2010-2011kii wuxuu na yidhi “Ma rabo Madaxweyne. Waxa aan rabaa Guddoomiye Xisbi. Murashxiin ku habboon
madaxweynaha iyo ku-xigeenka loo xulayaa. Jidh ahaan iyo dhaqaale ahaan waan
burburay” 04-05 Jen 2012 ayay ahayd iyo shirweynihii saddexaad ee Xisbigu ku
qabsado Crown Hotel bay ahayd. Xubin golaha dhexe ee UCID ah oo cod-bixinaya
ayaan ahaa. Waxa noo yimi fardo-awliyaad iyo garab dhan oo UDUB ah. Alle waxa
uu nagu guuleeyay hiilkoodii. 80% ayay keeneen codadka Xisbiga. Faysal afartii
cisho ee ololaha doorashada 2012 ma uu dhaafin Hargeysa/Sallaxley.
Waxa uu ficilkiisu ka dhignaa
“Gebiley iima codayn. Burco way iga fadhiisatay. Ceerigaabo ha igu soo
hadal-qaadin. Boorama ha sheegin. Laascaanood iska illaw. Berbera cod kama
filayo. Balligubale halkaas u dhaafi maayo. Garadag iyo Caynaba, iskuma
hallaynayo”. Rag baa intaba maray oo saami iyo sed ka keenay. Ballan iyo
Ilaahay iyo ummadduba ogtahay buu ahaa.
Waxyaabaha aan bannaanayn ee uu
faraha kula jiro waxa ka mid ah:
1. Isaga ayaa Dr Cabdiraxmaan Cirro u ballan-qaaday in uu ku wareejinayo
Guddoomiyaha iyo Murashaxa UCID marka ay dhacdo doorashada 2010 oo ka baxay
2. Dhaqaalaha Xisbigu ka helo miisaaniyaddu waa xaaraan, waayo rag ayaa la soo
saaray, oo uu cidla’ diray
3. Kursigii Murshaxa Madaxweyne ee uu 2017kii noqday wuxuu ahaa xaaraan,
waxaanu helay 4%
4. Wuxuu sameeyay ballan-ka-bax aynu ognahay halka uu diinta kaga jiro
5. Wuxuu inoo sheegay been caddaan ah oo aynu garan karno halka diintu kaga
jirto.
6. Salaaddu waxa ay dadka ka reebtaa xumaatada, tiisu kama reebin xumaanta.
7. Xashka iyo cimrada waxa lagu dhaafaa xaqa Alle. Laguma dhaafo ka addoomaha.
8. Waa ninka keliya ee 3 jeer noqday Guddoomiye Xisbi ee aan dhicin
9. Shirweynihii Xisbigu wuxuu ku beegnaa 04-05 Jen 2017ka. Laba sanno iyo
dheeraad ayuu muddo dhaaf yahay. Markaas miyuu cambaarayn karaa wakiillo,
deegaan iyo guurti midna? Tiisu ma xalaal baa?
10. Maalin walba cay iyo afxumo aan loo fadhiyin oo hor leh ayuu la soo taagan
yahay
Waxaas oo dhan marka aan eego
cimrada Faysal ma aha mid xagga Alle laga jecel yahay oo la aqbalayo. Ma inta
addoomaha Ilaahay been iyo ballan-ka-bax lagu sameeyo ayaa Maka loo dalxiis
tegayaa?
Haddii uu mar dambe tartamo waxa
uu helayaa 2%. 2017kii ka hor waxa aan saadaaliyay in uu helayo wax ka yar 5%.
“Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaane” Abwaan Maxamed Cabdiraxmaan
(Luggooyo)