Ramadaanku
waxa uu fursad u yahay Muslim kasta, waxaa uu fursad u siiyaa inuu ka mid noqdo
Mutaqiintii Illaah jeclaa, oo waxaa u siman Caalimka Iyo Caabidka in ay ka faa’iidaan,
waxaana uu Illaah u yaboohay qofkii Ramdaanka fursadahiisa ka faa’iideysta inuu
gaadho darajada ah
Ramadaanku
waa fursad lagu toosiyo nafta oo aan lacag kuugu fadhin, waa siminaar tarbiyo
ah oo aan kaaga baahnayn inaad u safarto, waxa uu fursad u yahay kan naftiisa
Balwada daalisay ee hanan waayay, oo waxaa uu uga faa’iideysan karaa inuu ka wada
hadho noocyada balwadaha oo dhan maadaama uu fursad u helay inuu Soomo maalintii,
waxaa uu isku dayi karaa sidaas oo kalena inuu Habeenkii ku mashquuliyo
naftiisa Salaad iyo cibaado kale, waqtiga u soo hadhana jiif uga faa’iideysto,
waxaana dad badan oo Balwado lahaa la hubsaday in ay kaga daawoobeen Bisha
Ramadaan markii ay si wanaagsan waqtigooda uaga faa’iidaysteen.
Waxaa
uu Ramdaanka sidoo kale Fursad u yahay ruuxa ka gaabin jiray Sunnooyinka
Rawaatibta ah iyo kuwa kale, maxaa yeelay waxaa uu Ramadaanka inta lagu jiro
helayaa Muslimka sooman jawi ku Saacida inuu Naftiisa ku Xakameeyo Kheyrka
noocyadiisa kala duwan, waxaana xasuusin mudan Qiyaamaha marka la tago oo la
xisaabinaayo Muslimka waxa ugu horeeya ee laga Xisaabiyaa waa Salaada Faralka
ah, hadii Salaadiisa wax ka dhinaadaana waxaa la fiiriyaa Sunnooyinka Raacsanaa
salaada taas oo kab u noqota haduu la imaan jiray sida uu noo sheegay
Nabigeenii Suubanaa (naxariis iyo nabag aalaha yeelee).
Ramadaanka
waxaa u fursad u yahay kuwa ka hijrooday Kitaabka Qur’aanka akhrintiisa, in ay
dib isu saxaan kana faa’iideystaan jawajiga wanaagsan ee Ramadaanku Xambaarsan
yahay, Maxaa yeelay Maalmaha Soonka waxaa uu Muslimka Sooman helaa Fursad iyo
Awood Cajiib leh taas oo u suuro galiso Maalin kasta Kitaabka inuu waqti badan
ku bixiyo, maadaama lagu jiro Bishii Qur’aanka, waxaana xasuusin mudan Xaraf walba
oo qur’aan ah oo uu Ruuxa akhriyo inuu ku helaayo 10 Ajar, taas oo kobcineysa
Iimaanka Muslimka siineysana Karti uu Sanadka intiisa kale ku dhaqdhaqaaqi karo
kheyrkana uga faa’iideysan karo.
Ramadaanku
waxa uu Fursad u yahay Gabadha Muslimka ah ee xoogaa ilow iyo dabaca lasoo
gudboonaaday ee Xijaabka dabcisay ama Xijaabka ka tagtay inay dib isu
Xisaabiso, soona Ceshato wanaageedii, kana faa’iideysato Nicmooyinka Ramadaanka
ka Buuxa inta aanay dhamaan fursadan aan damaanada loo heysan in dib inoogu soo
laaban doonto.
Ramadaanku
waxaa uu Fursad u yahay kuwa taleefoonada iyo Inter netyada xumaanta u adeegsan
jiray in ay Naftooda ku xakameeyaan Bishan Barakeysan kana dhowrsadaan
waxyaabaha aan Aduun iyo Aakhiraba wax u tareyn, amaba Dembiyada khatarta ah
dadka u jiida, waayo waxaa badan dambiyo la yaraysto laakiin albaab u noqda
dembiyada kuwa ugu waa weyn, oo waxaa la yidhaahdaa buurahaba waxay ka
sameysmaan dhagxaanta quruuruxa oo isu tagtay.
Ramadaanka
waxaa uu fursad u yahay kuwa u bartay nolosha barwaaqada ah in ay ogaadaan
Baahida xanuunkeeda, taas oo dhaxashiisa in ay u dhibriyaan kuwa bahaan ee
gaajada ku noolaa Sanadka oo dhan, taas oo ku dhalisa in ay Quudiyaan
masaakiinta xoolahoodana wax ka bixiyaan, islamarkaana illaah (cw) ugu mahad
celiyaan Nicmooyinka uu ku galadaystay.
Ramadaanku
waxa uu fursad u yahay kuwa Naftooda ku mashquulisay Fidnada iyo Daadinta
Dhiiga ee ku hawlan Barakicinta Masaakiinta Muslimiinta ah ee 20ka sano
Dhibaatada ku jiray inay xisaabtamaan oo ay ka Soomaan Xumaanta sida ay uga
Soomeen Cunadii iyo Cabitaanadii xalaasha ahaa, waxaa la yaab leh ruux
Xalaashii uga tegay Soonka Dartiis Xaaraantiina raba inuu ku Cibaadeysto Soonka
dartiis, waa la yaab in laga Soomo Cuntadii ee aan laga Soomin Dhiiga
Muslimiinta ee weliba Cibaado la Moodo.
Hadaba
Si aan uga Faa’iideysano Fursadaha Bisha Ramadaan waa inaan la ku Dadaalnaa arrimaha
Soo Socda:
1-waa
in aan u degdegnaa Towbad keenida Illaahna Dembi dhaaf ka dalbanaa maxaa yeelay
waa bil dambiyada la dhaafo.
3-Waa
inaan go’aansanaa inaan ka faa’iideysano Bishan camalada suuban oo dhan ku
dadaalnaa.
4-Waa inaan sameysanaa jadwal maalmeed aan ku xisaabino Nafteena oo aan ku
xakameynaa.
5-Waa
inaan oganaa in Ramadaanku yahay Maalmo kooban oo aanay sahal nagu dhaafin
habeen iyo maalinba.
6-Waa
inaan u guntanaa inaan ka dhigno halkan Ramadaan mid u dhigma xaga Ajarka
Ramadaano badan, taas oo ku imaan karta inaan uga faa’iidaysano si walba kaalmo
la siiyo masaakiinta, in la afuriyo kuwa aan haysan, in la xidhiidhiyo eheladii
iyo in waqtiga aad loo ilaashado iwm.
7- Waa inaan Bishan ku weyneynaa akhrinta Quraanka watiga badankiis maadaama Bishan ay la leedahay Qur’aanka xiriir gaar ah.