Soomaalida iyo Dimuqraaddiyada

Asalka iyo ujeeddada erayga dimuqraadiyada
Had iyo jeer, qalabka kala duwan ee warfaafinta waxaynu ka maqalnaa ama aynu ka akhrinnaa ‘dawlad hebla’ waa dimuqraaddi, dawlad heblana ma aha oo waa diktatooriyad’ (kelitalis). Maxay, kolka, dimuqraaddiyadu tahay?

Maxaase looga jeedaa?

In ka badan 2.400 oo sano ka hor ayuu eraygaasu ka soo baxay magaalooyinkii dalka Giriigga ee mid waliba ay iskeed dawladda u ahayd. Athens, Sparta, Corinth, Thebes, Syracuse, Aegina, Rhodes, Argos, Eretria, and Elis.

waa hab la isku xukumo oo arrimaha noloshiisa sida loo maamulaayo uu dadku guddoonsado, isaguna uu go’aankeeda iska leeyahay. Sidaas darteed, ummaduhu marka ay xukuumadaha dimuqraaddiga ah dhisanayaan, waxaa jira ujeeddooyin waaweyn oo ay ka leeyihiin; kuwaas oo ay ka mid yihiin

ilaalinta iyo horumarinta xuquuqdooda, xaqiijinta danahooda iyo meel marinta badhaadhahooda.
Guud ahaanse, mabda’a dimuqraadiyadda waxaa lafdhabar u ah xorriyadda siyaasadeed, iyada ayaana ah maydhaxda hoose ee bundhiga u ah. Haddii si kooban loo qeexo dimuqraaddiyadu waa:

·Hannaan siyaasadeed oo xukuumadda lagu doorto, laguna beddelo, iyada oo taana loo maraayo doorashooyin xor iyo xaq ah;

·Dadka oo iyaga oo muwaaddiniin ah si firfircoon uga qayb-qaata siyaasadda iyo maaraynta arrimaha noloshooda gudaha ku saabsan;

·Dhawrista xuquuqda aadanaha ee muwaaddiniinta iyo

·Isku xukunka sharciga iyo qawaaniinta ay sameysataan kaas oo looga gol leeyahay dhammaan in muwaaddiniintu siman loogu maamulo xeerarka dalka u yaal.

Soomaalida oo ka mid ah ummadaha Geeska Afrika ku dhaqani waxay muddo dheer nolosheedu ku dhisnayd habka xoolo-dhaqashada iyo raacatada. Waxay dhaqan jirtey, qayb weyn oo ka mid ahina ay weli dhaqataa, geela, lo’da iyo adhiga,kuwaas oo ay ka hesho qaar ka mid ah cuntooyinka uu aadanuhu u baahan yahay, gaar ahaan hilibka iyo caanaha waxa kale oo ay dhaqaale ka heshaa dhoofinta xoolaha iyo hargahoodda. Bulsho ahaan intii aanu gumeysigu dalka soo gelin waxay u qaybsanayd qabaa’il ood wadaagah oo ku loollama daaqa iyo biyaha, marar badanna ku dagaallama. Maamul dhexe oo ka dhexeeya ma lahayn, qabiil walibana iskiisa ayuu isku maamuli jirey, isaga oo aan cid kale dibedda ka soo faro-gelin. Waxa ay weliba ay wadaagtaan Af, Dhaqan iyo Diin, waxayna ku wada nooshahay dhul, juqraafi ahaan, xidhiidhsan oo soohdimo dabiici ah aan lahayn. Waxay Soomaalidu lahaan jirtey hannaan madaxtooyo oo sida loo malayn karojiritaankeeda la da’ ah. Taasina waa wax aan iyada keliya ku koobnayne ay kala mid tahay dadyowga kale ee dunida ku dhaqan.. Sida ay u badan yihiin, qabaa’ilka Soomaalidu waxa uu mid waliba gaarkiisa u leeyahay nin u madax ah; kaas oo ku abtirsada jilibka ama jufadda qabiilkaas oo ah(caaqil) habkaasi oo ah mid maamul daadejin. Waa hannaan, sida boqortooyooyinka lagu yaqaan, dhaxaltooyo ku salaysan oo, geeri ka dib, inanka curadka ahi uu aabbihii uga dhaxlo.

Qaybtii 1aad

W/Q: Saleban Mohamed Ismail ( Baxraawi)

Telephone: 063-424-328-3

Email.baxrawi@gmail.com