Mudane Madaxweyne Humaaga Ha laga saaro Booqashada James Swan!!!

Somaliland Republic maaha Kismaanyo, Baydhabo, Jawhar, Garoowe iyo Dhuusamareeb uu ninkani maraayey.
James Swan waa in aanu nagu sawirin qorshe iyo Siyaasad Soomaaliya u gaara maanta.
Mudane Madaxweyne si toosa u weydii James in aanu dadkayaga iyo Dowladayadu raali ka ahayn socdaalkaaga doorkan.
Madaxweyne u sheeg dadka aad hogaamisaa inay dareen nugulyahiin oo ayna ku faraxsanayn socdaalkiisa wakhtigan, waayo wax ayaa ka muuqanaaya.
Madaxweyne waa in si weyn looga dareen celiyaa socdaalka James Swan ee wakhtigan. Ummad ayaanu nahay dareenka Tukaha leh oo aad u foojigan- waxaana reer Somaliland u sheegayaan James Swan in aan dalkani ahayn Magaalooyinkii uu maraayey dhowaan.
Madaxweyne dareenkeena iyo doorkeenu waa waxa uu kula noqon doono Madaxdiisa Qaramada Midoobey.
Madaxweyne, ninkaasi wuu inoo muusaynayaa wuxuu wato ee xoogeena, xinniinyaheena iyo xadkeena waa in si weyn loo tusaa.
Xasuus isaga soo dhidiiqiyey, wax weyn iyo khalad ayaa ka muuqda Booqashada James Swan ee doorkan.
Waar taariikh ayaa qowqifka iyo Mabda Somaliland hagta ku dhisan doorkii Somaliland dunida ku lahayd 60kii intii aanaan qiiro heesin.
Abdilahi Hassan.