Ninka Dunida Ugu Dheer Oo Guurmeer Ugu Socdaalay Dalka Ruushka

Ninka dunida ugu dheer ayaa guurmeer ugu socdaalay dalka Ruushka. Suldaan Kosen oo 39 jir ah ayaa uu diiwaanka Caalamiga ah ee ‘Guinness World Record’ u aqoonsanyahay qofka ugu dheer aadamaha dunida inta maanta nool, kaddib markii uu dhererkiisu dhaafay laba mitir iyo badh (2.51 mitir).

Suldaan Koosen oo isir ahaan ka soo jeeda qoys beeraley Kurdiyiinta Turkiga ah, ayaa sannadkii 2013 guursaday Meerfe Dibo oo ahayd 29 jir u dhalatay Suuriya oo dhererkeedu ahaa 1.75 Mitir, laakiin dhowr sano kaddib ayaa ay kala tageen. Mar uu sababta ka hadlayna waxa uu sheegay in dhibaatada u weyni ay ahayd isfahamkii iyo xidhiidhkoodii oo adkaaday maadaama oo ay gabadhu ku hadlaysay Carabi keliya, isaguna afka Turkiga oo keliya garanayey.

Suldaan Koosen waxa uu markan go’aansaday in uu raadiyo gabadh cusub, waxa aanu damacu ka galay qalanjooyinka Ruushka oo uu dartood u tegey magaalada Moosko. Isaga oo sheegay in uu war ku hayo in dumarka Ruushku ay aad u qurux badan yihiin, kalgacal iyo jacaylna hodan ku yihiin. Sababta kale ee uu Suldaan sheegay in uu ku doortay dumarka Ruushku waa in ay jecelyihiin ragga anshaxa badan, isla markaana xiisaha ku abuura Haweenka. Isaga oo intaas ku daray in gabadha Ruushka ahi haddii ay ninkeeda jeceshay in aanu jacaylkaasi abid ka guurin. Waxa aanu hoosta ka xariiqay in uu doonayo in uu dhalo wiil iyo gabadh keliya.

Suldaan Isaga oo yar ayaa ay ka soo baxday buro saamayn taban ku yeelatay qanjidhka Bituwitary (Pituitary gland) oo ku yaalla xero lafo ku meersanyihiin oo maskaxda hoosteeda ah, taas oo ku keentay xaaladda loo yaqaanno ‘gigantism and acromegaly’ oo xaaladda hore oo inta badan carruurnimada dhacda ay sababto korniinka dhererka qofka oo inta caadiga ah dhaafa, xaaladda labaad oo inta badan dhacda marka qofku qaangaadh noqdo ee korniinku istaagi lahaana ay sababto in waaxyaha qofku si aan caadi ahayn u weynaadaan, sida gacmaha, iyo cagaha.

Kamaal Marjaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com