Mustaqbalka Siyaasada Somaliland!!! Cabdilaahi Hassan

Siyaasaddu maaha in gacantaadda wax ku jiraan oo aad shookaanta u hayso joojinta, leexinta iyo caydhinta Siyaasada- ee waa in aad fahmi karto mustaqbalkeedda ama sidda wax noqon karaan.

Eebe ragga uma simin hibooyinka kala duwan, ee nin weliba wax ayuu Alle ka siiyey.

Aragtidda,

Deeqda,

Dooda,

Geesinimadda,

Talada,

Iyo hogaaminta,

Somaliland Siyaasiyan xagee ayey ku socotaa? Ama  maxaa dhici kara?

Horta Madaxweyne Muse Biihi waa hogaamiyaha dalka oo ay u hadhay laba sanno muda xileedkiisa.

Cidda bedelaysa ee Madaxweyne Muse Biihi Cabdi kursiga ka dumaali kartaa waa Beesha Garxejis oo qudha.

Laakiin muxuu noqon karaa hamigga iyo mustaqbalka Madaxweyne Muse Biihi Cabdi?

Arinta ugu weyn ee Madaxweynahu yeeli karaa waa,

1- Korodhsi laba sanno, marka muddo xileedkiisu dhamaaddo,

2 inuu Kursigga Madaxweynahu la doono Madaxweyne uu Wasiir Saajin ku lamaan yahay,

3- inuu Wasiir Saajin laftiisa la doono hogaanka dalka oo waxsan Alle yiraahdo Garxejis,

4- iyo midda ugu danbaysa oo haddii ay muuqato uu shan sano oo kale Madaxweynahu soo rogaal celiyo.

Hadaba Beesha Garxejis oo maanta aan xuub caaro kursigga hogaanka dalka ka xigin ayaa tallo weyn u baahan oo laggu gaadhi karo hogaanka dalka.

Midda ugu mahiimsani waa tallo iyo midnimo Ismaaciil Shixisaxaaqa oo goolka dhalin karta ama laggu gaadhi karo hogaanka dalka.

Waan aaminsanahay in madaxweynaha maanta dabaddii in Kursiga hogaanka dalka inuu Garxejis taggo.

Laakiin suaasha isweydiinta mudani waxay tahay sidee ayuu Garxejis hogaanka dalka ku gaadhi karaa?

Waa laba amuurood oo ahmiyadoodda iyo miisaankoodda leh.

1- Xarago iyo sharaf,

2- Ama abtoow iyo u cumaamadid mid bilaa ilkaa,

Midda Xaragadaa ayaa ah in Garxejis kalsooni iyo taageero tolkood ka martiyaan oo qoobka iyo shafka Fardaha waxii horjoogsadda jidka kagga duwaan.

Midda kale waa abtoow iyo amuur aan durduro iyo damaashaad midna lahayn- oo loolan lafteeddu yeellan karta.

Arintu si kasta ha noqotee cida fursada dahabiggaa haysataa waa Beesha Garxejis oo darkana hormadiisu u leh maanta.

Taasi oo Somaliland waa Buul Shinbireede markii ay geleyeen Garxejis la soo gaadhey. Haddii ay u soo luudaan iyo haddii ay u soo yaacaanba, Beesha Garxejis hogaanka dalka iyagaa leh.

Qoladda Xisbigga UCID baayacaysa ee HJ waxaan leeyahay- Xisbi shaqaynayaa ma jiro ee tallo ayaa shaqaysa. Hogaanka dalka waa in laggu soo dhoweeyaa Beesha Garxejis goorteedda.

Haddii Saciid Sulub hadal deelqaafa oo Siyaasiya yiraahdo iyo haddii kale taasi ma duudsiyi karto Beesha Garxejis, waxii ay inagga filayaan ee taageero, kalsooni iyo awoodda.

“Beeshaa Garxejis”

Ee lagga hiiliyey,

Ee lagga hiiliyey,

Ee lagga hiiliyey,

Waar arligga rag baa nool- waxii khaldana ogsoon runtii.

Anigu Xisbiga UCID/ Wadani midna ma ahi- laakiin waxa tolkay u baahanyahay ayaan ogahay- oo ah hogaanka dalka maanta.

Rajadda Garxejis waa in la soo nooleeyaa- shalay ayey ahayd markii aan lahaa Kursigga hogaanka dalka Sacad Muse hala gaadhsiiyo.

Waar dalka waa la wadda leeyahay- Garxejisna waxaan leeyahay tolkayoow.

Anigu UCID iyo Wadani garan maayo ee tallo mideysan iyo go,aan midda ayaan idinka rabaa oo aanu idinkula dagaal gallo goorteedda.

Siyaasada Somaliland mustaqbalkeedu halkaa ayuu ku siqayaa maanta- ragga u feedhanaaya hogaanka dalka waa la yaqaannaa maanta.

Maxay ila tahay Madaxweyne Muse laba sanno oo kordhina haddii uu helo- inuu Qabaalka iyo Waadaanta ku wareejiyo Garxejis.

Si loogga wadda muuqdo hogaaminta Somaliland oo dalku u noqdo qori isu dhiib.

Waxaa xusid mudan in 1994 dagaalkii mashruuca, markii ay iskula qamaameen in Guriga Abdi Boodhle Burco aan hurdey.

Markii danbena Oodweyne ilaa Bederwanaag socodkayagu ahaa.

Tol baan u aqaannaa Garxejis qiimo badan runtii- laakiin kala Doorashaddii Muse Biihi iyo Cabdirahman Ciro. Reero la kala doortay May ahayn shalay.

Halla Doorto Garxejis, Si Somaliland la wadda leeyahay dalku u noqdo.

Abdilahi Hassan.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland