Qaska Siyaasadda Somaliland: Ururro Furis Mise Kordhis Doon?

“Qofac lagama karo ruux haduu, qaaxo leeyahay” Timacadde.

Somaliland waa taas isla oogsatay. Sawaxan siyaasadeed iyo muran qaanuun baa socda. Ururro ha la furo iyo maya, ayaa mushkiladda inteeda muuqataa ka joogtaa, ujeedku se xoog buu u ga shisheeyaa intaas. Buuqa haatan taagani inta uu ururro furid ku saabsanyahay, waxa xoog u ga badan inta uu ku saabsanyahay dib-u-dhigidda doorashada November 2021 qorshaysan. Taasi waa xaqiiqo ban-yaal ah, xoog na looga dheregsanyahay. Degmada kuma cusba nin xilkii la saaray iyo wakhtigii la siiyay dhamaystay, oo hadana dheeraad ku doonaaya si gurracan – Qufac lagama karo ruux haduu, qaaxo leeyahay.

Dabcan Muuse iyo cid xukuumaddiisa ka mid ah toona lagama hayo ilaa haatan, dood ah kordhis doon, amaba dib-u-dhigid doorashadii madaxtooyada ee November, laakiin hadana waxba ma qarsoona. Eeg, hanaanka furidda ururada loo maraayo, iyo hawshii doorashada madaxtinimada oo ay tahay in ay bisha sanadka 2022 u horaysa bilaabanto, sinaba isuma garab socon karaan farsamo ahaan, waana midkood in la tuuro. Sidaas darted, cid kasta oo furitaanka ururada hadal haysaa, waxa ay si toos ah u leedahay doorashadii madaxtinimada dib ha loo riixo, Madaxweynaha ayaana u gu horeeya. Qof kasta oo yidhaahda ururada waa la furayaa, doorashadii na waa halkeedii, waa beenlow badheedhaaya, ama wuu ciyaarayaa. Intaas hadii aynu isla garanay, waxa cad Muuse oo ah qofka curiyay doodda ururada in la furo, ujeedkiisu ururro doon in aanu ahayn. Sidoo kale, mucaaridka oo taas xoog u diidan na, ujeedka diidmadoodu ururro diid uun ma aha. Labadaas ujeeddo ayaa is hirdiyaaya, mana aha wax ku talagal la’aan ku dhacaaya.

Hadaba, marka ay xaaladdu kobtaas taagantahay, laba waydiimood baa meeshan ku jira – (1), Is bedelka weyn ee Muuse ku kelifay in uu galo khaanadda ururro-furasho doonka, taas oo shan bilood uun ka hor uu si adag u diidanaa oo cadaynteeda la hayo, maxaa hadda keenay? Iyo (2), jujuubka hadda taagan iyo is muquuninta siyaasadeed maxaa ka dhalan kara? Waydiinta hore jawaabteedu ma adka, dhacdooyinka horteena yaalla ayaana ka jawaabaaya. Muuse intii uu xafiiska joogay, waxa uu u shaqeeyay si gebi ahaanba ka gedisan curfigii wadanka ka jiray, iyo si ka baxsan caam ahaan curfiga siyaasadda. Muuse waxa uu muujiyay dabci ah in uu keligii isku filanyahay, waana mid aan siyaasadda xisbiyada ku dhisan marnaba iyo meelnaba ka dhicin.

Dadkii isaga taageeray ee kursiga saaray, ayuu sabab iyo sabab la’aanba u la dagalamay, Khasab buu na mucaarid kaga dhigay. Tasarufka noocaas ah waxa ka dhashay hal natiijo – mucaaridkii uu Muuse dadaalkiisa ku samaystay, iyo mucaaridkii hore ba u jiray oo jiibta iyo jaanta isla helay. Taasi waxa ay keentay saddex xaqiiqo – doorashadii May 2021 natiijadii ka dhalatay oo Kulmiye aan u wacnayn, tartankii loo galay Gudoonka Baarlamaanka oo uu Kulmiye lumiyay, iyo u gu dambayn, natiijadii ka soo baxday shirwaynihii Waddani oo Muuse ku noqotay filan-waa, xisaabtii na ka qaladday. Intaas waxa dheer shirkaas laftiisa oo ay ka soo muuqdeen dhamaanba jimanka dhinaca siyaasadda ee Muuse uu ka cawdubilaysto. Intaas oo la isku daray Muuse waxa ay soo hor dhigtay hal xaqiiqo, taas oo ah toban bilood ka dib in aanu doorasho madaxtinimo geli karayn.

