Nawaal Sacdaawi iyo 90 Sano Kaddib.

Waxa shalay dunida ka tagtay Nawaal Sacdaawi oo ahayd qoraa reer Masar ah oo muddo dheer buuq iyo muran ka dhex dhalisay dunida Islaamka.

Sida kol kasta oo qof dunida caan ka ah khayr iyo shar midkuu doono caan haku noqdee uu dhinto waxa baraha bulshada Soomaalida ka bilaabma muran ah in taageersan oo la dhacsan iyo in diiddan oo haaramaysa, waxa se runtu tahay qofna intii uu ahaa wax ka wayn ama ka yar inaanu ku noqonayn waxa laga yidhaahdo kolka uu dhinto.

Nawaal Sacdaawi way geeriyootay, waxa ay dhimatay iyada oo aan rumaysnayn dhimasho, waxa ay dhimatay iyada oo aan rumaysnayn wax geeri ka danbeeyaa inuu jiro, waxa ay dhimatay iyada oo diidday Ilaahay, diin iyo ciddii Ilaahay soo diray. Way dhimatay wixii ay la dhimatayna way la kulmi doontaa.

Nawaal Sacdaawi way dhimatay, waxa ay dhimatay 90 sano oo ay Islaamka la dagaallamaysay. 90 sano oo ay Xijaabka la dagaallamaysay. 90 sano oo ay xishoodka la diriraysay. 90 sano oo wax kasta oo diin xidhiidh la leh ay dagaal la gashay. Way dhimatay se Islaamkii, Xijaabkii, Xishoodkii iyo dhaqannadii wanaagsanaa oo dhami way hadheen.

Nawaal Sacdaawi way dhimatay, waxa ay ka dhimatay duni ay hablaha Islaamka ugu yeedhaysay waxa lagu magacaabo Feminism iyo loollan aan dunidooda Islaamka oollin, waxa ay ka dhimatay duni ay hablaha Islaamka ugu baaqaysay xorriyad ah in dharka la dhigto oo wax kasta oo dhaqan xumo ah oo maskaxdooda kusoo dhaca ay sameeyaan iyaga oo aan diin iyo dabar kale u eegayn, waxa ay dhimatay iyadoo saamayn badan ku yeelatay boqollaal ka mid ah hablaheenna Soomaalida ah oo qaarkood aan arkayay ilaa shalay iyaga barooranaya. Way dhimatay se waxa ay inna badday waxa innagaga daran waxa ay inna bartay.  #Hayaannews

Waxa ka sugan Nebiga Scw inuu sheegay qofku kolka uu dhinto in uu laba mid uun yahay ‘mid nastay ama mid laga nastay’ kolkii Nebiga Scw la waydiiyay waxa uu yidhi: “Addoonka Ilaahay rumeeyey dunida iyo dhibkeeda ayuu ka nastaa, qofka Ilaahay iyo diintiisa diidayna waa laga nastaa oo dadka, dalka, dhirta iyo xooluhuba way ka nastaan”.

Sidoo kale Rabbi waxa uu Qur’aanka innoogu jideeyey in loogu mahad celiyo dhimashada inta dhibka badan sida ku cad aayadda :

فَقُطِعَ دَابِرُ الْقَوْمِ الَّذِينَ ظَلَمُوا ۚ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ (45)

Dunida way ka socotay Nawaal, waxa ay la kulmi doontaa Ilaah caddaalad badan. Dhib iyo dheef wixii ay dunida gaysatayna abaalkeeda way heli doontaa, se waxa muhim ah in qofka Islaamka ahi isaga oo isleh yaan lagugu shaanbadayn diintaada iyo dhaqankaaga inuu cid kasta oo la buunbuuniyo ama dunida gaalada iyo gaalo raacyada macno ka leh inuu iska daba galo.

Nawaal Sacdaawi 90 sano kaddib dunida way dhaaftay, culays iyo dhaqan xumo badanna way kala tagtay, Islaamka iyo ehelkiisuna gar ayay u leeyihiin in ay ku farxaan, kitaabka Alle iyo sunnaha Nebiga Scw ee sidaas inna faraya ayaana ka mudan baqashada laga baqanayo waxa dadku kaa odhanayaan.

Ubadkeennii bidixda wax ka qori jiray ee qof aan naxariis iyo diin rumaysnayn la daba ordi jiray wax aanu rumaysnaynba bal barahooda soo booqda waxa baroor ka dhacaysa.

War caddaaday.

Xigasho Xamse Cumar Kujoog

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland