Sheekadii Cabashada Maxaabiista Jeelka…! Qalinkii Samia Muse

Maxaabiis jeelka ku xidhan ayaa ka cabatay cadaadis iyo Daryeel xumu kaga timi askarti ilaalada jeelka. Waxaanay ka yaabeen maxbuus la yidhaahdo Ahmed o ay si fiican o naxariis leh askarta jeelku ula dhaqmaan….! Maxaabiisti ayaa Ahmed weydiiyay sababta isaga sida fiican loola dhaqmo iyagana loo takuuro..

Ahmed ayaa weydiiyay maxaabiisti:

– Markaad waraaqaha aad o qoraysaan wiig kasta reerihiina maxaad ku qortaan…?

– Maxaabiisti waxay ku jawaabeen daryeel  xumida iyo takuurka ayaano ku qoranaa..!

– Ahmed wuxuu yidhi waad qaldan tihiin, waayo waraaqaha aad qortaan kama baxaan xabsiga iyada o aan askartu akhrinin….!

– Maxaabiisti waxay yidhaahdeen bal noo sheeg adigu maxaad qortaa..?

– Ahmed wuxuu yidhi markaan waraaq jacaylaa xaaskayga u qoro,  waxaan ku xusaa waraaqda amaanta iyo wanaaga askarta jeelka…!

– Maxaabiisti sidìi ayay yeeleen u Ahmed ku taliyay, laakin waxay Arkeen in cadaadiskii iyo Daryeel xumadii ay badatay walibana ka sii dartay….!  Waxay Arkeen Ahmed laftigiisi o la xumeeyay o askartii jeelku maca isaga raacisay Maxaabiisti…..!!!

– Ahmed ayaa Maxaabiisti weydiiyay maxaa qaldamay….?

– Maxaabiisti waxay ku jawaabeen warqadihii markaan u qornay xaasaskayagii waxaan hoos ku xariiqnay:

Ahmed ayaa nagula taliyay si aad u khiyaantaan askarta ilaada jeelka warqadaha ku xusa amaanta askarta ilaalada jeelka…!

Xikmada sheekadani waa: Ma xumaa inaad Dadka caawisid laakin kala Baro Dadkaad la hadlaysid…!

Samia Muse

#Hayaannews

#Mustafe_Janaale