Siyaasada Geeska iyo Kaalinta Madaxda Soomaalida.

1- Goljilicda Kenya ka weerari karto Somalia waxaa ka mid ah Somaliland.

2- Somalia & Ethiopia waxaa ka dhexeeya xidhiidh fiican taas oo keentay in ay Ethiopiada Aby xidhiidhka Somaliland hoos uga dhigto sidii hore.

3- Maanta Ethiopia waxay badashay qaab siyaasadeedkii ay ula dhaqmaysay Somaliland iyo goaankii ay isla qaateen Aby & Farmaajo.

4- Waxaa muuqata in ay jirto sabab badashay siyaasada Ethiopia ee Somaliland ku wajahnayd.

5- Sababahaa waxaa ka mid noqon karta in Ethiopia hor istaagto Somaliland xidhiidh siyaasadeed oo ay la samayso Kenya.

6- Xidhiidh ay Somaliland la samayso Kenya ayaa Somalia ku ah culays siyaasadeed xili uu meeshii ugu xumayd marayo khilaafka Kenya & Somalia.

7- Xidhiidh dhaw oo ay yeeshaan Somaliland & Kenya ayaa sidoo kale carqaladayn kara qorshaha iyo yoolka Ethiopia ee ah in ay xudun u noqoto dhaqaalaha gobolka oo ay hore u ahayd Kenya. Halka Kenyan ka rabto in ay kaalintaas ilaashato.

8- Hadaba waxaa iswaydiin mudan arimahan:

B- Maxay madaxda Federaalka Somalia siisatay hirgalinta qorshaha Ethiopia oo aan ka ahayn in aanay Ethiopia qaabilin madaxda maamul goboleedka Somalia iyo Somaliland? Hadiiba ay Somalia Ethiopia hada ka codsanayso in ay Somaliland ka hor istaagaan xidhiidhka Kenya?

T- Madaxda Somaliland ma waxa ay siisan doonaan fulinta dalabka Ethiopia in Somaliland madaxdeedu marka ay Ethiopia aadaan ay qaabili doonaan madaxda Federaalka Ethiopia iyaga oo shacabka u muujinaya in aan Farmaajo u diidi karin la kulanka madaxda Ethiopia? Mise waxay Ethiopia hordhigi qorshayaal siyaasadeed/dhaqaale/amaan oo istiraatiiji ah?

J- Sow ma moodid in madaxda Soomaalida hada talada hayaa aanay lahayn aragti fog iyo bisayl siyaasadeed mar hadii aanay awoodin in ay maareeyaan ismaandhaafkooda siyaasadeed kana wada shaqeeyaan dantooda guud halka ay dawladaha danaha ka leh Somalia iyo Somaliland awoodaan in midba ka uu doono dantiisa ka fushado kana siisto mawqif caadifadeed?

9- Ugu dambayn, waxaan ka sugaynaa madaxda Somaliland ee safarka ku jooga Ethiopia in ay shacabka ula soo laabtaan qorshayaal horumarineed oo dhan walba ah, lana soo guryo noqon heshiisyadii caadifadeed ee Farmaajo kala soo noqonday safaradii iyo shirarkii badnaa ee Ethiopia iyo Eritrea u ahaa bilowga waji cusub oo awoodeed dhan walba ah. Hadii kale sidaa maantaba qorshihii Farmaajo ee caadifadeed u burburay ayuun baa barina caadifadaa catoow dambe xigi.

Qalinkii Khaalid Sheekh