Munaasibadda Qalin-jebintii Tobnaad Ee Jaamacadda Burco Hurinta Gu’ga (2020)WQ:Cabdinaasir A, Abraham.
October 22, 2020 - Written by admin
Ilaahay
baa mahadleh igu simay in aan erey ka idhaa, Munaasibaddii qalin-jabinta ee
jaamacadda Burco, gaar Ahaanna ereygii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka yidhi.
Waxa Aan hore u daawaday 26 khudbad qalin-jabineed oo jaamacado kala duduwan
ah. Sidaa darteed waxa aan rumaysanahay in Ereyga aan khudbadda Madaxweynaha ee
munaasibadda qalin-Jabinta ka odhanayaa uu xog ku dhisnaan doono.
Hadalka
madaxweynaha waxa aan ka fahmay in aanu fahansanayn ujeedka rasmiga ah ee
hadalka luugu soo maamuusay. Dooddaydaas fahanka madaxweyaha ku saabsanna
saddex qodob oo hoos ku xusan ayaan u cuskan doonaa.
Ereyga
ugu wanaagsan ee madaxweynuhu goobta ka yidhi waxa aan ku tilmaami lahaa; “Mar
haddii aad shahaado jaamacadeed qaadateen waxa idin fuulay xil qaran.
Taajirka
weyn ee Bil Gates la yidhaa oo shirkadda Microsoft yagleelay sannaddii 1975, oo
ahaa arday ka saaqiday waxbarashada ayaa saddex iyo sodon sanno kaddib oo ku
beegan (2014) ka qalin jabiyay isla jaamacaddii uu ka saaqiday ee Hardvord.
Laba sanno kaddibna waxa lagu lagu soo casuumay in uu munaasibadda
qalin-jabinta ee dufcaddii gu’gii (2007) Bal hadda ba aan Bil Gate iyo Muuse
Biixi oo isku arrin ka hadlay aan is-barbardhig ku sameeyo. Hadda Bil Gate
wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:
“Waxa
aan ahay saaqidkii guusha ugu weyn gaadhay ee ka saaqiday dugsiga
baayac-mushtarka ee jaamacadda Hardvord.
Waxa aan ahay qof saameyn xun taariikhdiisu dadka ku yeelan karto,
maadaama aan waxbarashadii ka saaqiday. Sidaa darteed, ayaan uga gaabsanayaa in
aan wax ka idhaa dariiqii noloshayda, sababtuna waa in ay keeni karto in arday
badani waxbarashada ka saaqiddo. “
Madaxweyne
Muuse Biixi wuxuu yidhi;: “ Shaqada dadka ayaa abuura, kuwaas oo laba nooc kala
ah;
Qof
Alle caqli badan u dhaliyay oo aan u baahnayn in loo kordhiyo. Dadka tujaarta
ah ee imika innaga shaqada inoo abuura ee aad wada garanaysaan midna waxba ma
baran. Midna wax ba ma qoro. Saddexda nin ee maanta la yidhaa, way igu lacag
badan yihiin, waxa ka mid ah;
Ibraahim
Dheere, Jaamac Oomaar, Maxamed Siciid Ducaale “Dahabshiil” Midna Iskuul muu
tagin, midna qalin iyo warqad muu qaadan. Haddana waxa aad aragteen ayay
sameeyeen, waa dad ilaahay mawhibo u siiyay. Qofkaas oo kale shaqo uu abuuri karaa.
2.Qofka
kale na waxa weeyaan qof aqoontiisii ka faa’iidaystay oo fakerrad isagu keenay.
Maadaama ilaahay xilkaas inna saaray oo aan khaliifatul-ardi aynu nahay, intaas
oo tacab ahna la inna geliyay qofku waa in uu fakeraa oo uu qaranka shaqo u
abuuro.“
Haddii
aan qodobka koowaad is-dultaago waxa haydh-haydh iga galay in madaxweynuhu
khalad fahansan yahay arrimahan;
I.Ujeedka
tacliinta ama sababta ugu weyn ee wax loo barto in ay tahay adduunyo in lagu
helo oo sida uu madaxweynuhu hadalka u dhigay in haddii aanay tacliintu lacag
dhalin aanay qiimo lahayn.
II.In
tacliintu kordhiso garaadka sidaa darteed qofka kale ee Alle hibo u siiyay
garasho wanaagsan aanu kaabis uga baahnayn cilmiga. Caqliga iyo cilmigu sida ay
isku saameeyaanna waa arrin wax badan laga yidhi dhigaal badanna laga sameeyay
oo iyada waad heli kartaan ku dheeraan maayo.
III.In
uu arday yar oo hadda qalin-jabiyay ku canaanto in ay shaqo abuur sameeyaanna,
waxa aan halkaas na ka leeyahay qofkii ugu habboonaa, ee fursadaha ugu badan
haystay ee shaqo abuuri lahaa mudane madaxweyne waa adiga. Sidaa darteed iima
muuqan sabab aad dhallinyarta ugu maagto sidii ay shaqo u abuuri lahaayeen.
Erey ahaan waa daw in ardayda lagu booriyo sidii ay shaqo u abuuran lahaayeen,
hasa yeeshee, adigu ma tihid qofkii ku habboonaa ee ereyga odhan lahaa.
Sababtuna waa in adiga shacabka oo ardayda qalin-jabinaysaa ugu horreeyaan kuu
doorteen in aad maarayso mashaakilaadka ay shaqo-la’aantu ugu daran tahay.
Hadda
ba haddii aan si kooban u dhigo wixii aad ku ololaysay ee laguu doortay in aad
wax ka qabato, adiga oo ku canaananaya cid kale oo arday ah, aniga waxa ay iila
muuqataa wax aan la fiirsan karin. Haddii hadalkaagaas aan ka jawaabi lahaana
waxa aan odhan lahaa; Mudane Madaxweyne shaqada aad adiga oo halkii ugu
sarreeyay ee ummadda laga hoggaaminayay abuuri kari weyday, ardayda ha ku
canaanan.
IV.Ujeeddada
madaxweynaha luugu maamuusay munaasibadda qalin-jabinta in uu hadal ka jeediyo
in aanu fahmin ayaa iiga soo baxday, haddii aan xasuusin lahaana waxa aan odhan
lahaa saddex qodob ayaa looga gollahaa in aad ardayda la hadasho;
1)
In aad dhiirri-gelin siiso.
2)In aad uga xog-warranto suuqa ay u baxayaan hadda ee shaqadu uu yahay mid dedaal iyo karti dheeraad ah u baahan. Sidaa darteed, samir iyo dhabar-adayg looga baahan yahay. Ugu dambaynna u hogo-tusaalayso in aan noloshu hadyad ahayn ee halgan tahay. Haddii aad murti ku qotomi is tidhaana ku halkaas ku habboon waxa ka mid ah; “ Lama helo wadaadoow waxaan cidi ku hawshoone,
Naftaa
loo hantaaqaa, waxaad hiigso leedahay.” Tima-cadde.
3)In
aad hir u sawirto ay hiigsadaan.
Ugu
dambayn waxa aan ka xumahay in aan khudbadaha madaxweynuhu iidaan lahayn inta
badan barta sartu ka qudhuntay na waxa aan u malaynayaa in aan madaxweynaha
khudbadaha loo qorin. Gunaanadkii hadalkayga waxa aan ku talin lahaa in laga
fakero hadalka madaxweynaha cawaaqibka ka dhalan kara.