Sidee ayey Telefishannadu ugu tartami karaan in ay hantaan Dawadayaal badan oo ku xidha wararka TV-gooda.

Somaliland iyo Somalida kaleba, waxa ku sii kordhaya warbaahinta la iska arko (Telefishannada), inkasta oo korodhka ay sii kordhayaan aanay waxba ka beddeli tayadii kuwa hore ee jiray, marka laga reebo in ay tirro ahaan uun kordheen mooyee.
Way yihiin amma maba jiraan qof amma dad si gaar ah ugu xidhan hal Telefishan oo ay ka helaan Wararka ay xiisaynayaan, waayo haddii aad hal TV, aad daawatid, uma baahnid 20 amma 25 kale, waayo waa isku Warar waxba kuma kala duwan inta badan.
Sababta ugu badan ee tan keenaysaa, waxa weeye in Weriyaha war doonka ah aanay jirin cid la xisaabtanta oo warka laga doonayo iyo warbixinta laga doonayo, cid u astaysa oo kala xisaabtamaysaa aanay jirin, isaga laftiisuna aanu xil iska saarayn helida Warar ka gaar ah kuwa la wada hayo ee dhacdada caadiga ah ee Weriye kasta ogyahay.
Waxa oo iyadu sabab kale ah oo isku warar ka dhigtay Telefishannada, in wararka qaarkood lagu bixiyo lacag, taasina ay ku khasabto TV-yadu wada baahiyaan.
Haddaba, sidee ayuu Telefishanku ugu tartami karaa inuu noqdo mid hanta daawadayaal badan, oo ku xidhnaada wararkiisa, dadkuna sugaan.
Tusaale ahaan, hal dhacdo oo cusub ay jirto, oo ay ka jirto deegaanka aad ka waranto, dhacdadan, waa mid la wada hayo oo Weriyeyaal kalena ay goob joog ka yihiin, adigu sidee uga duwanaan kartaa oo aad uga warami karaa dhacdadan oo aad ku heli karaa daawadayaal badan.
1- Waa aad Xog dheeraad ah oo inta la hayo ka faah-faahsan raadiso.
2- Waa in aad raadiso warayso ku gaar ah oo aad ka hesho dadka ku lugta leh dhacdada amma ay si uun u saamaynayso amma cid aqoon iyo waayo aragnimo u leh oo sharaxaad ka bixinaysa, si ay daawadayaashu fikir muhiim ah uga helaan
Sidoo kale, waxa iyadu kordhin karta daawadayaashaada iyo dadka ugu xidhan, sida aan markiiba bulshada ugu soo gudbiso dhacdada, dhinac deg degsiinta amma hor helida Wararka.
Tani waxa ay keenaysaa in lagu barto Wararka markaas dhacda, adigoo muhiimana siinaya sugnaanta warka.
In Wararka aad baahinayso ay noqdaan kuwo gaar ah u ah Telefishankaaga, sheekooyin xiiso leh oo taabanaya nolosha dadka, waa kuwo kordhinaya daawadayaasha ugu xidhan.
Qoraalkan yar waxa aan ka soo jaf-jafay Courses Saxaafadda ah oo aan akhriyey, kuwaas oo aan ku saleeyey Warbaahinteenna gaar ahaan Telefishannada, madaama oo cutubkuna ka hadlayey Wararka Telefishannada
Saleban Saxansaxo
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland