“Siyaasada Maamul Daadajinta Dawlada ”.. W/Q… CABDALE GAXNUG.

Caqiidada guud ee dadka reer galbeedka ah ee aaminsan in siyaasada dhabta ah ee dunida casriga ah samayn ku yeelanayso isbadalada ay hormoodka ka yihin saynisyahanada bulshadu, isla markaana ay daran tahay ka guurida dawladihii qadiimiga ahaa sida boqortoyo qori isku dhiba, xukun keli-telisnimo, didaamyadii shuuciga IMW.

Fikradahan ku lidigaa xukunada cid gaara ku dhex ladhan ,oo runtii kana tagayn dabeecadihi ilbaxnimada wadan, siyaasada, luuqad iyo suugaanta qadiimka ah. Waxayna taabacsan yihin xiliyadii xukunadii Giriga 508 BC ee hanaan maamul qaybsiga magaalooyinka si wadajira looga qayb qaadanayay horumarka dadka iyo dalkaba, xadaaradii suuganta hindiya ee ‘Ramayana’ tiirina u ahayd xudunta xidhiidhka ee madax iyo mijaba iyo hababkii kala dambayneed ee qarnigii 12aad ee ‘Sukraniti oo ahaa hab siyaasad macquul ah lehna cufnaan, caannimo, kala sooc la’aan iyo xoogag wadajira. Iyada oo ay la socdaan dhammaan awoodaha dawlada ee ilaalinaya bulshada, ayaa ahayd waxa ugu weyn. Sida muuqata, siyaasad ahaanta ‘Sukranitigi qadiimiga ahayd, aaladda ugu weyn ay ku suntanayd jeclaysiisay philosophers badan inay raadiyan sooyaalkooda, ahaa dib u habeynta bulshada, horumarka dhaqaalaha, daryeelka dadka, is dhexgalka bulshada iyo dhismaha qaran.

Horumarka caalamiga ah, maamul wanaaggu waa kalmad ujeedo leh oo qeexaya sida hay’adaha dowliga ahi u maareeyaan howlaha guud una maareeyaan ilaha bulshada sida ugu wanaagsan. Dowladnimadu waa “geeddi-socodka go’aan qaadashada iyo hannaanka go’aannada loo dhaqan-galiyo ama aan la dhaqan-gelin. Sidoo kale awood-baahinta siyaasadeed waxay muujisaa yareynta awooda dowladaha ee siyaasadaha dejinta iyo dib-u-habeynta, baahinta maamulku waxay u dhici kartaa sababo maamul awgood, marka saraakiisha dawladdu go’aansadaan in mas’uuliyadaha qaarkood iyo go’aammada sida ugu wanaagsan wax looga qaban doono heerka gobolka ama deeganka.

Waji gadoonkii nidamkii Hanti wadaaga la soo dhaafay, dadka calamku waxay si weyn uga doodayeen hirgalinta hanan wanaaga dawladaysan, oo la xiriirta in xukunka lagaga qayb qaato heer baahiyo gobol, heer degmooyinka ilaa heer Tuulo. Lagana tirtiro kumanan dadka dunida ku nool, niyadooda mahadho ku noqotay ficiladii xumaa ee xukunkii keli-taliska milateriga ahaa, in looga diga rogto nidaamyaa mamul wanaaga wadashaynta calamka xidhiidhkiisa fududaynaysa la hindiso, ma muuqan cid gaara oo si toosa ah ugu baaqaysa in dib loo soo celiyo ama la isticmaalo dowlad dhexe oo kelitalis ah, awoodda dalalkuna aanay noqo mid casimadaha kaliya laga soo fuliyo. Laakiin waxaa jira dad falan qayntooda ku raadinaya in lagu helo dowlad dhexe  oo xoog leh oo dimoqraaddi ah (Unitarism democracy). Haddii si kale loo dhigo waxaa la dhihi karaa dawladaha Soomaalida ayaa u aragtiyahan lagama maarmaan u yihin mamul daadajinta heer gobol, heer degmo iyo tulaba, oo ay xukunka la wadaagaan dowladda dhexe. Ha yeeshee, waxaa dhab ah in dood weyn ay weli ka taagan tahay qaabka ugu mudan ee xukunka loogu baahin karo gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinkaba, maadama bulshooyin badan ay la qabsadeen habab kala gadisan oo sunaha dawlahada lagu dhaqo ah.

Waqti xaadirkan waxa ka aloosan dunidan casriga ah, doodaha is barkan ee lagu maan guurinayo hab-raaca dawladnimo, ee lagu hindisaayo siyaasadaha maamulada laga wada qayb qaadanayayo strategy ahaan, talo ahaan , hirgalin ahaan, miisaaniyad ahaan into maamul ahaan . Waxan rajaynaya inay Somaliland ka hanaqaadi doonto horumarintaas maamul .

W/Q… CABDALE GAXNUG.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com