Sidee-buu ku Aasaasmay Ciidanka Qaranka #Somaliland Oo U Dabaal-degay Sannad Guurada 28 Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskooda

Yaa u sabab noqday Aasaaskiisa ?

Hargeisa(#Hayaannews): Iyadoo la isugu tegay Garoonka Hargaysa Istaadyoon si looga tashado sidii hubka looga dhigi lahaa Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee garabyada SNM ka tirsanaa, ayuu Suldaan Maxamed Suldaan Faarax (AHN) oo ku suntanaa Suldaankii halganka ahaana suldaanka guud ee Beesha #ARAB ayaa ka dhexkacay madax-dhaqameedkii ku sugnaa madasha, kuna dhawaaqay go’aan ka farxiyy Beelaha Soomaalilaan waxa aanu yidhi “Beeshayada yaa kow ka noqonaysa hub-ka-dhigista , haddii billad lagu bixinaayo iyo hadii shahaado lagu bixinaayo, anagaa ugu horraynna.”Ka dib ciidanka muusiga baanboyda ayaa u tumay heestii astaanta calanka Soomaalilaan, halkaasni waxa ka dhacay mashxarad iyo damaashaad aan la soo koobi Karin.

Ciidanka Qaranka ee aynu maanta arkayno halkuu taagan yahay, waxa seeska u taagay Ciidankii Sancaani ee hubkoodii ku wareejiyey Dawladii Maxamed X. Ibraahin Cigaal. Waxaana bilaabmay hannaanka geeddi socodka nabadda ee dhisidda ciidan Qaran  oo dalku lahaado. Si looga guuro hab-beeleedkii ciidanku u dhisnaa, oo looga dhigo kuwo dawladeed, waxa loo qaybiyey  ciidankii SNM ahaa Afar Qaybood oo kala ahaa , Ciidan Qaran , Boolis , Asluub Iyo Ciidanka Birmadka. Dharaar weliba tilmaan leh, maalintani waxa ay tilmaan gaar ah ku leedahay Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaan.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Iyo go’aankii Taariikhiga ahaa.Iyada oo la isugu tegay Garoonka Hargaysa Istaadyoon si looga tashado sidii hubka looga dhigi lahaa Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee garabyada SNM ka tirsanaa, ayuu Suldaan Maxamed Suldaan Faarax (AHN) oo ku suntanaa suldaankii halganka ahaana suldaanka guud ee Beesha Arab ayaa ka dhexkacay madax-dhaqameedkii ku sugnaa madasha, kuna dhawaaqay go’aan ka farxiyy Beelaha Soomaalilaan waxa aanu yidhi “Beeshayada yaa kow ka noqonaysa hub-ka-dhigista , haddii billad lagu bixinaayo iyo hadii shahaado lagu bixinaayo, anagaa ugu horraynna.”Ka dib ciidanka muusiga baanboyda ayaa u tumay heestii astaanta calanka Soomaalilaan, halkaasni waxa ka dhacay mashxarad iyo damaashaad aan la soo koobi Karin.

Sheekh Ibraahin ayaa hadal kooban oo duco iyo bogaadin isugu jira madasha ka jeediyey, waxa ku xigay Madaxeyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo khudbad dheer ka jeediyey goobtii wuxuuna yidhi “iga raali ahaada marka aan faraxsanahay hadalkaygu hag-hago ayuu yeeshaa maanta ma jiri karto wax la barbar dhigi karo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waayo, wuxuu go’aan ku qaatay goob aanay beeshiisu la joogin kulana tashan, waa taa geesinnimadda dhabta ahi.”

Wuxuu Madaxweyne Cigaal intaasi raaciyey oo uu yidhi “Waxaan halkan dorraad iyo tii ka horaysay idinka idhi, qoodh maaha nimaan SNM ahayni, cid garab istaagi kartaana ma jirto ,  maantana hadduu Axmed Siilaanyo I garab fadhiyo , isagaa iga mudan “ .

Madaxweyne cigaal oo khudbaddiisu dhincayo badan taabanaysay ayaa u ducueeyey Suldaan Maxamed iyo kooxdii sancaani ee hubkooda isla goobtii ugu tirisay dawladda kuna wareejisay, waxa kale oo xusid mudan in hoggaamiyihii Ciidankii Sancaani uu hadalka qaatay isaga oo hubkoodii xabbad xabbad u yeedhiyey. Waxaanu ugu dambeyntii yidhi “waa kaa hubkayagii ee mudane madaxweyne naga guddoon.” markii hadlkaasi uu dhammeeyey ayuu garoonkii hal mar isla-oogsaday dabaal-deg iyo mashxarad. Goobtaasi waxa billadii iyo shafatii ku qaatay suldaan maxamed suldaan faarax (AHN) iyo Beeshiisii.

Khudbadii Xasan Ciise Jaamac

Waxa isna hadalka qaatay madaxweyne ku xigeenkii hore  ee Soomaalilaan Xasan  Ciise Jaamac oo ku bilalabay hadalka salaantii islaamka” ,Aslaamu Calaykum , sidii uu sheegay Cumar Boobe oo ahaa duqii magaalada Hargaysa, maanta marka  koowaad waa sannad guuradii saddexaad ee xoreyntii dalka jamhuuriyada soomaalilaan ,saddex sanno ayaa laga joogaa maalintii dalka la xoreeyey, waa in aynu ilaahay ugu mahad-naqno. Marka labaad waa tii diinta islaamu tidhi “qofkii aan adoomaha ilaahay u mahad niqin ilaahayna uma mahadnaqo”.

Markaa waa inaynu SNM u mahad-naqno, saddexdaa sanno ee SNM dalka xoraysay waxa ina soo maray wakhti adag, dhinaca kale markaan ay ka eegno agoontii SNM, naafadii SNM ciidamada SNM iyo hawshii ahayd dib u u dhiska dalka wax badan ayaa ka dhiman, fari kama qodna. Isla-markaa dhinaca kale markaan ka eegno arrimo taariikhi ah iyo guulo lagu faano ayaan laga joogaa , hawsha ay SNM  gashay .

waa kow, SNM  dalka ayey xoraysay ,waxa ay ku dhawaaqday soomaalilaan oo xor ah oo soomaalilaan gudaheeda looga taliyo . Saddex, waxa ay ku dhawaaqday mabda’i’yin in maamulka keliya ee jiri kara ee ummaddani ay geydaa uu yahay maamul islaami ah. Afar SNM   mudadii ay iyadu qabsatay markii ay dhammaatay ,ummada ayay taladii soo dhexdhigtay oo ay tidhi “ walaalayaal labadii sanno ee aanu qabsanay way naga dhamaatay ee kaalaya”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com