Riwaayad Ay Metelayaan Ucid Iyo Kulmiye (Abdi-Shotaly).

Halkan waxan saaka idiinku soo gudbinayaa, shirkii ay wadda jir u galeen, madax ku sheegta labadda xadhig-maran ee Kulmiye iyo Ucid,

sheekaddii munaafaqadda ahayd ee dhex martay, shir-kaas oo ku saabsanaa, siddii ummadda ceel kun baac qodan ay ugu ridi lahaayeen, aakhirana ugu diri lahaayeen aakhiro. Halkaasna waxa la martay, kuna keliftay in ay sidaas yeelaan, Xusbiga Mucaaridka ah ee waddani in ay iska kaashadaan, siddii ay xiniinyaha u qaban lahaayeen, jarna uga tuuri lahaayeen, iyaka oo ku talliyey, in aanu mar dambe soo bixin, laakiin Kulmiye iyo Ucid ay gacanta is qabsadaan, iyaka oo komishan ku sheega lagu dhejisan yahay la garabsa-naaya, hadaba yaanan kugu dheerayne, waa tan dooddii oo uu furaayo askariga la yidhaaho “Raggii Ma Adigaa ka hadhay”, oo riwaayadda ku metelaayan ” Hanmdaraab”

* Handaraab:- Faysalaw anigu siddii siilaanyo “Uf” ku odhan maayo, kol-oklsewaan kaa yaabaa, oo adiga oo aan is soo marin, baa marka intii yaratd ee hore kaa dhamaato, aad war-baahinta igala fuushaa, ee adoon qaylin markay kaasoo dhamaa-nayso halkii aan isla ogayn ii soo mar, aan kuugu soo shubo Zaadka’e.

* Faysal Zaad:- Kkkkkkkkk, Markaan mudo kaa war sugo, ee aad sooba juuqi waydo, baan is idhaahaa, waa askariggii aad taqaanay oo wacad ma lahee, sare u qayli, oo baraaruji, si uu uxasuusto, in wakhtiggii la gaadhay, ilayn dhuuntii baa engegtaye, oo waxan ahay naf-la-caaride.

* Handaraab:- Ha ha ha ha. sidaas lama sameeyo, ee kuwii aynu isla naqaanay, baa hoosta laga soo diraa, oo la yidhaahaa, ku dhaha, odayggii Faysal Zaad Madaxa buu maalmhan-ba xoqonaayey, oo waa lagu sugayaaye soo dhakhso ku dheha.

* Faysal Zaad:- kkkkkk, waad og-tahay anigu in aanaan kursi iyo hawshii mid-na aanan filanay-nine, ee aan adiga dantaadda siyaasadda ugu jiro. Adiga baan kaa reebayaa beelaha ” Gabooye, Mataanaha, Samaroon, Ciise iyo Harti, ee maxaad ii haysaa saakaa.

* Handaraab: Hahahahaha, Hadba meel hoo doonaysa hadal wax kama taree, ee inta aan la isku soo keen gaadhin, ina kala gaxee, oo sii mar dahab shiil, waana inoo mar kale, ee heshiiska nala dhamays tir.

* Faysal Zaad:- kkkkkkkk, Dee waa sidaas, faro aan dufan lahayni wax maduugaane, waa inoo balan, wakhtigana la soco, waxad ii dhiibtay inta ay shaqayn karaan, haddii kale calool madhani way qayli-naysaa, ee sidaas ogaw.

* Handraab: Hahahahah, Horta Faysal Zaadaw, mar-mar baad wax garad tahay, laakiin markaad taageerto Waddani oo wax-ba gacanta kuu saarayn, baan kula yaabaa.

* Faysal Zaad:- Kkkkkkk Dee Handraabaw, M ar-mar baan is idhaahaa kaad is ogaydeen-ba maaha, oo aad yara fadhaq boodaa, markaas uun baan warbaahinta ku cararaa oo aan miciin moodaa, iyo Waddani oo aan kugu yara xaraka-deeyo, waad-se la socotaa, in aanan marna Ciiro la heshiinayn, oo waa kii yaraa ee aan anigu soo taba-baray, ee damcay in uu aniggii meesha iga saaro.

