Shan Sababood Oo Ay Tahay In Cabdirisaaq Khaliif Loogu Doorto Gudoomiyaha Golaha Wakiilada…W/Q Cabdirashiid Jeeni

  1. Shaqada iyo khibradda Ganacsiga gaarka ah: Golaha Wakiilladu ma aha sharci-dejiyayaal iyo kor-joogteeyayaal balse waxay sidoo kale yihiin siyaasad sameeyayaal, Goluhu wuxu u baahan yahay hoggaamiye sida cabdirisaaq 1991 illaa 2010 ka shaqaynayey ganacsiga gaarka loo leeyahay. Hoggaan sidaas ahi wuxu fahmi karaa doorka Golaha Wakiilladu ku leeyahay samaynta iyo ansixinta sharciyada, iyo siyaasadaha qaran ee badhi-taaraya ganacsiyada gaarka ah.
  2. Khibrad Maamul Maaliyadeed: Cabdirisaaq wux 20 sano ka shaqeynayey oo weliba horjooge ka ahaa mid ka mid ah ganacsiyadii maaliyadeed ee guuleystey, kaas oo guud ahaan Soomaalidu, gaar ahaanna reer Somaliland ku soo badhaadheen ee AMAL kaas oo xilligii burburka ahayd dariiq ka mida kuwa kooban ee isku xidha reer Somalilandka waddanka jooga iyo kuwa qurbaha jooga, ma fududa in aad hormuud ka noqoto ganacsi ka dhex shaqaynaya waddan sidaa u burburay, welibana ganacsigaasi noqdo mid guul ka gaadha dhulka Afsomaliga lagaga hadlo oo dhan. Khibraddaa maaliyadeed ee xilliga adagi waxay Cabdirisaaq siin kartaa karti iyo hufnaan uu ku hoggaamiyo hay’adda dejisa, isla markaana jaangoysa siyaasadda miisaaniyadda/maaliyadda qaranka.
  3. Khibrad maamul hay’ado dawladeed: Xilligan isbeddelada badani adduunka ka dheceen, way fududdahay in musharax u tartamo oo ku guuleysto kursi dawladeed, balse siddi looga bartay Donald Trump, haddii masuulku aanu hore u soo qaban xil dawladeed way adagtahay in masuulkaasi noqodo hoggaamiye ururin kara, iskuna wadi kara danaha bulshada. Taas beddelkeeda, Cabdirisaaq Khaliif waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay waaxda fulinta ee dalka, gaar ahaan wuxu muddo ku dhow 8 sano ahaa Wasiirka Wasaarado door muhiim ah ku leh adeegga bulshada. Ugu horeyn, Wasaaradda Ganacsiga oo uu muddo badan wasiir ka ahaa iyo markii danbe oo uu noqday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud. Xilliyadaad waxa uu si joogto ah uga tirsanaa Golaha Wasiirada oo ka tirsan waaxda fulinta ee kan uu hadda u tartamayo dhiggiisa ah. Taasi, waxay dhaxalsiin kartaa khibrad iyo waayo-aragnimo la xidhiidha adeegga ay waaxda fulintu u hayso bulshada oo muhiim ugu noqon doonta hoggaamintiisa Golaha Xeer-dejinta.

  1. Khibradiisa Xisbiyada: Cabdirisaaq iyo waaya-aragnimadiisa xisbiyadu waa mid aad u dheer, 2018 illaa hadda, waa Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI, ka tirsan Golaha Dhexe iyo kan Fulinta ee Xisbiga; waxa ay iyaduna waayo-aragnimadiisa ku kordhin kartaa isu-xoorinta aragtiyaha kala duwan ee ay qabaan bulsho laga yaabo in aanay isku afkaar, isku aqoon iyo isku karti toonna ahayni.
  2. Hoggaamintiisa Tolmoon: Qiyaastii waa nin da’aadii dabayaaqada kontonaadka maraya, Waa nin reer Sool ah oo dhaqanyaqaannimo dhalad ah leh, waa shaqsi dadku ku soo ururo ee aan laga yaacin, bulshada reer Sool iyo badanka reer Somalilandba aad u loo oggolyahay oo tabantaabiye ah, horumarka iyo hagaajinta xidhiidhka gobolka Sool kaalin weyn oo muuqata ka qaadan kara. Inta aan ka garanayo waxannu ku wada jirney Golaha Fulinta iyo kan Dhexe ee Xisbiga WADDANI, weliba isagu wuxu ahaa Hoggaanka Xisbiga oo aanan anigu ka mid ahayn, Waa shaqsi aragti miisaaman, adeegsiga maanka iyo u-miyirintiisu badan tahay, caadifadda bilaa macnaha ahi ku yartahay, deeqsi ah, aragti leh; kuna adag aragtidiisa, dhegeyste wanaagsan ah, la sixi karo, una debecsan in lala xisaabtamo.

Ugu danbeyn, Maadaama uu isku darsaday intaas oo qodob iyo weliba kuwo kale oo badan, Cabdirisaaq waa shaqsi aan inta tartamaysa cidi igagala habboonayn in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Waxa qoray: Abdirashid Jeeni

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland