Rarkii Halista Ahaa Ee Qosol Gariirka Ku Ridey Ciise Muuse

Weli shixmad halis ah ma soo raratay, adiga oo aan ku talo galin? Waxa aannu shalay ka soo baxney casar gaaban marsada Berbera. Waxa aannu nahay shaqaalihii

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

qaar ka mid ah, gaar ahaan, Sheekh Maxamuud Sh Dalmar,

Esse Musse

[Ciise Muuse Adan], Tirsit Yetbarek iyo aniga. Wax aannu sidannaa hadiyad qaali ah, Jalxad dhoobo ah oo gabowday, gabaowday, oo uu Cabdikariim Aadan Siciid, oo u ah saaxiib dhab ah Xaruntu, uu u hadiyeeyey Qolqolka Shaxanka ee Xarunta Dhaqanka.

17: 20 Waa casar liiq ay cadceeddu ku samaysay casuus labada buureed ee galbeedka kaa qabta kolkaad jidka Berbera-Hargeysa marayso, oo ay dhexdooda ku sii libdhayso. Waxa aannu aniga iyo Dalmar faallaynaynay sidii iyo goortii la sameeyey heestii “Mar cadceeddu liiq tahay, legob iyo fallaadho leh, oo laba daruurood, laacaaya mudh ah iyo, caad lagu lixgaxay iyo, cirku liidad leeyahay, sida laba is jecel oo, laydhsanaaya fiidkii, kalgacayl ku looloo, laacdamaaya caashaqa”, heestaas oo ay qaaddo Khadra Daahir Cige. [https://www.youtube.com/watch?v=43aKRqGn1m0]

17:22 Xammaas kolka aannu marayno ayaa Ciise Muuse oo waday gaadhiga uu dareemay madax noole oo ka soo baxaya, kolkna ku noqonaya kawarka gaadhiga. Waa mas ciideed. Waanu istaagney, kawarkii ka qaadnay gaadhiga, oo is nidhi hubiya. Sheekh Dalmar dhagax ayuu qaatey. Ciise wuu qosley. Tirsit way oydey. Aniguna ul baan soo qaatey si aan gaadhiga uga tuuro maska, isaga oo badqaba, oo aannu halaqaas u kala badbaadno.

Waa mas aad u wayn. Madaxiisuna cas yahay. Inta kalena cawlaan tahay. Midhiq ayuu hoos u yidhi kolkaan qoriga ku taabtay oo gaadhigii naga ga dhexdhuuntey isaga oo cadhaysan. Talo faraha ayay ka haadday. Waa geeri-go’an, gaadhigiina la gu ma noqon karo, maskii na waa uu ku jiraa, cadceeddu na way sii dhacaysaa. Haddana aad baannu xaaladdayada qasan ugu qosolnay. Ma hubo in uu qosol gariir ahaa.

Tirsit way engegtay naxdin awgeed. Ciise wuu qoslayay, si xoog ah oo uu u ilmeeyey. Aniguna waxa aan waydiiyey Sheekh Dalmar, “Sheekhow maxaynu akhrisannaa xaaladdan oo kale?” Sheekh Dalmar wuxuu yidhi “Yaasiin Sheekh Dalmar baa arrimahan iga yaqaannay e, xilliga waydiin kari mayno oo wuu warwarayaa,” laakiin iga daba akhriya intan: Bismillahi Raxmaani Raxiim. Bismillaahi Ladii, Laa Yadurru, Maca Ismihi, Shay’u Fil Ardi; Walaa Fi Saami; Wahuwa, Asamiicul, Al Caliim. Sidii baannu yeelnay. Waanaannu soo dhaqaaqnay.

18:19 Kolkaannu aannu soo gaadhnay Abdaal. Waxa aannu u baqannay askartii kontoroolku in ay kawarka gaadhiga taabato oo uu naxdin ku saydho masku. “Ka fogaada” ayaannu ku nidhi. Dukaankii u horreeyey ee aanu istaagnay baannu waydiisannay Abu Faas. Midkiiba xabbad Abu Faas ah buu ku maydhay, kor iyo hoos. Waannu soo dhaqaaqnay. Intii aan jidka ku soo jirneyna talo ayaannu raadsannay.

18:37 Taladii degaanyahaynka: waxaan la soo hadlay

Ahmed Ibrahim Awale

[Axmed Ibrahim Cawaale]. Wuu nagu qoslay markii hore. Kolkii danbe ayaan ku idhi waannu akhrisannay duco e hannoo ducayn uun e noo sheeg talo kale. Kuye ducadiinnu waa “Saalasaalee Wallee Saakaanan Kaa Hadhin”. Waannu sii qosolnay in ka badan intii hore. Haddeer gabalkii waa dhacay. Taladiisu waxay noqotey gaadhiga meel magaalada ka baxsan geeya, oo sidaa ha ku babaado masku. Annagaa badbaado rabnay, ayay tidhi Tirsit, isna maska badbaadi ayuu leeyahay. “Naga tag dheh” ayay tidhi.

18:46 Taladii ehelka: waxaan la soo hadlay Ayaan Cashuur. Way nagu qososhay. Waxay saddex jeer tidhi “Salaamaat”, anna waxaan ka daba idhi “min kullu aafaat”. Markii danbe kute: Allahaa Alle hadduu yahay gurigayga gaadhigaa iyo shixnadda saaran ha ii keenin, ee meelaha kaga tag gaadhi oo ka soo lugee.

19:00 Taladii shaqaalaha Xarunta: Taxa WhatsApp ka ee Xarunta ayaan soo dhigay qaylodhaan. Shaqaalihiise badankoodu aad bay noogu qosleen. Hadalkoodii waxa uu ku soo gabagboobay “Halloo duceeyo, halloo duceeyo” hees u eeg. Taladaas oo Id Xasan soo jeediiyeyna way ka sii qoslisey ciidankii Xarunta.

Saaxiib kale intuu nagu qosley, ayuu yidhi “waxa aad dhar haysataan oo dhan cagaha ku duubta, si hadduu idiin qaniino ay micidu isugu taagto dharka, islmarkaana sharabaaddada sare u soo jiida oo ka kor mariya surwaalka.” Sidii waan yeelnay. Saaxiib kalena intuu nagu qosley ayuu yidhi “reerka idiinku horreeya ee tuulada deggan neef yar oo xoolaha ka soo qaata oo gaadhiga saara, neefku wuu baqayaa, oo ciyayaa, maskuna cida neefka yar ayuu soo raacayaa, wuu cunayaa, idinka waxba idin ma yeelayo”. Sidaa maanaan yeelin. Saaxiib kalena waxa uu nagu canaantay in aannanu dhagax yar faraqa ugu soo xidhin Tirsit, intantii kaliya ahayd ee nala safraysay. Waannu ku qosolnay.

Taladii waayeel waxa ay noqotey gaadhiga ku shida Malmal inta aad bannaan dhigtaan. Laydhna hareeraraha kaga shida, kolka uu soo baxo Masku dila. Annaguna waxa aannu go’aansannay in aannanu waxba dilin, haseyeeshee, talada qaadanno oo gaadhiga malmal u shidno. Waxa aan la soo hadlay Nimco Xasan, oo aan ku idhi noo soo iibi Malmal, dab aad u xoog badanna sii shid.

20.05 wax aannu nimi guriga. Kuma aannanu guulaysan in aannu ka soo saarno Maskii gaadhiga, malmal badanna waannu ku shidnay, gude iyo debedba, sida uunsiga loogu shido guryaha.

Qalinkii: Jama Musse Jama

#Hayaannews, Office

Hareysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com