Sida Uu Nebigeennu (SCW) U Isticmaalay Xisaabta Markii Uu Galayay Dagaalkii Badar?

Sida laga soo xigtay Sun Tzu buuggiisa, The Art of War (Farshaxanka Dagaal), mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee dagaal aad ugu guulaysan kartaa waa in la ogaato xaddiga uu leegyahay awoodda ciidanka kaa soo horjeedaa. Tan waxaa sidoo kale oo cadeeyay Rasuulkeenii Suubbaani (SCW) dagaalkii Badar markii uu galayay.

Marka hore, waxaan ognahay in qodobka ugu weyn ee sababy guushii muslimiinta ee dagaalkii Badar ay ahayd gargaarkii Alle (SWT). Laakiin, dedaalkii iyo istiraatiijiyadihii Muslimiinta ee xilligaas ayaa sidoo kale ka mid ahaa sababihii keenay guusha dagaalkan. Bal haddaba aynu milicsano laba fikir xisaabeed oo uu u adeegsaday Nebigu (SCW) sii uu u guul uga gaadho dagaalkaas.

Marka hore, buugga Al Sirah al Nabawiyah ee uu qoray Ibnu Hishaam, wuxuu ku sheegay in ka hor intaan la gaadhin dagaalkii Badar, Nebigu SCW u diray Zubair bin Cawwaam iyo Sacad bin Abi Waqqas si ay u soo basaasaan mushrikiintii Quraysh. Intii ay howlgalkaas wadeen, ayaa waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan laba qof oo ka tirsanaa ciidankii Quraysh, ka dibna waxay geeyeen saldhigii militariga Islaamka.

Rasuulku (SCW) wuxuu bilaabay inuu labadaas maxbuus weydiiyo inay ka waramaan ciidanka mushrikiinta. Waxayna u  sheegeen in ciidanka  mushrikiintu joogaan meel sheeda laga soo arki karo. Haddana, wuxuu nebigu (SCW) weydiiyey tirada ciidamada mushrikiinta iyo xooggooda.

Si kastaba ha noqotee, labadii maxbuus si sax midna ugumuu jawaabin. Sidaas darteed, Rasuulullaah wuxuu raadiyay hab lagu helo qiyaasta saxda ah ee tirada guud ee ciidammada mushrikiinta. Ka dib, wuxuu nebigu (SCW) weydiiyey tirada geela maalin kasta la gawraco. Deedna, labadiiba waxay ku jawaabeen, “Mararka qaarkood maalin sagaal neef, marna toban.”

Halkaas, Rasuulku (SAW) wuxuu ka qiyaas qaatay in ciidanka mushrikiintu u dhexeeyo 900 ilaa 1000 qof. Sidee ayay haddaba xisaabtaas ugu soo baxday? Caqli ahaan, neefkii geel ahba waxaa la qiyaasa in boqol qof uu ku filnaan karo. Marka, waxaa kuu soo baxaysa – 1 neef geel: 100 qof; 9 neef geel ah: 900 oo qof & 10 neef geel ah: 1000 qof. Markaas, qiyaasta ka dhalatay waa 900 ilaa 1000 askari.

Su’aasha saddexaad ee uu Nebigu (SCW) weydiiyey labadii mushrik ee Quraysheed waxay ahayd magacyada dadka ku jira ciidankii mushrikiinta, labadii maxbuusna way u tiriyeen magacyadii madaxya-weyntii mushrikiinta. Taasi waxay macluumaad muhiim ah u ahayd Nebiga (SAW) si uu sameeyo isbarbardhig xooggaga muslimiinta iyo mushrikiinta, oo uu u go’aansado midkee asxaabta ka mid ah ayaa dagaalka fool-ka-foolka ah ku wajihi doona madaxya-weynta mushrikiinta.

Haddaba, markii dagaalku bilaabmay, ayay ciidankii Quraysh iska soo saareen Utbah bin Rabiicah, Syaibah bin Rabi’ah iyo Al-Waliid bin Utbah oo u matalayay dagaalka fool-ka-fool ah ee ka horeeya dagaalka weyn. Deedna, Nebiga (SCW) oo xisaabtiisa dagaalka fool-ka-foolka ahi u diyaarsanayd ayaa soo xulay Ubaidah, Xamzah iyo Cali waxaa loo diray inay matalaan ciidanka islaamka. Waxaana soo baxday in xisaabintii Rasuulku (SAW) run ku qotontay ka dib markii ay saddexda Asxaabi ku guuleysteen dagaalkii fool-ka-fooka ahaa. Haddaba halkee ayay ku jirtaa fikirka xisaabeed ee markana Nebigu (SCW) isticmaalay? Fikraddu waxay ku qotontaa xisaabinta Nebiga (SCW) ee saddex asxaabi oo ku midba ku sifoobay seefta oo la laba-gacmoodiyo, hufnaanta dhaqdhaqaaqooda iyo awoodda seef qaadashadooda.

Xisaabtan wuxuu nebigu (SCW) ku qiyaasayay xoogga iyo awoodda saddex nin ee ay soo xuleen ciidankii mushrikiintu. Markii saddexdii nin ee ay mushrikiintu soo xusheen markiiba saddexdii asxaabi ee Nebigu soo xulay qudha ka jareen, halkaas dhawac weyn oo maskaxeed ayaa ka soo gaadhay ciidankii faraha badnaa ee Mushrikiinta.

Maanta waa jumce barakaysan. Aynu ku wada salino Nebigeenii Suubanaa (صَلَّى ٱللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ‎)

W/Q: Dr. Fosi M. Qoofal