Sidee Loo Khaarajiyay Muxsin Fakhri Zaadah?

Jimcihii dhowaa aroortii ee taariikhdu ahayd 27/11 waxaa la dilay caalimkii aqoonta nukliyeerka Eeraan Muxsin Fakhri Zaadah, mana jirto weli cid falkaa sheegatay in kasta oo Eeraan si qayaxan u gu eedaysay Israa’iil. Xogtii u gu dambaysay ee warbaahinta Eeraan soo tebisay waxaa la gu faahfaahiyay sidii loo ga takhallusay ninkaa dalkiisa muhiimka u ahaa. Waxaa la yidhi, hawsha dilku wax ay qaadatay saddex daqiiqo, waxaana la gu fuliyay rasaasta baaska, sidan bayna u dhacday.

Muxsin Fakhri Zaada isaga iyo marwadiisa oo gaadhi aan xabbaddu karin wada saaran baa aroortii ka baxay magaalada caasimadda ah ee Dahraan. Sida caadiga ah aad baa loo ilaaliyaa, markaana waxaa gelbinayay saddex baabuur oo ciidanka amniga ah. Wax ay ku sii jeedeen degmo ku taal duleedka Dahraan. Goobta shilku ka dhici doono waxoogaa ka hor mid ka mid ah saddexdii baabuur ee ilaalada ahaa ayaa socdaalkii ka leexday si uu u ilaaleeyo wax dhiillo leh oo agagaarka ka jiri kara. Isla jeerkaas buu Muxsin Fakhri maqlay dhawaqa rasaas la gu soo riday baabuurka, wax kale ayuu se dhawaaqa mooday iyo cillad gaadhigiisa ka dhex yeedhaysa. Dabadeed inta uu gaadhigii joojiyay buu ka soo degay si uu u eego. Ilbidhiqsigaa ayaa tacshiirad baas ah la ga ga soo furay masaafo 150 mitir ah. Rasaastu wax ay ka soo dhacday baabuur halkaa yaallay oo aan cidi la joogin, mana jirin haba yaraatee cid agagaarka ka dhowayd. Rasaasta waxaa farsamo casri ah la ga ga hagayay meel fog.

Saddex xabbadood oo darandoorri ah baa haleelay oo tii u gu darnayd lafdhabarta ka la jabisay. Ilbidhiqsigii xigay waxaa la qarxiyay oo baabba’ay baabuurkii rasaastu ka soo dhacday. Mudane Fakhri oo weli nool cusbitaal aan meesha ka durugsanayn baa loo la cararay, halkaana helukabtar baa la ga ga qaaday oo la gu geeyay cusbitaalka magaalada, halkaas buuna ku geeriyooday.

Baadhitaan hordhac ah waxaa la gu ogaaday mulkiilihii baabuurka rasaasta la gu soo rakibay in uu dalka ka baxay maalin ka dib iyada oo aan la sheegin dalka uu u baxay.

Eeraantu wax ay aad u gu qanacsan yihiin cidda dilkaa ka dambaysaa in ay tahay sirdoonka Israa’iil ee Mosad, waayo Israa’iil wax ay hore u sheegtay ninkaasi in uu ka dambeeyo afar madax oo nukliyeer ah oo Eeraan samaysanayso. Raysalwasaarahooda Netanyahu oo sannadkii 2018 shir jaraa’id ku shaaciyay in ay heleen xogta nukliyeerka Eeraan goobta wax uu ka yidhi “Xusuusnaada magaca Fakhri Zaadah”.

Eeraan sidaas bay sannadkan ku wayday ninkii labaad ee u gu muhiimsanaa istiraatijiyaddeeda dagaalka, iyada oo Maraykanku hore u ga dilay janan Qaasin Suleymaani.

Qalinkii Ibraahin-Hawd Yuusuf

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland