QISO CAJIIBA: “Waryaadheheen Kii Kale Ayaaba Raagay” Abwaan Sidiiq Burmad

Ninka xanuun shaki ah ayaa si daran u hayay.

xaaskiisa oo xilo janno ahayd ayuunbuu habeen iyo maalinba is tusaa in ay xumaan samayso, oo waliba guriga ay ku dhex samayso.

Boqol goor ayuu ehelka iyo asxaabtaba cabasho iyo dacwo ugu tagay. Marar dhowr ah way soo raaceen, wixii uu sheegayay se ma arkaan.

Xitqq saldhigga booliska caan ayuu ka noqday oo way barteen ninkan shakisan ee wax cad oo ay ugu garaabaanna aan haynin.

Qol dibadda gurigiisa ku yaalla oo dukaana oo uu isagu leeyahay ayuu iibiyaa.

Waxa jira albaab qolka dukaanka xagga danbe ku yaalla oo guriga reerkiisa lagasii galo.

Waa maqrib, dhowr dumar ah oo gaas, sonkor, roodhi iyo waxyaabo kale adeegoodu u badan yahay ayaa u taagan in uu ka iibiyo goor waswaaskii qanjaha joogo.

Waa xilliyada uu ugu shaki badanyahaye sidii caadada u ahayd waxa is tusay ama uu is moodsiiyay in nin uu albaabka kasoo galay oo uu soo dhexmaray dukaanka kana baxay albaabkii danbe ee gudaha aqalka reerkiisa tagayay.

Wakaa dhiigu ku kacay.

Dumarkii way la hadlayaan “waar gaasta isii, roodhidii moofada mahaysaa, xaafayad keen, waar dee hadal, waar wax naga iibi”

Intaa ka badanse isagaa isla hadlaya oo dhawaqooda dhegi uma bannaana.

kolba gees ayuu u hollanayaa, dhanka albaabka danbe ayuu u dhaqaaqayaa, ka daba gal ayuu is odhanayaa, dib ayuu usoo noqonayaa, wuu baaxaa degayaa.

Aakhirkii waxa uu go’aansaday in aanu lumin fursaddan ee uu dad la arka oo ka markhaati noqda dulkeeno.

Albaabkii dukaanka oo furan, dumarkii oo wali hor tuman, dalabkii oo wali laga sugayo ayuu dibadda markaliya taw u yidhi isaga oo waji dhiilaysan oo dhagaraysan leh.

waxa uu markiiba gaadhay saldhigii booliska oo aan kaba fogayn.

Waxa uu soo dul istaagay dhowr askari oo aanay isku cusbayn warkiisana ka dharagsan “ ilmaadeerayaal malaha nin waalan ayaad ii haysataan ee waxii aan idiin sheegayay kaalaya imika indhihiina kusoo arka”

Ciidankii oo markan is yidhi malaha nin dhibaataysan ayaad qaladfahanteen ayaa raacay.

Dukaankii oo cidlo ah, dumarkii wax iibsanrabayna iskaga kala dareereen markii ay kadinkiisa soo gaadheen ayuu ninkii bacaysnaa ciidankii ku yidhi

“haddii aynu wada galno guriga shanqadha socodkeena intay sii maqlaan ayay kala boodi doonaane midkiin horta ha u galo isagoo sanqadhtiranaya”

Sidii ayay sameeyeen oo askartii mid ayaa gurigii galay. ninkii iyo labadii askari ee kalana kadinka ayay beerka dhigeen sidii rag furin dagaal safka hore kaga jira.

Markii ay kaabadii beerka u jiifeen illaa shandaqiiqo ayuu ninkii mushakiga ahaa oo is hayn kari waayay la hadlay labadii askari ee dhufayska kula jiray waxaanu ku yidhi

“waryaadheheen kii kale ayaaba raagay”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com