ahaa Odaygii hogaaminayay wafuudii cuslayd ee ka kicitintay dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa kale oo cali uu doorweeyn ku lahaa qabsoomida Meherkaas.

Munaasibadan qiimaha badan oo ahayd mid si heer qaran ah loo soo habeeyay ayaa ahayd mid ka soo qaybgalayaashii aad u raali gelisay masuuliyiintii qaban qaabada gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Maaliyada Djabuuti Almis Maxamed Hure waxaanay ku soo gabagabowday hanaan farxadeed  oo laga mabsuuday

Kulankan  geed fadhiisiga oo ay goobjoog ka ahaayeen saxafiyiin ayaa waxaa goobtaasi noogasoo waramay Xasan Ismaaciil Maxamed ( Xasan Shaah) oo goobta ku sugan

Ugu danbayntii kulanka Meherka ayaa wufuudii ka soo qayb gashay ay ku yeesheen kulamo gaar gaar ah waxaanu ku soo gabagaboobay jawi farxadeed oo lagu xididay.