Shimbirka keliya Ee Ku Dhiirada Inuu Gorgorka Qaniino Waa Tukaha.

Dhabarka ayuu gorgorka kaga fadhiistaa oo qoorta ayuu ka qaniinaa.
Laakiin muxuu gorgorku sameeyaa?
Gorgorku uma jawaabo, lamana dagaalamo; waqti iyo tamar kuma lumiyo tukaha.
Keliya baalashiisa ayuun buu la kala baxaa oo wuxu u duulaa hawada sare.
Markasta oo duulimaadku sii fogaado oo uu gorgorku cirka u sii baxo, tukaha waxa ku adkaada in uu neefsado oo uu hawo helo, kaddib tukuhu wuu soo dhacaa oo dhintaa.
Gorgorka waxa laga baran karaa…
Halkii aad tukaha kula dagaalami lahayd goob adiga ku dhibaysa, keliya in aad kor uga kacdo. Tukayaasha qaarkood ayaa kuu raaci kicitaankan, laakiin ugu dambeyn dhammaantood way soo wada daadanayaan.
–East Africa Business. Hassan Abdi