“Somaliland Dhul, Bad, Hawo,iyo Duuny-ba Waxa ay Hoos Tegeysaa Oo Xarun Laga Maamulo u Noqonaysa Jigjiga.” Qaramada Midoobay
October 13, 2019 - Written by admin
Somaliland oo Itoobiya iyo Jabuuti si adag ugu murmeen waxa
aakhirkii Golaha Ammaanka ee Qramada Mideebey qaraar ku gaadheen in Somaliland
lagu daro dhulweynaha Itoobiyada Dr Abiyga lagu abaalmariyey Billadda Nabadda
ee Adduunka ee 2019.
Somaliland dhul ahaan, bad ahaan, hawo ahaan, dad iyo duunyo
ahaan waxa ay hoos tegeysaa oo xarun laga maamulo u noqonaysa Jigjiga.
Jubbaland na waxa qaraarkaas Golaha Amnigu raaciyey
dalweynaha Kenya, waxana dhul ahaan, bad ahaan, hawo ahaan, dad iyo duunyo
ahaan waxa ay hoos tegeysaa oo xarun laga maamulo u noqonaysa Wajeer.
Puntland na waxa uu qaraarkaas QM ku daray dalka Cummaan ka
dib markii inta ugu badan Majeerteen ku doodeen in ay halkaas asal ahaan ka soo
jeedaan, waxana xarun laga maamulo looga dhigay Soqadara oo isla daqiiqaddaas
QM ka soo jareen waddanka Yemen ee Sacuudiga iyo Iiraan isku haystaan.
Jasiiraddas yar ee badda Yemen iyo Soomaaliya u dhaxaysa waxa uu qaraar QM
siiyey dalka Cummaan.
Waxa kale oo QM dunida u sheegeen DFSoomaaliya in loo
tixgeliyo xyduudaheeda dhuleed, haweed iyo badeed oo aan lagu xadgudbin, gaar
ahaan waddamada Itoobiya, Kenya iyo Cummaan oo hadda soohdin cusub oo dhuleed
la yeelatay Soomaaliya.
Aniga oo didsan, dhididsanna oo cadhaysan ayaan sariirtii
aan ku hurdey ka soo dheellalow hinqaday. Hareerahaan eegay afartii gidaar ee
qolkayga yar! Anfariir!
Alle run kama yeelo. Habaar waa dibad. Riyooy hoostaada la
hel; waa halkii ayeeyooyinkaye.
Riyadaa xun waxa keenay arrinta Kismaayo sida aan is idhi.