* Handaraab:- Hahahaha, Nin wacan baad tahaye, halkaa ka wad, oo hoosta aynu ka wadda socono.

* Faysal Zaad:- Kkkkk, Aniga waad i og-tahay, oo waxba dooni-maayo, ee gudoomiya-nimadda baan ku shaqaystaa, ka wax rabaa waa adiga haddii aad hanaraab tahay, ee kolba sidda aad iigu listo, baankuugu hambaynayaa.

* Handaraab:- Hahahaha, Hadaad garatay, wax-garad baad tahaye, mar qudha ayuun buu hungurigu ku kacayaa, markaas baan kaa shakiyaa, oo aan si idhaahaa, talaw miyuu Garxajiseeyey? saaka meel aydaan isku ogayn buu ka miisayaaye.

* Faysal Zaad:- Kkkkkk, Handaraabaw, inaku waynu dhamaysanay, ee ragan kale ee kulmiye, maxaad faraysaa, oo aynu isku ogaanaa, labadeena iyo intan kale?

* Handaraab:- Jano-Ka-bood (waa samaale’), Waxaad odhan lahayd bal noo sheeg adna, dee waad na dhex fadhidaane.

* Jano-ka-bood:- Marka hore Subxaana-laahi wabi-xamdihi, Aaayad qu’raan ah baa odhaynaysa ” Wactasimuu bi-xabli-laahi walaa-tata-faraquu” oo kicnaheedu yahay Xadhiga illaahayw adad qabsadda oo kala furfurmina. sidaas awgeed, waa in intii is raaci kartaa ay meelwadad marto.

* Handaraab:- Hahaha, Jana-ka-boodaw aan kula kaftamee, maanta oo aad siyaasiw eyn tahay, baad ka wacan tahay markii aad ii maamka ahayd, waayo, hadda beentu waa kuu xalaal, oo sidda aynu u doonayno, baad kolba aayad ku soo fadhiisisaa.

* Jano-ka-bood:- Eeeeeen, Qu’raanka lkaf-tiisa baa siyaasadda nolosha ku dhisan, markaa waa khasab, diintu kuu diidi mayso in aad sidaad jeceshahay wax u sheegto, markaas waa ansax in aad been ku soo jiidato ummadda aad foodka ka doonayso.

* Faysal Zaad:- Kkkkkk Subxaana-laah, Mar haduu Wadaadkii jano-ka-bood inoo micneeyey aayadaas sare ee tidhi ” xadhiga illaahay wadad qabsadda” taas baynu laba-deena Urur ku shaqaynaynaa ee Kulmiye iyo Ucid.

* Handaraab:- Ina Cabdi Dheeraw maxaad Haysaa adna? Mataanaha waxan la baxay, Golihii dhexe ee xisbiga Kulmiye, waan ka wadda tuuray, waxa ku hadhay oo keliya Ina Waran-cade, Cawil, Arabna Sheekha ah Wasiirka Diinta iyo awqaafta oo keliya, Samaroon Madax-weyne ku xigeenka Saylici, Hartina Mr Faratoon (Wasiirka arimaha Debedda), intii kale waan u dhamaynay.

* Faysal Zaad:- Kkkkk, Alley-lehe baga, aniga kuwaasi i diide, ee mar hadaan tolkood-na isku dirnay, cidlay taagan yihiine, ee maalin-ba mid eri Mataanaha iyo Samaroon, Harti.

* Jano-ka-bood:-Mahadi illaah baa ay u sugnaataye, Waaryaa Handaraab, bal nooga waran arimahan waxay Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar ka wadaan Burco.

* Handaraab:- Hahahaha, beryahan waad maqaly-seene, Cali Khaliif galaydh iyo Axmed ismaaciil Samatar, Waa haad geed waayey, puntland-na ma tegi karaan, Soomaaliyana wax ka soo waaye, markaa ha iska hadleene yaanay idin dhibin, wax ay hayaan baa iskaba yae.

* N.B Is Qab Dhaaf-too, Qoobabkaa Jaban.

Qore:- Abdi-shotaly.

ashotaly5@gmail.com