Mucjisadii Kubadda Cagta Maradona Oo Geeriyooday Iyo Madaxxweynaa Argentina Oo Ka Hadlay

Argentina(Hayaannews): Xiddigii hore ee xulka kubadda cagta Argentina Diego Armando Maradona oo loo yaqaanay mucjisaddii Kubada cagta, ayaa geeriyooday.

Maradona ayaa  uu kasoo kabanayay qalliin dhawaan lagaga sameeyey Maskaxdda, iyaddo oo Cusbitaalka laga soo saaray 11-kii November, sida ay warisay warbaahinta dalka Argentina. Waxa uu ahaa 60 jir.

Madaxweynaha Argentina Alberto Fernandez ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, oo loo samaynayo Maradona.

Maradona oo ahaa mid ka mid ah xidighii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta caalamka, ayaa dalkiisa kula guulaystay koobkii adduunka ee 1986-kii.