Kolkaa muxuu sameeyaa? Miyuu ka hadhaa doorashada, mise sidaas buu ku galaa? Kolkii uu tashi isugu laabtay, talo waxa ay kaga ururtay in uu si kale yeelo. Halkan weeye Meesha ay ka dhalatay fikradda furista ururadu. Ururada la furaayo Muuse waxa uga dhex muuqda doorashadii November 2022 oo dib u dhacaysa, iyo tan ugaba sii muhiimsan oo ah, in urarada la furaayo uu ka dhalan doono waaqic siyaasadeed oo uga fiican midka hadda jira. Tusaale ahaan, waxyiga cusub ee Muuse ku soo degay waxa uu sheegayaa, in xisbiyada hadda jira iyo shakhsiyaadka hadda suuqa siyaasadda ku jira oo dhan uu Meesha ka saari karo, kuwo isaga uga wacan na ay soo bixi doonaan. Sidaas ayay Muuse iyo inta ka ag dhow la tahay, in ay tiisa noqoto ayuu na doonayaa, dadaalkisii na wuuba bilaabay.

Kolka ay sidaas tahay, su’aasha lama-huraanka ahi waa tan – jujuubka hadda taagan iyo meel-marinta damacca Muuse maxaa ka dhalan kara? Mucaaridku tanaasul ma samaynayaan si aanu madaxweynuhu u xanaaqin? Sida aynu kor ku xusnay, mucaaridka Muuse, mid hore iyo mid cusub ba, ujeedada odayga si wacan ayay u ga dheregsanyihiin. Doorashada madaxtinimada oo dib loo riixo, iyo uraraddii oo la furo, mucaaridka waxa ay ku tahay dil toogasho ah, dabcan dil la hubo na, cidina ma u fadhiyi karto. Koonaha uu mucaaridka geliyay ma aha mid u saamaxaaya xataa in ay in yar oo tanasul ah sameeyaan markan. Xaalku jiq buu isku yahay, xal aan ahayn in uu Muuse dib u gu laabto wixii la isku ogaa na ma jiro. Ururada waa la furi karaa, laakiin waa in furitaankaasi aanu sinaba Meesha u ga saarin doorashadii November, labadaasi na sinaba isuma waafiqi karaan.

Xaaladda taas ah, iyo damacyada kuwaas ah, waxa ka dhalan kara dabcan qalalaase siyaasadeed, mid dhaqaale iyo xataa mid amni. Qalaasaha siyaasadda waxa ka mid ah, tusaale ahaan, in mucaaridku ay ku baaqaan shirar qaran, oo lagu jeexaayo masiir cusub. Saaxaddii lagu shaqaynaayay kol hadii uu Muuse xidho, waa in saaxad siyaasadeed oo cusub la abuuro. Dhinaca amniga waa suurow in carqalado ka abuurmaan hadii is mariwaagu sii jiitamo, hore na waa loo arkay. Waa la ogaa horaantii 2016, kolkii musharaxnimada Muuse ee Kulmiye ay mugdiga gashay, magaalada Hargeysa in ay qaraxyo shaani loo bixiyay ka dhici jireen. Shaanidaasi ma ahayn mid Shabaab, ISIS ama Al-qaacida ay tuurtay. Wixii ay ahayd, ciddii tuuri jirtay iyo sababihii keenay ba waa la garanayaa. Farmaajo markii uu sheegay in uu laba sanno kordhistay, wixii qalalaase ka dhashay waa la garanayaa. Qalalaase aan siyaasad ka bilaabmin meelnaba caalamka kama dhaco, waxa se nacasnimo ah, qalalaase laga baaqsan karo oo loo badheedho.

Gebagabadii, sida tasarufkiisa ka muuqata, Muuse waxa ay la tahay in hadba sida uu doonaa uuni ay sax/sharci tahay. muddo aan sidaas u badnayn ka hor (July 2021), Muuse wuu diidanaa furista ururada, imika na isaga ayaa u ololaynaaya. Labada jeer ba sax buu isu arkaa, in sax loo arko na wuu rabaa. Muddo yar horteed, doorashada madaxtinimada in dib loo digo ma ogolayn, imika na dib-u-dhig buu ka shaqaynayaa, marka hore iyo marka dambena, sax buu isu arkaa, ama in sax loo arko ayuu doonayaa. Marka ay sidaas tahay, muranka haatan taagani hadii uu ku dhamado sida uu Muuse doonaayo, taas micnaheedu waxa weeye shaki-la’aan, in aanay jiri doonin caqabad dambe oo ka hor timaadda. Keligii ayaa tiyaatarku u banaanaan doonaa, wixii ay hadba la noqoto ayuuna si sahlan u socodsiin doonaa. Xataa Somaliland waxa uu u bedeli karaa Boqortooyo u diganta tan Aalu-sucuud. Dadka SL ku dhaqan iyo wadankaba in Aalu-Biixi loo bixiyo waxba kagama gudbana. Damac nin keliyi leeyahay, oo wax kasta oo la isku ogaa iska garab mara, in badan baa hore loo arkay, in badan baana la eeday. Taariikhdu wax ka barasho ayay rabtaa.

Mohamed Haaruun

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com