Nuxurka Kulan Dhexmaray Ururka Saxaafadda Soomaaliyeed FESOJ Iyo Ra’iisal Wasaaraha Cusub

Muqdisho(Hayaannews): Markii uu soo galay Raisul Wasaare Rooble  qolkii kulanka ka dhici lahaa  oo aan horey u sii fariisannay ayaa salaanta islaamka kadib waxa uu Ra’isul Wasaaruhu soo jeediyay in aan faataxada maranno si uu kulankeena abshirta iyo wanaagga inoo wada waafajiyo .

Intaa kadib waxaan gudda galnay kulankeenii qorsheysnaa ee RW iyo ururada saxaafadda . Sidii  dhaqankuba ahaa soo dhaweyn Ra’isul Wasaaraha cusub ka dib ,waxa aan si aad ah u jeex jeexnay cabashooyinka iyo culeysyada hesta saxaafadda maanta sida xariga iyo tacdiyada kale ee mar mar dhaca iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in xukuumadda in xal wada jir ah loo helo wax ka qabashadooda ,xilli waliba dalku uu doorasho aadayo.

Ra’isul Wasaare Rooble oo sida iiga muuqatay inuu soo tufayay hadallo kal iyo laab ah oo qalbiga ka soo go’ay ayaa sheegay in uu shaqsi ahaan aaminsan yahay in saxaafaddu ay tahay laf-dhabarta dowlnimo ,sidaa awgeedna xukuumaddu ay xoogga saareyso in wax ka qabato cabashooyinka la sheegay iyo guud ahaan damaanad qaadka xorriyada hadalka iyo tan warbaahinta .

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in waarbaahintu dhankeeda ay saaran tahay masuuliyad weyn loona baahan yahay in ay sheegaan xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira si madax bannaan balse aaney male-awaal iyo ku yiri kuyeen sal aan laheyn aaney wax ku marin habaabin . Waxa uu tusaale u qaatay in uu arkay Website-yo wax ka qoraya goob uu ka hadlay oo umadda u gudbinaya wax ka duwan wixii uu sheegay oo duuban ,lana heli karo.

Xukuumadda RW Rooble waxaa ku jira afar xubnood oo ahaa wariyayaal hore sidaa awgeed ,wax ay warbaahintu rajeyneysaa inuu kulankaasi ahaa “Billow Barako ” oo dhamaan aan isaga kaashan laheyn sidii loo abuuri lahaa jawi iyo is faham iyo wadashaqeyn saamaxda in warbaahintu ay hesho deegaan nabdoon oo ay ku shaqeyso ,dalkan horumarkiisa iyo wanaagiisa loo wada istaago.

Maxamed Ibraahim Macalimuu

Xoghayaha Guud ee Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed.ee FESOJ

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com